Qabyaaladdda iyo qalalaasaha ay nagu hayso! W/Q; Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Qabyaaladdda iyo qalalaasaha ay nagu hayso!

 

Waxaa muuqata fikirka qabayaaladda ee ummad ahaan na daashaday, in uusan ahayn, fikir dhawaan dhashay, oo ay sababeen dhibaatooyinkii dambe, ee bulshadeena ku habsaday, balse, waxaa la oran karaa wuxuu ahaa, fikir soo jireen ah, kaas oo sababay, qalalaasaha aan ku dhex jirno manta, dhinac walba.

Marka aad dib u eegto, dhaqankii soomaalida waxaa kuu muuqanayo, Ā in uu fikirkan soo jireen ahaa, oo aan ka dhaxalnay, qolooyinka aan xagga Badda iyo Barriga Dariska ka nahay, ee la dhaho Carabta, oo runtii taariikhdooda maaddi iyo diintaba, ay noo caddeeyeen, halka ay qabyaaladda ka taagnaayeen, marka meeshaas waxaa ka fahmi kartaa, in taariikhda qabyaaladda aysan ahayn, wax hadda soo bilowday, saamaynta ay bulsho walba ku yeelatayna ay tahay, mid aad u dhib badan, taas oo galaafatay nolosha malaayiin qof, xag Naf iyo xag dhaqaalaba.

Hadddaba umaddeena Soomaaliyeed, qarniba qarniga uu ka horeeyay waxaad moodaa, in ay kasii fiicnayd, micnaha umad walba umadda ka horeysay, ayaa ka dulqaad iyo Xikmad badnayd,marka aan sidaa leeyahayna, waxaan uga jeedaa waa jiri jirtay waligeed qabyaaladda Soomaalida Qabaaā€™ilo is dirirana waa jireen, balse, heerkaĀ  uu maanta gaaray nacaybka la isku qabo ma jirin.

Wuxuu ahaa dagaalkaas, mid ku eg, goobta markaa la isku fara saaro, oo aan saamayn dambe ku yeelan Birima gaydada (caruurta,haweenka iyo waayeelka), wuxuu kaloo dagaalkaa saldhigiisu ahaan jiray, sida badan mid ku saabsan, Deegaan ama Ceelal waraab ah, iyo Dhul la daaqsado Xoolaha, sidoo kale xoolo la kala dhacana waa ku jirtay meesha, Dil la isku gaystana kama marnayn, oo marka ay taa dhacdo inta la isku yimaado ayaa Diyo la kala qaadan jiray, Aanadana meeshaas waa ku hari jirtay, dadkuna waxay ahaayeen kuwa isku dhex jira, oo guurka iyo gacalnimada kale kawada siman, mana jirin aano loo raadsado qof goobta shaqaaqadu ka dhacdo,ama qof lagu naco ama lagu caayo aano ay geesteen dadkiisa, sida maanta jirta, ama aan soo wada aragnay 24 kii sano ee nasoo dhaaftay.

24kii sano ee na dhaaftay, waxaan aragnay wax badan oo aynaan dhaqan u lahaan jirin, inaga oo gacmaha kula jirna, taana waxaa keenay xumaanta oo nagu dhex badatay, ma jirin qof ashahaado la leeyahay oo la dilo, sidoo kale ma jirin qof inta la cayriyo xoolihiisa ama gurigiisa la iska dago, oo lagu ilma dhalo, ma jirin sidoo kale in qof iska maskiin ah oo ilmihiisa u xamaalanayaa, oo galabkii ama subixii u rawaxaya shaqadiisa, oo beel ahaan loo dilayo, iyada oo laga yaabo in uusan waxba xitaa ka ogayn waxa ay beeshiisu gaysatay, qof faajir ah, micnaha qof xun, ficilka uu gaysto ciqaabtiisa waxaa mari jiray isla isaga, oo bulshada waa laga dhex qaban jiray, balse, markii ay xumaanta nagu badatay ayay natiijadu noqotay, in qof maskiin ah uu ciqaabtiisu maro, faajirkaas dhibka gaystay.

