QALBIGA CIDLOODAY!W/Q: Qaali Muuse Nuune.

❤

QALBIGA CIDLOODAY! 

Fara kuguma haayo, kumana haysto adiga! inaad tagtaa waxay ahayd wax qoran, waxa kaliya aan maanta haystaa waa xasuus gogol dhigatay qalbigeyga. Hubaal waan jeclaa oo aad bay ii farxad galin lahayd inaan kula qaato kulan yar, waxa aan ku weydiin lahaa su’aalo ay adkaatay maankeyga in uu ka warceliyo, dadka kale badankiisana aan la hortagi karin.

Waan jeclaa maanta in ay iga timaado dhankaaga farriin xitaa ha ahaatee “Jimco wanaagsan qaali”. Qalbigeyga wuxuu dareemaa cidlo aad u badan, waxa aan isku dejiyaa oo niyada u sheega qadar iyo qoraalka Eebbe inay ahaayeen inaan maantaba cidloodo! Shaqsiyaadka nolosheyda ku soo biiray ama  ku soo biiri doono adigaa ugu wacnaa waxa aad i dhaxalsiisay wax uusan qof bini’adam karin in uu ii hibeeyo, Aniga waan ku jeclahay adiga! Waana ku tabay oo xiiso badan ayaan maskaxda iyo qalbiga kuugu haayaa.

Mar walbo waxa kaliya ii sahlan inaan ku hadaaqo halqabsiyadaadii kuwaa oo layga qisooday leygana shekeeyay wey wacneyd xasuusteyda haddaan dib u celin karo biloowgii adiga oo kaliya ayaa ku xardhanaa, dhammaadkana wali kali baad ku tahay, qof hadduu kuu xiisay waa aniga! Qof haddii loo xiisayna waa adiga! Meel lagu kulmo meesha ugu kheyr ka iyo qurux badan Rabboow nagu kulansii, beerihii janada iyo durdurada webiyada, Rabboow naga dhig kuwa halkaa ku kulma oo ku nasta, Rabboow raali naga noqo…..

Haddii wax leyga weydiin lahaa xanuunka ay leedahay markuu hillibkaaga cad ka jarmo waan ka warrami lahaa iyo sidee u adag tahay in laga kabsado meeshaa go’aday ee bohosha noqotay! weyna adag tahay in la helo ruux buuxin kara booskaad banaysay, garab ahaanshahaagii iyo kalgacaylkaagii, Haa..!! Wey adag tahay.

FG: marwalbo aan uduceyno, oo sajuuda aan uugu duceyno shaqsi walbo nolosheyna ka baxay walibo aan inoo soo laabanayn Rabbi ha unaxariisto waalidiinta, walaalaha, saaxibada iyo dhammaan muslimiinta inagu cidleeyay dunida.

Jimco wanagsan saaxib adiga iyo shaqsi walbo maanta filanaayay in ay fariin kaga timaado ruux safar tagay ee aan soo laabaneyn, ruux walbo cidloonaayo, ruux walbo murugeysan iyo ruux walbo xaallada u wanaagsaneyn, Rabbi ha saacido farxad waarta ku noolaada dhammaantiinba.

10/Jannaayo/2020 |15:04am| Maalin jimco.

W/Q: Qaali Muuse Nuune.

SHEEKOOYIN