QAWAANIINTA HORUMARKA (2AAD)

QAWAANIINTA HORUMARKA (2AAD)

11913589_872740392805383_1895586945_n

Qormadeynii hore waxa aynu uga soo hadalnay, kuna soo qeexnay erayada “Qaanuun” , “Horumar” iyo sidoo kale isku dhafka labada eray “Qawaaniinta Horumarka”. Sidoo kale, waxa aynu kusoo qaadaadhignay qeynuunka ugu horreeya ee qawaaniinta horumarka(Fikradda udub-dhexaadka u ah horumarka). Waxaana ku soo sheegnay fikradda udub-dhexaadku in ay tahay: “mabda’a guud ee dawladdu rumeysantahay, kuna maareeyso nolosheeda iyadoo raaceyso amarradiisa“. Horumar aanan lahayn mabda’ iyo aydiyaloojiyad uu ka duulana ma hanaqaado, muhiimaduna ma ahan saxnaanta ama qaldanaanta fikradda balse waa illaa iyo xad inta ay bulshadu ama jamhuurku aaminsanyihiin. Fikraddu waa in ay dallad u noqon kartaa jamhuurka inta kale ee aanan aaminsaneen, waa in ay awood u leedahay ilaalinta xuquuqdooda iyo xurriyaddoodaba.

Huggaamiyaha jamhuurkuna(ha aaminsanaado ama yuusan aaminsanaanine) waa in uu noqdaa ilaaliyaha koowaad ee fikradda, ama waxaa ka dhalanaya is hertinta iyo iska hor-imaadka jamhuurka iyo huggaamiyaha(shaqsi ama xisbi midkuu doono ha ahaado ‘e). Haddii aynu nahay Soomaalina, waxaa tusaale iyo tusmeenba innoogu filan cawaaqibtii xumaa aynu ka dhaxalnay fikraddii “Hanti-wadaagga cilmiyeysan“, ee innoogu naadiyey “Xisbigii Kacaanka Umadda Soomaaliyeed” iyo huggaamiyihiisii “Maxamed Siyaad Barre(AUN)”. Horumar kama dhasho soo dhoofinta fikrad kale, ugu yaraan haddii aysan ka daadegin umadda loo soo dhoofiyey, ama fikradda ay horey u heesteen ka awood iyo tixraacba wacantahay tan la soo dhoofiyey. Sidaa aawadeed, haddii aynu nahay Soomaali, Soomaaliduna tahay umad Muslim ah, laacidda ama hiigsigeeda horumarineed waxaa udub-dhexaad u ah ISLAAM-ka.

Aqristow! Haddii aynu isla qaabeenay misane isla qaadaadhignay macnaha iyo muhiimadda fikradda udub-dhexaadku u leedahay horumarka insaanku tiigsanayo, imminkana bal aynu usii tallaabno qeynuunka labaad ee horumarka u asaasiga ah.

Qaanuunka 2aad: Soo Nooleynta Rajada Bulshada:

     Raja-dhigga ku dhaca bulshada waa illin-galka ugu horreeya ee looga duso dibudhaca. Si loo soo celiyo rajada bulshadana waa in uu dhacaa is bedal dhab ah oo ku yimaada dareenkooda, siiba isbedal togan oo keena jiirista caqabaha ku heeran illaa ay ka gaarto xaalad ay dareento nayaayir iyo in ay ku naawisho horumar. Nayaayir soo celinta bulshada waa in lagu sii lifaaqaa niyasami loo qabo suurtagalnimada hirgelinta hadafyada la hiigsanayo. Dr. Jaazim Suldaan ayaa oranaya, marka uu ka hadlayo muhiimadda qaanuunkaan: “farqibaa u dhaxeeya taawinta arrin iyo u tabaabusheysiga taabbagelinta arrinkaas. Kamana suurowdo shaqsi u tafaxeedashada guul ka gaaridda arrin, haddii aysan laabta uga oollin suurtagalnimada in uu gaari karo arrinkaas“.

