QAWAANIINTA HORUMARKA(3AAD)
Qaanuunkii koowaad, waxa aynu ku soo faafaahinnay fikradda udub-dhexaadka iyo fikradda ku lamaansan ee dhiirigelinta iyo sida ay muhiimad gaar ah ugu leeyihiin horumarka. Qaanuunkii labaadna, waxa aynu kaga soo hadalnay in ay raja soo celinta bulshada lama huraan u tahay horumarka la tiigsanayo. Qaanuunka 1aad waa helidda is bedal ku yimaada fikiradda bulshada, ku bedalidda afkaarta ma dhaleyska ah afkaar mira dhal ah. Sidoo kale, waxa uu qeyb wayn ka qaadanayaa sara u qaadidda hammiga bulshada, isaga oo dareensiinaya qaayaha qarannimo iyo qiima darrida qabyaaladdu leedahay. Qaanuunka 2aad ee raja soo celinta bulshada, isaguna waa is bedal ku dhaca dareenka bulshada, siiba mid danabkiisu toganyahay. Baqdinta, niyad-jabka, iyo is gummeynta oo ay iska siibto, bedalkoodana ku xaragoota rajo, niyad sami iyo dareen gobannimo, iyada oo aaminsan horumarku in uusan cid gooni u lahayn balse qole weliba dadaalkeeda ku gaarto, iyaduna xaq u leedahay in ay ku noolaato nolol wanaagsan. Isbedal fikir iyo mid dareenba hadii uu bulshada ku dhacay, waxaa inoo xiga is bedal kale oo isaguna lama huraan u ah horumarka bulshada, waxa aana ku soo qaadan qaanuunkeyna xiga, oo aynu qormadaan ku qaadaadhigi doono, idam Alle.
Qaanuunka 3aad: Dhaqanka bulshada oo isbedala:
Ka hor inta aynu guda gelin ka hadalka qaanuunkaan, aynu qeexno ama is weydiinno: “Waa maxay isbedal?” isbedalku waa: ” ka tagidda xaalad, iyada oo loo tallaabayo xaalad kale“. Isbeddalkuna waa laba nuuc:
- Isbedal taban(negative change): oo ah markii xaalad fiirmo wacan laga soo taraaraxo, loona sidbado xaalad foolxun.
- Isbedal togan(positive change): oo ah waa markii xaalad foolxun laga tago, lana aado xaalad fiirmadeedu wacantahay.
Labada isbedal midka laga doonayo waa midka 2aad, isbeddalkuna kuma koobno hal meel kaliya, ee waa in uu kulmiyaa dhammaan majaallada nolosha oo idil. Si taas loo gaarana, waxaa lama huraan ah in bulshadu dhaqan ahaan isku bedasho. Balse isbeddalka dhaqanka waxaa ka horreeya fikirka iyo dareenka bulshada oo isbedala. Haddii aynaan labadaan hore bulshadu iska bedalin, dhaqanka bulshadu in uu isbedalaa ma dhawa. Mar haddiise fikir ahaan iyo dareen ahaan ba bulshadu isbedasho, dhaqan ahaan in ay isbedasho way u fududdahay. Dhaqanku, sidiisaba, waxa uu soo gudbinayaa fikirka iyo dareenka bulshadeed ee markaas jira, xumaan iyo samaan ba. Halla yaabin gurracaanta dhaqanka soomaalida, waayo fikirka iyo dareenka soomaalida ayaa sidaas ah. Fikirkeeda iyo dareenkeeduba waxa ka buuxa qabyaalad, xigaalo, xiraalo, xin, iwm. Iyadoona fikirkaas iyo dareenkaas ba ku dhicin isbedal haka yaabin in dhaqankeedu is bedalo. Haddaba, si dhaqankeedu u wanaagsanaado waa in marka hore fikir iyo dareen ba is bedasho bulshadu. Fikir iyo dareen qarannimo, gobannimo, horyaalnimo, iwm, waa in ay bulshada ku abuurmaan. Fikirkaas iyo dareenkaas waxa ay awood u yeelan doonaan in ay dhaqaajiyaan dhaqanka bulshada, iyagoo u jaheynaya jihada fiican, si ay uga guuraan gabaadiirta una gogolsadaan guryasamo gaaxda lagu dhamo.
Haddaba, waxaa loo baahanyahay seddax nuuc oo isbedal ah in ay bulshada ku yimaadaan, seddexdaas oo kala ah:
- Isbedal fikradeed,
- Isbedal dareemeed,
- Iyo isbedal dhaqameed.
