Qabyaaladda iyo Qaxarkeeda! W/Q: Farax Sheekh Cabdirisaaq

Qabyaallada iyo Qaxarkeeda?

13705245_1621180074859744_997913529_n

Waa maxay Qabyaaladdu?

Wax walba marka la ogaado asalkiisa iyo ujeedkiisa ayaa waxaa haddana lasii ogaan karaa waxtarkiisa iyo wax dhimaalkiisa, haddaba inta aanan ka faalloonin oo aanan falanqeynin Qabyaaladda bal aan qeexo oo qaabiyo.

Qabyaalad mise Qabiil?

Labadan oo inta badan dadkeenu isku laraan ama isku sidkaan aan kala sooco kalana saaro, oo mid walba goonidiisa u qeexno wuxuu ku xun yahay iyo wuxuu ku wanagsan yahay, waa laba  arrimood oo kala  gedisan hase yeeshee inta badan  madaxa laysu galsho.

Qabiilku waa:

“ Qabiilku waa arrin allaha weyni qoondeeyey, in fir walbaa noqdo qabiil iyagoo ku oday iyo abtirsanaya aabbayaashoodii ay ka soo farcameen ilaa heer ay gaadhaan inay noqdaan shucuub iyo dadweyne kala duwan oo kala dalal ah, qabiilkaas alle ku sheegay diintiisa waa midka ku salaysan garashada iyo baadi soocda firka iyo faraca isagoo xayndaab iyo xero u ah inuusan dhicin in dad isir wadaag ah oo aan is gayin is guursadaan ama isku sirmaan, waa astaanta iyo sumada dadka ku xiga ee xigaalkaaga ah, dhinaca hooyada iyo aabbaha inaad xiriiriso lana wadaagto samo iyo wanaag.

Qabyaaladdu waa:

         Qabyaaladdu waa mid ka duwan qabiilka aan kor u soo sheegnay ee sumadda iyo astaanta ah, waa gaashaanbuureysi xumo laysu gaashaanbuureysto, waa xigsiga iyo midab takoorka halka uu ka billowdo, adigoo abtirsiinyo usoo kala dhawaysta laba qof oo laga yaabo, kaad fogeynaysaa inuu kaaga waxtar badan yahay kaad soo dhaweynayso.Wuxuu yiri Abwaan Gaariye isagoo ka hadlaya arrinkaas.

  • “UF” qabiilka anaa leh;
  • Wuxuun baa ku adeegta
  • Nin iskii kartidiisa,
  • Isagoon cid ku tiirsan
  • Isu taagi karaynin;
  • Una haysta ateero
  • Ayaantuu dambi geysto
  • Laga hoos galo eedda!

{M. Xaashi Dhamac Gaarriye}

         Qabyaaladdu waa hubka loo adeegsado difaaca qabiilka oo ah kan aynu isku dhibaatayno! Qabyaaladdu waa cudur xun oo ah (virus) kaa soo dila dareenka diineed, aqoonta, dadnimada, iyo damiirka qofka oodhan , waxaana ka dhigaa qofka mid aan nixin, naxariisna lahayn !

         Qabyaaladdu waa mida ku tusta kuna tilmaanta ,in adiga iyo qabilkaaga mooyee anay cidkale xaq ulahayn in ay wax qabsadaan ama nooladaan, wana kan dimiyay qarankeenii xooga badnaa waxaanu Ina baday dhibka an kujirno, wuuxuuna leeyahay qarmuun in kastoo aanu urin kii ka dhigtay dhaqan iyo caqiido. Wuxuu yiri Abwaan Timacade:

  • Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
  • Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
  • Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
  • Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
  • Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

{ Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde}

         Qabyaaladdu waa hoyga naarta, fakhriga iyo jahliga, waayo qofku wax kasta uu barto, waxaa kala weyn qabyaallada eex falka, cadaalad xumada, sedbursiga iyo midabtakoorka,Qabyaaladu waxay dishaa caqiidada iyo caqliga qofka, waxayna kaa dhigtaa bahal an naxariis lahayn.

         Qabyaalaladdu waa hubka ay adeegsadaa kuwa daneystayaasha ah, waana hubka shaydaanku ku adeegsado, kuna dhaawaco caqiidada qofka islaamka ah, iyaduna ku galiyaa jariimada qofka marka uu rabo, in uu naar ujiito oo ka dhigto jamaaco ii ka waheshado naarta.

         Hadbaba soma odhan karno qabyaadu waa meeshi laga dumiyey dalkeena halkaa dhigay waa boogta halista ah ee   la inoo adeegsado marka la rabo in layna la kala furfuro si aynaan isu fahmin, una midoobin, dibna ugu noqon qaran jira oo ka muuqda dunida korkeeda, mana aha wax sahlan oo ladhayan san karo.

             Waxaana idiin xasuusinayaa in yar oo tusaalo ah, haddii aad dib u eegto taariikhihii hore ee soomaaliya waligaa ma maqashay, inta aad ka xasuusato xiliyadii kaa horreeyay nin halyeey qabiil ah oo qabiilkiisa ku lahaa magac weyn iyo maamuus oo loo dhisay taallo ama laga qoray buug ka warbixinaya taariikhda nololeedkiisa iyo waxqabad kiisa

         Waxaa laga yaabaa taa badelkeeda in aad aragto taalooyin loo dhisay dad soo qabtay dan guud sida halyeeyadii hore oo u soo halgamay xor nimadeena iyo diin teena! Wanaaga ayaa magac lagu yeeshaa maahine xumaan magac laguma yeesho, Qabyaaladna haddii cidi ku horumareyso inagaa ku horumari lahayn.Waxaan ku soo Afjarayaa tuducyo ka mid ah, Gabayga QAAMUUS oo uu tiriyey Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

  • Qarni rubucii baa qoysas badan, Qoorta loo galaye
  • Oo qaxiyo duulaan ku jirey, Qoomka soomaale
  • Qaabdarriyo xumaa laga dhaxliyo, Ceeba qaraweyne.
  • Qawlka iyo hadalbaan gelin, Ruuxii qaafila e
  • Qalbigii madoow baan marnaba, Qaadan waanada e
  • Qoladeyda Soomaalibaan, Qaylodhaan maqale
  • Qarniyaal wixii dhacay ayaa laga qisoodaaye
  • Haabiilba qaabiil qabiyo, Quudhsibu dilaye
  • Qaladkuu ku falay baa ilaa,Maanta loo qoriye
  • Qofkastoo la dilo qayb ayuu, Qaaddanahayaaye
  • Qasaare dhib mooyee ma helin, Qoondaduu rabaye
  • Qudhoo layska jaro waan ognahay, Qoon inay tahaye
  • Qaladkaad gashaa ruux kaluu, Qoomamo yahaye

                                   

W/Q: Farax Sheekh Cabdirisaaq

SHEEKOOYIN