Naf kusoo celinta bulshada waxa ay muhiimad weyn u tahay fikraddii udub-dhexaadka, si fikraddaas loo taabsiiyo waaqica. Astaamaha lagu garto in ay soo noqotay rajada bulshada waxa uu Dr. Jaazim ku sheegayaa helidda seddax shardi, oo kala ah:

  1. Aaminaadda Fikradda iyo Mashruuceeda: ku qanacsanaan caqli iyo cindiba suurtagalnimada guuleysiga fikradda iyo mashruuceedaba. Sidoo kale, bulshadu in ay aaminto awooddeeda, iyo u suubbanaanta ama xaq u lahaanshaheeda in ay boos fiican ka gasho horumarka adduunka.
  2. Cisi dareeemid: is tusin fikraddu in ay ka sarreyso wixii iyada kasoo haray ee fikrada kale ah, in ay tahay sharaftoodii iyo karaamadoodii, in ay tahay fikradda tilmaameysa hormuudnimadooda, markuu Alle(SW) ku dhahay: ﴾Waxaad aheydeen ummad tan ugu kheyrka badan ee loo soosaaray dadka, waxaad amartaan wanaagga waxaadna reebtaan xumaanta, Ilaahna waad rumeysaan﴿ [Al-Cimraan:110].
  3. Yididiillo: waa in ay ku riyoodaan mustaqal wanaagsan, iyagoo istusinaya daaqadda horumarka iyo barwaaqada ay gaari doonaan, taas oo sababta ruqaansiga bulshada, ridmada iyo riinka hawlaha socdane, ruun ka ruun iyo reerba loo wada riyaaqo.

 

Reer Galbeedka Iyo Soo Nooleynta Rajadooda:

Waxaa jiray qarniya badan oo ay bulshada reer galbeedku ku nooleed jahli iyo foolxumo, xilli ay ka raja-dhigtay nolosha adduunyada, waqti dagaala sukeeye oo aad u qaraar ku hoobteen bulshada reer Yurub, kaniisaduhunaha sida ay doonaan ka yeeli jireen, kaddib markii ay caqliga bulshada daroogeeyeen oo ay gabsiiyeen hawshiisii, waa saban loogu magac daray “Casriyadii Muqdiga“, balse dhanka kale dunida Muslimka u ahayd waqtiyadii ugu qurux iyo qiimaha wacneed!!

Sidee Uga Baxayn Foolxumadaas?

Dr. Jaazim Suldaan waxa uu leeyahay: Kaddib markey huggaamiyayaashii reer Yurub fahmayn muhiimadda ay leedahay raja kus oo celinta bulshadooda, waxa ay u mareen laba waddo:

  1. Dibu aqrin sooyaalkii iyo soo bandhigiddiisa: si ay u soo nooleeyaan rajadii bulshada reer Yurub, waxa ay dibu aqrin ku sameeyeen sooyaalkoodii iyo sooyaalkii bulshadaha kaleba, iyagoo kor u qaadaya kooda, kuwa kalena hoos u dhigaya, illaa heer ardayga reer Yurub loo magala geliyey ama uu ka aaminay in bulshadu reer galbeedku weligoodba huggaanka u hayeen ilbaxnimada dunida. Waxaa la iska indhatiray wejiga kale ee sooyaalka, in ay jirtay ilbaxnima dunida muslimku hormuud ka ahayd, xilliga ay iyagu is cunayeen oo ay dhex maquurayeen waqtiyadii mugdiga!!!
  2. Ku tallaabidda guula badan oo is biirsaday:

v 1492-kii, SPAIN waxa ay muslimiinta kasoo saareysaa UNDULUS, taas oo kor u qaaday macnawiyaadkii bulshada reer galbeedka.

vSoo kashifitaankii laba-Ameeriko(magaalooyinkii dahabka ), taas oo keentay in bulsho badan oo reer yurub ah u baqoosho.

v1488-kii, Bartolomeu Dias, badmareenkii reer Bortaqiis, waxa uu soo kashifayaa marin biyoodka loo yaqaano “Cape of good hope”, kaas oo keenay ka wareegsiga marin biyoodyadii ay muslimiintu ka talinayeen.

vDhaqdhaqaaqyadii turjumaadda ee la ciribsaday dagaaladdii saliibiyiinta(dagaallo kirishtaanku la galay muslimiinta), tarjumaadda culuumtii muslimiinta gaar ahaan qeybteeda falsafadda, dibbiga, falagga, kiimiyaaga, iwm.