Jawaab bixinta bulshada, ee ku aaddan hawlaha socda ee isbedal ku sameynta fikirkeeda, dareenkeeda iyo dhaqankeedaba, waxay mareysaa afar marxalado oo marxalad weliba bulshadu bixineyso jawaab u gooni ah. Waxayna kala yihiin maraaxishaan:
- Marxaladda Diidmada: isbedalka cusub waxa uu bulshada ku noqonayaa la yaab iyo amakaag. Waxay door bideysaa in ay xaaladdeeda kusii nagaato; xaaladdii hore oo ay la qabsatay.
- Marxladda Iska Caabinta: bulshadu waxa ay isku dayeysaa in ay isbedalka ka hor timaado, iska caabbintaas waxaa sammeynaya laba qolo: qolo isbedalka jaahil ka ah oo faa’iidada uu u leeyahay garaneen, iyo qolo kale oo ilaashanaya danahooda siyaasadeed ama bulshadeed ee xaaladda hadda taagan.
- Marxaladda Ogaanshaha: hadduu isbedalku kasoo gudbo labada marxalad ee hore, bulshadu waxay galeysaa marxalad seddaxaad; waxa ay la qabsaneysaa isbedalka, waxa ay ogaaneysaa muhiimadda uu isbedalku u leeyahay nolosheeda mustaqalka, waxayna isku dayeysaa in ay daraaseyso si ay waxbadan uga ogaato. Waxa ay isa soo hor dhigeysaa dhawr su’aalood, sida: maxaa innala soo darsi doono xaalad heblaayo? Sidee baan ku wajahnaa dhibaatadaas? Arrin heblaayo side baa u sameynaa? Iyo su’aala kaloo badan oo isbedalka ku saabsan.
- Marxaladda Isxilqaamidda: bulshada waxa ay is weydiineysaa doorka ay ku leedahay hawlaha socda ee isbedalka, kaddib markay ogaatay muhiimadda iyo faa’iidada isbedalka, waxa ayna billaaabeysaa difaacidda iyo ilaalinta hawlaha isbedalka halka ay ka difaactameysay ewal.
Guul gaaridda ama guul darreysiga isbedalka waxa ay ku xiran tahay isha uu ka waraabayo ama uu ku tiirsanyahay; illaa iyo xad intee la eg ayey awooddeedu gaarsiisantahay? Ma jirtaa fikrad kale oo ku tiirsan il ka awood badan? Fikraddii shuyuuciyadda, ee Xisbigii Kacaanka(ee dawladdii militariga) isku dayey in uu ku faafiyo bulshada soomaalida dhexdeeda, waa ay guul darreysatay. Waxaana loo aaneeyaa guul darreysiga fikraddaas, bulshada oo aamminsaneed fikrad kale oo ka awood badan; taas oo ah fikirka Islaamka.
Rukunnada isbedalka:
Si uu ku guuleesto isbedalku, waxa u asaasi ah seddax rukun oo kala ah:
- Barashada sida cilmiga loo soosaaro: bulshadu waa in ay cilmigeeda iyo aqoonteedaba iyadu soosaarato, oo aysan ku ekaan isticmaalidda culuumta ay soosaareen bulshooyin kaleeto. “Ha isiin kalluune, waxa aad ibartaa sida loo kalluumeysto“, sidaa waxaa dhahay Feylasoofkii reer Shiina; Confucius oo noolaay inta u dhaxeysay 551 ilaa 479, ka hor dhalashadii Nabi Ciise(NNKH).
- Burinta caadaadka cadawga ku ah isbedalka: waa in la burburiyaa caadaadka ka hor immaanaya isbedalka, si fududna ugama go’ayso bulshadu balse waxay ka mareysaa dhibaatooyin iyo dhaawacyo badan ka tanaasulidda caadaadka; “caada laga taagaa, cara Alle ayey leedahay“, waa qawl muujinaya bulshada in ay ku adagtahay ka go’idda caada soo jireen ah, balse waa lama huraan in laga go’ haddii ay isbedalka cadaw ku tahay.
- Dhaqanka bulshada oo isbedala: ludda ama dhuuxa isbedalku waa: “ka tegidda xaalad, iyada oo loo tallaabsanayo xaalad kale”. Dhaqanka bulshadu waa in uu ka tagaa fadhiidnimada una firdabaxaa dhaqan farshaxameed dhan weliba ku fiican oo wax soosaar leh. ﴾Alle ma bedalo qawm, haddeyna iyagu isbedalin﴿,[Al-racdi:11].
La soco qeybta 4aad ……………
W/Q: Maxamed Yuusuf Cali Abtidoon, Khartoum – Sudan.