Qandho jaceyl iyo guur qasab ah Q1AAD

quotescover-JPG-61

Qandho jaceyl iyo guur qasab ah Q1AAD

 

Saacaddeedii moobaayl-ka ayaa bilowday ineey dhawaaqdo. Waa toddobadii arroornimo oo dhiman shan iyo toban daqiiqo. Ma haleelin ineey dhaqso u demiso dhawaaqa aan loo adkeeysan karin ee moobaayl-ka ka yeeraya. Markeey in door ah qeeyladiisa u adkeeysan weeysay ayey iyadoo riimeysa la heshay gacanta oo ay demisay. Daal darran ayaa haya oo waxaa ay seexatay goor dambe sideey xaloo dhan ugu foorartay casharo badan oo macalimaddii inkaarta qabtay u soo dhiibtay lagana rabo ineey soo celiso.
Waxeey sariirta isku sii nabtaba ugu dambeyntii iyadoo aad moodo ruux tabar darri heeyso ka soo kacday sariirtii oo ay gashay is diyaarinta waa cusub iyo kala orod. Waxaa caado u ah ineey la diyaariso islaanta adeerkeed qabo quraacda reerka oo meel qura wax ku wada cuna, waa dhaqan ay caadeeysteen nina aan cudur daar ka bixin karin. Inkastoo aan guriga dad badani ku nooleyn hadana waa gabar garasho leh oo aan howlaha guriga kaalinteeda hagran daal kasta oo haya.
Markii la quraacday ayey buuggaagteedii oo weli miiskii qolkeeda kala daadsan inta ka aruursatay albaabka labbo labbo uga degtay una roortay dhanka tareenkii. Waxaa ay ka fekereysaa maadada seyniska oo imtixaankiisa ku soo fool leeyahay. Waa maado ay aad u jeceshay marka loo eego maadooyinka kale tirada badan, hase ahaatee wuxuu ku hayaa wal wal iyo kurbo yaa mar lee ku dhaafsiiya ayey ka taagan tahay. Suleeqa waa gabar agoonimo ku soo kortay oo tan iyo wixii ka dambeeyey markii hooyadeed dhimatay u soo wareegtay lana nooleeyd adeerkeed Xaaji Samatar, xaaskiisa iyo labbo carruur ah oo ay dhaleen. Balse da’ahaan aaneey sannado badan ka weyneyn Suleeqa. C/kariin waa curadka reerka oo isaga ayaa ugu weyn ilamaha, waxaa kugu xiga wiil islantu aadu jeceshay oo magaciisi kula lamaanisay Cade (Ciise Cade).

 

Suleeqa iyadoo toddoba sanno jirto ayaa hooyadeed ku dhimatay dalka Iswiidhan. Aabaheedna waa uu ka sii horeeyey geerida xaaskiisa. Wuxuu dhintay isagoo sugayey laynkii ay xaaskiisa u xareeysay. Nasiib uma yeelan inuu markale indhaha saaro gabadhiisi uu ifka keligeed ka qabay iyo hooyadeed. Geerida ku timid hooyadeed waxa ay ku noqotay naxdin iyo filin waa kale. Waxaa ay keli ku noqotay nolol cabsi iyo wel wel badan, waxaa bannaanaaday labadeedii garab. Waxeey aheyd madi aan aabaheed iyo hooyadeed ifka uga tegin wax kale oo carruur ah. Waxaa ay noqotay rajo iyo agoon aan u joogin ehel aan ka aheyn halkaas adeer ee soo gacan qabtay iyada iyo hooyadeed muddadii ay ku cusbaayaan qurbaha. Xaaji Samatar waa adeerkeed oo Iswiidhan muddo aad u fog deganaa, kagana soo horreeyey oo aan si sahlan laftooda lugu keenin Iswiidhan. Wuxuu ahaa adeer muqlis ah oo ka faallo qaaday nolosha gabadhii yareyd ee labadeedii waalid ifka ka tageen. Wuxuu balan qaaday inuu heeyn doono tan iyo inta ay noqoto qaan gaar isku filaanta nolosheeda. Muddadii ay joogtay guriga adeerkeed maalin qura meeysan dareemin ineey guri qariib ah joogto. Waxaa loola dhaqmayey siddii gabar la dhalay oo kale. Islaanta adeerkeed qabo ma laha gabar ka caawisa howsha guriga oo in Suleeqo lugu soo wareejiyo aad ayey ugu faraxday kana dhigatay gabadheedii rumaad.

La soco qeybta 2aad insha Allaah!

 

Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar

Xuquuqda waxaa iska leh, qoraha, idan la’aan lama qaaddan lamana koobiyeysan karo, Mahadsanidiin.

SHEEKOOYIN