Ma gaarsiisnayn, qabyaaladda naga dhaxayn jirtay mid siyaasadeed, sida taariikhda lagu wada ogyahay, waasa laga yaabaa, in ay jireen, xoogaa is xigsasho ah, oo nin jeclaysi ah, balse, ma u ekayn xaaladda sida maanta ay wax yihiin, oo xitaa nidaamkii dowladnimo loogu qaybsanayo qaab qabiil, oo xitaa qabiil walba marka uu qaybtiisa helo, uu lafa hoose iskusii dhex qabsado, waxaa mooddaa in dhibaato noo ahaan jirtay dhibaato guud, ay maanta sii noqonaysa dhibaato qoys, oo ayba kasoo gudubtay Qaran.Ā  Illaa ay maanta marayso in labada isla dhalatay ay dhahaan dheefta kuma heshiin karno eeĀ  hanalooĀ  qaybsho Beesha Caalamkaay!

Xumaanta iyo wanaaga, mar walba isku orod maahan, oo xumaanta ayaa orod badan, wanaaga sidiisaba wuxuu wax ku leeyhay, daganaan iyo hubsasho, sidaas ayay xumaanta kaga dheeraysay wanaaga,Ā  taas ayaana la dhihi karaa, waa waxa qaybta wayn ka qaatay baahida fasahaadka xagga maskaxda ah, ee maanta sii baahaya, bal cabir yar ka qaado, Wiilka ama Gabadha dhalatay, 24kii sano gudahood, maanta qabiilka aad ayay ugu nugul yihiin, oo marka lagu hadlayo goobaha bulshada ku kulanto, waxaad arkaysaa in qof walba ay meel danqanayso, marka waxa laga taabto afcaasha Qof ay isku qoys yihiin!

Qofku wuu qaladanaa karaa, haddii ficilkiisa uu adiga kula saxanyahay, mar walba waxaa jiraya kuwa uusan la saxnayn, haddii qof uuĀ  ka hadlo, ficilada xun xun ee mid ka mid ah hogaanka beeshaada , ma ahan micnaheeda in Ā uu beeshaada oo dhan weerar ku yahay.

Waxaan dhowr jeer arkay, Dad ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed, oo isku dayayay in ay dadka u iftiimiyaan, qurunka ay qabyaaladdu leedahay, ayaga oo mararka qaar, si dadban hogaanka markaa jira tooshka ku ifaya, ayaan arkay dad badan oo warka ama Qalinka Qoraaga, si kale u weecinaya, ayaga oo ka dhigaya in qoraagu beesha uu hogaankaas kasoo jeedo, weerar gooni ah ku yahay, oo beel ahaan qalinka ugu qaloocinayo.

Qof walba oo dunida jooga inta uu joogo ayuu ku leeyahay sida dhabta ah, waxaana la doonayaa in uu wax ka qabsado, ma ahan in qofku waqtigiisa ku lumiyo wax uusan arkayn wax qabadka ay naftiisa u leeyahihiin, runta marka aan ka hadalnana ma jiro nin maanta ay beeshiisu u biisho ilmihiisa ama ay koriinimadooda si dadban uga qayb qaataan, xitaa kan qabiilka u dhinta macna badan kuma lahan nolosha bulshada uu u dhintay dartood, oo cid xitaa u danqata qoyskiisa ma jirto, kan dhaawaca ku noqdana waa laga yaabaa in labadoo bari Qaaraan xaaraan ah looso aruursho, qaaraankaas oo aan biilka Sariirta uu isbitaalka ka jiifo ku filnayn, kan ku Addimo beelayna warkiisaba iska daa kaas naftiisa ayuu u naafoobay.

