Qandho jaceyl iyo guur qasab ah” Sheeko taxane ah”

                     

Qandho jaceyl iyo guur qasab ah

 quotescover-JPG-61

 Horudhac:

Kama eeysan quusan Suleeqa inuu maalin xaggeeda ku soo eeggo naxariis iyo dabacsanaan iyo wax kasta oo ay ka filan karto gabar seygeeda jecel. Warqad iyo magac uun bey nin iyo oorridiisa ku yihiine mararka qaar salaanta islaamka ka dhaxeeysa la is kama qaado. Ma ahan marwo guurkeeda lugu faraxsan yahay ee waa mid saacad kasta Alle loo baryo inuu ka ag dhaqaajiyo. Wuxuuba mararka qaar ku fekeraa meesheey joogto dab ma qabadsiisaa adduunkii isku dhammaanaya ha isku dhamaadee. Calaf kuse waa cajiibe !!!

 Aamina waa gabadha uu jeclyahay marqaati iyo marag ma doontana u ah guurka qasabka ah ee saaxiibkeed loogu qasabay miskiintii Suleeqa, balse ay iyadu uu calmaday jecelyahayna inuu waqtigiisa ugu badan la qaato. Marba haddii Aamina ay tahay gabadha uu jecel yahay uu doonayo guurkeeda waqtigiisa badana uu ku lumiyo ag jooggeeda.

Jaceyl hal dhinac ah iyo guur qasab ah intuba waa howl aan yareeynee yaa kala furdaamin doona mashaqada qoorta la isku suray? Dembiga iyo is jiir xumeynta taalla yaa eeddeeda leh? Suleeqa-se dulqaad intee la eg ayey u yeelan kartaa ruux aan rabin oo marwo lugu ja juubay ugu noqotay?

La soco dhawaan sheekadan xiisaha leh ee “Qandho jaceyl iyo guur qasab ah” Waxaa qalinka u qaadatay idiina soo diyaarisay saxafiyadda Ikraam Cali-kaar .Sheekadan lama daabici karro ammar la,aan lamana min guurin karro iyadoon ogolaansho laga helin qoraha leh.

FG: Xuquuqda oo dhana waxaa ay u dhowrsan tahay qoraha ku saxiixan. Haddii aad daneeyneyso inaad ku daabacdo baraha internet-ka fadlan kala soo xirriir qoraha sheekadan ee Ikraam Cali-kaar

Ikraam Cali-kaar:

ikraam_calikaar@hotmail.com.

SHEEKOOYIN