Qalin jebisaye maxaa xigey? W/Q: Mahdi Maxamuud Cabdi

jjjkkkkkkkk

Qalin jebisaye maxaa xigey?

Sida caadiga ah Ardaygu marka uu ku jiro waxbarashada qaasatan tacliinta sare had iyo jeer wuxuu maanka ku hayaa ama maskaxdiisa ka guuxeysa fikaradda ah qalijebin Kadib waxaad heli doontaa shaqo aad ku kasban doonto mushahar ku raali geliya. Balse runtu waxa ay timaadaa marka aad soo qalinjebiso ee aad soo qaadato Shahaadadaada wax alla waxaad doonto ka soo taqasus’e ee aad so dhexgasho masraxa shaqada.

Mee waxaad filaneysay misana aad had iyo jeer ku fikiri jirtay ee ahaa durbaba waad heli doontaa shaqo mushaharkeedu sareeyo. Haa dabcan durbaba inaad haleeli weydaa shaqo ku qancisaa maaha wax lala yaabo. Filashadeydu ma riyo uun bey aheyd? Ma Waaayahaa I saacidi la’? Ma Anigaa waxba aqoon mise Ayaankeygu ayaa ah mid xun? Su’aalaha iyo qaar kalo badan yaa maankaga ku soo dhacaya markiiba. Xaqiiqduse saa maaha, inaad soo qalinjebisaa weliba aad darajo sare ku soo baxdaa macnaheedu maaha shaqaad horay ka heleysaa, ee waa qofba iyo Ayaankii iyadoo taa jirta ayaa haddane tahay qof keliya xambaarsan daruustii ay howli u baahneyd balse sida loo dabaqaa aadan garaneynin.

Shahaadadu waxa la yiraahdaa “waa casuumad taa soo keliya kugu casuumeysa meeshi shaqada ka bannaanneyd” oo macnaheedu tahay waxay kuu suurto gelineysaa inaad gashaa goobtaas balse ku guuleysiga booskas shaqo ay ku xidhan tahay Aqoontada, Dabcigaaga iyo nasiibkaaga intuba.

waayay EE SHAQO miyaan quustaa?

inaad shaqo weydaa macnaheedu maaha inaadan waxba aqoonin, Nasiibna aadan laheyn. Shaqo helistu sideedaba waa nasiib, ku kalsoonaaw naftaada oo had iyo jeer diiradda saar sida aad u horumarin laheyd naftaada waayo waxa kula tartarmaya waa Dad sidaada oo kale soo qalinjebiyey laga yaabana isku wax inad soo wada barateen, ku dadaal sidii aad ula iman laheyd wax aad dheer tahay dadkaa aysan kugu soo gaari Karin si aad uga fursad fiicnaato. Aamin in qof weliba oo dunidan guudkeeda saaran uu leeyahay “Fursad”, waa hubanti fursadada iney ku soo mari doonto maalin uun haba soo daahdee.

Ha noqonin qof aan indho furneyn, ogoow haddii aadan waxba raadinin ineysan jirin wax ku soo raadsanaya oo fadhigaga kugu imaanaya tiiyoo jirto qadarta Alle haddana wa tii ay Soomali laheyd “Xaglo Laabani Xoolo Ma Keenaan” sideedaba calafkaaga hadaadan cag ku darin saa u heshaa wa ay adag tahay. La saaxiib oo isku xeer dad shaqeeya si ay kugu sahlanaato inad shaqo heshaa waayo dadkaas waxa ay kaa saacidi karaan inad shaqo heshaa. Qasab maaha inad shaqo mushahar leh uun aad heshaa, haddi aad weydo taa isku day inaad ka codsato Shirkad inaaad ugu shaqeyso si iskaa wax u qabso ah waayo halkaa waa meel aad isku soo saari karto, khibrad shaqona aad ka heli karto macquulna ay tahay inaad sidaa ku hesho shaqadii aad maanka ku heyn jirtay ee mushaharka fiican wadatay.

Gunaanadkii, hadii aad shaqo weyday ogoow inaad abuuran karto shaqo adiga kuu gaar ah oo halki aad dad u shaqeyn laheydna adiga laguu shaqeyn karo taas ayaana ka fiican inad dad u shaqeysa had iyo jeer diiradda saar oo muhiimaddada kowad ha ahaato inaad abuurato shaqo adiga kuu gaar ah. Dad baa mooda taasi iney adag tahay balse keliya Alle oo aad talada u dhiibataa dadaalkeedana aad la timaadaa uun baa kaa xigta waa tuu Abwaan Hadraawi lahaa “Subax dhalatay caadkeeda, ha ka bogan wax saarkeeda, Adiguba samee manta, berritona sargoo heedhe, noloshaba inaad saafto, qaabeyso saabkeeda, waxaan suura gelin ma aha!”.

W/Q: Mahdi Maxamuud Cabdi

 

SHEEKOOYIN