vIsbedalladii wax ku oolka ahaay ee cilmiga lagu sameeyey, hindisaadya cusub oo la gaaray, sida soo hindisiddii aaladda tolmada(1768-kii), adeegsiga bukhaarka(1769-kii), soo hindisidda nalka(1879-kii). Hawlahaan oo dhanba seddex shey baa udub-dhexaad u ahaay, seddexdaas shey waxa ay kala ahaayeen: aaladda Daabacaadda, aaladda Jiheeyaha Iyo Baaruudda. Intaas kaddib, reer yurub waxay billaabeen in aysan gudahooda ku mashquulin balse ee qaaradaha kale qeyrkooda kala qeybsadaan.

 

Soo diriddii Nabi Muxammed(NNKH) iyo Bulshadii Reer Carbeed:

 

Jafaliilka iyo foolxumada bulshadii carbeed heysatay, ka hor inta aan Nabi Muxummed(NNKH) la soo saarin, markii lagaaga faalloodo waa arrin fajac iyo farataagba kugu abuura!! U dhawaanshaha dhagax(sanam) dhega la’ waxa ay u ahayd dhaqan iyo dhigmaalba. Markii laga reebo MAKA oo ay Qureyshi ka talineysay, Aws iyo Khazraj (oo ahaay walaalo wada dhashay) gu’aal badan beey isku go’ayn. Dhulka Ciraaq waxaa ka talinayey boqortooyadii MANAADIRA-da, SHAAM iyo hareeraheedana waxaa atoore ka ahaay boqortooyadii GASAASINA-da, labadaan boqortooyana waxay madiidinno u kala ahaayeen FAARISIYIIN-tii iyo ROOMAANIYIIN-tii, oo uu xilligaas calankoodu babanayey.

 

Sidee uga baxayn foolxumadaas?

Iyadoo ay saas tahay Jaziiraddii Carbeed, ayaa hal mar guulaamo gu’eedi ka curatay gayigii Mako, gugacii iyo galalacdii ka baxdana waatan gaartay goob walboo carabi joogtay, guri walba looga sheekeysay!! La is weydii, la is wareysay waqalka wab soo yiri, laguse wareer! Danihii madaxdii carbeed iyo damiirkoodii is diideen! Ma annaga oo madax ahbaa majihii noqon lagu muran! War iyo waranba, ugu dambeyn, madax carbeed laga tun roonaay, damiirkiina adkaay. Bilaal Al-xabashi, Salmaan Al-faarisi, Suheyb Al-rumi oo la qabbaansan jiray la qiimee, Abu-Jahal, Abu-Lahab oo qabweynaay la sharaf qaad, guud ahaan qawmiyaddii Carbeedna qab iyo quwadba lasii, cadawgoodiina cagta la mari cesha gudihiis!

Aqristow, waxaas oo isbedal ah waxa ay la socdeyn soo diristii Nabi Muxammed(NNKH), weer iyo warkasta oo kasoo baxaana shaqa iyo shuqul kuma uusan lahayne, waa laga hadalsiinayey: ﴾Hawo isagama hadaaqo﴿[Al-najmi: 3] , Warkiisu waa waxyi loo waxyooday﴿[Al-najmi: 4].

 

Haddaba Muxuu Adeegsaday Nabi Muxummed?

 

Dabcan, waxa aynu isku waafaqnay nabigu in uusan iska hadleyni laga hadalsiinayey, hadalkiisuna qur’aan iyo xadiis buu ahaay, labadana waxaa la isku dhahaa labadii WAXYI ama Waxyeeyn. Waddooyinkii uu adeegsadayna waxaa ka mid ahaay:

 

  1. Kusoo celinta bandhiggii sooyaalka: iyadoo loo maray laba waddo:

–       Ka sheekeynta nabiyadii la soo diray, laga soo billaabo nabi Aadam illaa laga soo gaaro nabi Muxammed(SCW), ka qiseynta iska hor imaadyadii dhex maray nabiyada iyo qolooyinkii risaaladooda rumeyn waayey, iyo sidey ku guuleesteen nabiyadii iyo intii raacsaneedba. Intaasna nabi Muxummed iyo asxaabtiisi ayaa lagu dhiirigelinayey, oo lagu lahaay adinkuna sidaas baad u guuleysane sabra.