Jaahilnimada waa sida adiga oo ku jira qol mugdi ah, oo ay Masas ka buuxaan oo lagu dhahay iska ilaali oo ha ku istaagin masaska, haddaad ku istaagtana waa ku qaniinayaan, marka meel walba oo aad qolkaas ka dhigto lugtaada qaniinyo ayaa kuu diyaar ah, waana tusaala gaaban oo aan ku tilmaamayay jaahilnimada heerka ay na gaarsiisay, qabiilkuna jaahilnimada waa qayb ka mid ah, dhib mooyee mar walba dheef lagama dhaxlo .

Allah isaga oo tilmaamaya qatartaha ay leeyihiin jaahiliinta, ayuu nagu yiri ā€œ haddii ay idinla murmaan ama idinla hadlaan jaahiliinta salaama warkiina ha u dhaafsiinanaā€ , waana hadal qiima leh oo runtii ka yimid KHaaliqqa na abuurtay cid isaga nooga aqoon badanna ma jirto, isla isaga ayaana noo tilmaamay qaabka uu qabiilka noogu sameeyay, taas oo ah in aan isku aqoonsano, maadaama ay addoomadiisu badan yihiin, balse naguma oran isku xigsada, oo iskugu xad gudba qabiil qabiil, qoom walba oo qilaafana qoolka Allah, qoomamo iyo qalalaase ayaa qarriba, noloshooda dambe iyo midda horeba,Ā  xaqiiq ahaana taas maanta ayaan haynaaĀ  sida dhabta ah .

Dulmiga sidiisaba, asbaabaha uu ku dhasho waa naloo sheegay oo waxaa ka kow ah, in la iskugu kaalmeeyo dulmiga, waxuuna Suubanaheena nagu yirii ā€œ u hiili walaalkaa, hadduu gardaran yahay iyo haddii laga gar daran yahaybaā€Ā  waxaana ugu hiilisaa marka uu gardaran yahay in aad ka dhiciso ama ka celiso, gardarrada marka laga gardaranayahyna ugu hiili, in laga gardarran yahay ,balse, naguma oran xad-gudba, Allahna mar walba ma jelca kuwa xad-gudba, Ā waxaana iska cad in aan xad-gudub badan suubinay, wax walba marka xadkooda la dhaafsiiyana, waxaa ka dhasha natiijo aan la mahdin .

Islaanimada ayaa walaala lagu yahay, qofka kugu haybta ah waxaa kaaga wanaagsan qof aydaan isku issir ahayn, oo ay idin walaalaysay Diinta, islana fahmi kartaan hadafkiina guud ee nolosha aakhiro iyo adduuyaba .

Nolosha sideedaba waa maslaxad, mar walbana waxaa muhiim kuu ah waxa maslaxaddaada ku jirto, oo aad ku hormarin karto mustaqbalkaaga dambe iyo kan ubadkaaga dambe, ee kaaga dambayn doono dunida .

Sidaa darteed ma wanaagsana, qof kula mid ah doonayana inta aad doonayso oo kale, in uu kaa dhigto jaran jaro uu ku gaaro noloshiisa halka uu tiigsanayo, waana sidaas marka aadĀ  ku taageeraysid hogaamiye beeleed aan xitaa warba u ahayn jiritaankaaga nololeed, adiga ayay nolosha caqabadheeda ku wajahayaan sida dhabta ah, isla adiga ayaana dareemaya dheefta iyo dhibka ay nolosha kuula timaado.

Hogaanka waa midka ugu saamaynta badan, nolosha Quruumaha ama Qaranka, mar walba uu xumaadana waxaa xumaanayaa Qaranka, maxaa yeelay, waxĀ  walba oo lagusoo dhiso si aan xaq ahayn oo xaaraan ah, waxay ku dhamaadaan xaaraan, codkaaga ama doorashadaada ha ku qotonto maslaxadda guud eeĀ  iyo middaada shaqsiyadeed, ma ahan in aad ku doorato hogaanka Qabiil ama waa reerkayga.