–       Sharcinnimada diimihii ISLAAM-ka ka horreeyey oo meesha laga saaray, sida diintii YAHUUD-da iyo tii MASIIXIYAD-daba. Diinta Islaamkuna waxay noqotay diinta kaliye ee la aqoonsanyahay, taasuna waxay keentay kor u qaadidda niyadda Muslimiinta.

Sidoo kale, muslimiinta waxaa loo sawirayey mustaqbalka iyo halka ay gaari doonaan si hankoodu u dheeraado oo aysan iyagu dhexdooda isugu mashquulin, waxaana ka mid ahaa xadiiskii Cudaya Binu Xaatim rasuulku ku yiri(kaddib markii ay rag badan oo baahi tabanaya wax su’aasheen nabiga):”haddaad sii joogto, waxaad furaneysaan keydadka KISRA“, hadalkaas Cudaya wuu ka degi weynayaa, isagoo oranaya: “Ma Kisra Binu Hurmuz baa?” , nabigu wuxuu kusii oranayaa: “haddaadba sii joogto, waxaad arki iyadoo qofku gacantiisa oo dahaba ama fidda ah, ku raadinayo qof ka aqbala misana uu la’yahay“. Intaasuba waxa ay sii xoojineysay rajada muslimiinta, laguna lahaay aamusa barwaaqaad gaari doontaane.

  1. Guula isbiirsaday oo ay Muslimiintu gaareen: Xamza iyo Cumar soo gelitaankoodii Islaamka, muslimiinta waxay u ahayd xaalad kala wareeg ah, waxay ka soo baxayn gambashadii ay ku jireen, waxaa ka sii gadaaleeysay heshiiskii uu nabigu la galay garaadyadii reer Aws iyo reer Khazraj , gundhiggiisuna ahaay in ay Islaamka u gargaaraan, gu’yaal kaddibna furashadii MAKA ayaa xigtay, kaddibna legatankey galaanba waa tan la loodin waayey iney iyagu libinta la laabtaan mooyaane!

Ka sheekeyntaas oo aynu uga qisoonay qaabkii reer Yurub ku soo celsadeyn rajadoodii in ay dunida hormuud ka noqdaan, iyo waddooyinkii ay u mareen iyo sidoo kale middii muslimiintaba, waxa ay inoo muujineysaa muhiimadda qaanuunkaan aw u leeyahay horumarka umad kasta, umad yedel leh oo yaabban lagama yaabo in ay yool dheer tiigsato.

 

Qaanuunkaan iyo Soomaalida:

Umadda soomaalidu waxa ay tiih iyo tashwiishba kala kulantay tabaalladii soo tixnaay ee soo maray. Iyadoon weli tii hore ka kaban ayey mid kaloo hor leh la kowsatay, taas oo keentay iyadoo is jecel haddana in ay kala jeesato. Xaalkeedu waxa uu noqday: “la isma necbo waana la is dayi waayey!”, waana xaalad iska dabiici ah, oo shaqsigu markii uu wareerku ku bataba isagabaa is hiifa oo is haruufa, walaalna warkiisaba meel dhig oo ha u sheegin! Si looga saaro xaaladdaana waxa ay u baahantahay in dib u daraaseyn lagu sameeyo sooyaalkeedii, dhaqankeedii, afkeedii iyo geesiyadeedii waaba haddii ay jiraan geesiyo ay isku raacsantahaye! Waa in loo sameeyaa wax ay ku faani karto, oo faceedana kula ficiltami karto. Warlalis, wadaad iyo waziirkeeduba waa in ay hawshaas u wada qumaan. Hal-abuur, hobol iyo hawlwadeenkeeduba waa in aysan u kala harin. Halna waa muhiimi haloo dhugma lahaado, taas oo ah in afkeeda wax loogu aqriyo looguna qoro.

La soco qeybta 3aad ……………………………

W/Q: Maxamed Yuusuf Cali Abtidoon, Khartoum – Sudan,

E-mail: abtidoon01@outlook.com, abtidoon01@gmail.com.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.