Aan yara is waydiino, ma jiri karaa? Hogaan inta lagusoo doortay qaab xun ku aflaxay, Ā sida saxda ah lama sheegin, mar walbana isaga oo dullaysan ayuu meesha yimaadaa isaga oo dullaysan oo la wada haaraamaya ayuuna meesha ka tagaa, haddaba, waxaa muhiim ah in aad ogaataa in jirtaankaaga dunida uu wax badan ka badali karo, qayb ahaan qaybta aad ugu nooshahay, ma jiro Dal xun, ee Dadka ayaa xumaadaa, Soomaliyana ma ahan Dal xun ee dadkiisa ayaa xumaaday, dal walibana sharafiisa waa mid ku taagan dadkiisa, haddi ay sharfaana waa Dal sharfan.

Ilaalinta sharafta dadkaaga xil ayaa kaa saaran, ma ahan in aad dhahdaa meesha loo bato ayaan aadayaa, mar walba meesha loo badan yahay waa meesha xun sida xaqiiqda ah,Ā  tusaala gaaban Xaqa iyo Baadilka mar walba waxaa badan baadilka, xaqa ayaaana xoog badan, sida xaqiiqda ah oo marka xaqu soo baxo baadilku ma lahan awood uu iskaga dhacsho, haddaba yaan lagugu qaldin fikradda ay Reer Galbeedka umadda ku lunshaan ee ah, majority leedsĀ  taas oo macnaheedu yahay inta badan ayaa wax hogaamisoĀ  taas oo runtii been ah dadku xumaanta waa ku wada midoobi karaan, balse, marnaba lagama yaabo xaqa in ay ku midoobaan maxaa yeelay xaqa waa sida Dahab oo kale, dahabkana lama arko mar walba oo waa mid ku yar aragtida dadka, haddii aragiisa la doonayana loo doonto suuqyada, kaasna waa mid la farsameeyay, Ā ee midka aan ka hadlaya waa midka Buuraha lagasoo qoto si dhif ah ayaana lagu arkaa, marka wax walba oo qaali ah qiima ayay leeyihiin, sidaas si la mid ah ayuu xaqqu qiimihiisa u sareeyaa.

Haddaba, waxaan hadalkayga kusoo gunaanadayaa tixdan yar

 

Qabiil qurun weeye

Qiima ma lahanĀ  qasaara mooyee

Qayb qayb haddii loo istaago

Qalalaaso mooyee Qaran lama helayo

Qoolka aan leeyaha qiimihiisa waxaa fahmi kara

Qoom qalinka wax ku dhiga Quraankana aqriya

Ee qiimihiina waa qushuuca Eebe, eeĀ  qabiilka ka hara

Qar in aad kasii dhacdaan mooyee

Qoomyahow Soomaaliyeed khayr heli maysaan

Qarribaad nafeed iyo mid maalba

Qabiilka ayaa ina baday

Qaxar aan laga bixin

Qoys tabaalaysan oo qandha aysan dayn

Qayb aan la arkin halka ay ku qotonto

Qabiil ayaa leh qoomamadiisa

Qof tabaalaysan oo qaylinaya waa qabiilka astaantiisa

Qaranka haloo istaago oo qayrkeen aan wax la qaybsano

Qurunlaydii aan shalay qarka ka tuurnay( Itoobiya iyo Kenya ) maanta qodxahooda aan siibno

Qaybta uu walaalkaa qaato haku mashquulin waa qaddar aan laguu qorinee

Qaaddirka wayn aan u qushuucno oo u towbad keeno

Qibrad hadii laga dhargayo qaybteeda waan ka helnay qabiilka

Qaaradaha adduunka maanta qaybta aad ka istaagtaba

Qof dadkeena ah kama waynaysid

Qoolkeena ha noqodo qaatumada Eebe

Qiil dambe yaan laga dhigan daadinta dhiiga qarankeena

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN