QAWAANIINTA HORUMARKA(Q1AAD)

QAWAANIINTA HORUMARKA(1)

 11913589_872740392805383_1895586945_n

nta aynu u guda galin ka hadalka qawaaniinta horumarka, aynu isku dayno in aynu isla garanno macnaha iyo ujeedka labada kalimad ee kala ah “Qaanuun” iyo “Horumar”.

Waa maxay qaanuun?

Marki lasoo hadal qaado erayga “qaanuun” ama “qeynuun” macnaha ugu horreeya ee lasoo xasuusanayo waa: “qaacidooyinka kala haga ama kala maareeya xariirka ka dhaxeeya bulsho meel ku wada nool, iyada oo ciddi ka hor timaadana muteysaneyso ciqaab“. Balse eraygu macnaha uu halkaan ugu jiro waa “Sunnooyinka Kowniga ah aynaan is bebedalin ee haga koonka iyo dhaqdhaqaaqa insaanka”.

 

Waa maxay Horumar?

Erayga “horumar” afka Soomaaliga markii loo eego waxa uu iska saaranyahay laba eray oo kala ah “hor” iyo “mar” iyo shaqal isku xira labadaas eray oo ah “U”, isku dhafidda labadaas eray iyo shaqalka “U” ayuu erayga “horumar” ka yimid asal ahaan taas oo micnaheedu yahay ” horay u socosho, shalay meeshii la taagnaay in aanan maantay la tubnaan balse horay loo tallaabsado”. Waxaa jira eraya kale oo la macna ah, sida: horusocod, horukac, ilbaxnimo, iwm. Waxaana kasoo horjeeda erayadaan sida: dibudhac, dibusocod, iwm. Erayada hore waa toganayaal(Positives), halka erayada dambe ka yihiin tabanayaal(Negatives). Balse, macnaha guud ee eraygaani waa: “horay u jaridda masaafo in ka badan inta uu jaray jaalkaa ama facaa“, waa eray sameenaya isbarbardhig laba qof, laba koox, laba dawlad, laba ummad, laba qaaraddood, iwm.

 

Waa maxay qawaaniinta horumarka?

Haddii aynu kasoo hadalnay kala joogga labada eray bal aynu haddana ka hadalno isku jirka labada eray. Qawaaniinta Horumarku waa “qeynuunnada haga horumarka uu insaanku sameenayo“. Horukaca uu insaanku la yimaado ma ahan mid isaga dhaca qaab hawtal-hamagnima ah balse waxaa jira hagayaal toosiya, haddii la hareer marana waxaa dhacaya hilinkabeer keenaya waxa loogu yeedho dibudhac. Umaddii haleesha qawaaniintaasna, waa umadda gaarta horumarka Adduunka ISLAAM iyo GAALA-ba ciddey doontaba ha ahaato’ e.

Qawaaniinta aynu halkaan kusoo bandhigi doono kama dhigna in aan dhammaan wada xuseyno “Qawaaniinta Horumarka”, balse waxaanu isku dayi doonaa in aan qormadaan iyo kuwa xigaba kusoo qaadano kuwa ugu muhiimsan ee haga Ilbaxnimada binii-aadamka.

 

Qaanuunka 1aad: Helidda fikrad udub-dhexaad ah:

Fikradda udub-dhexaadku waa: “mabda’a guud ee dawladdu rumeysantahay, kuna maareeyso nolosheeda iyadoo raaceyso amarradiisa“.

Sifooyinka fikradda udub-dhexaadka ah:

  1.    Waa fikrad aydiyaloojiyad adag xambaarsan, taasoo saameysa dhammaan majaallada kala duwan ee dawladda.
  2. Waxa ay awood u leedahay in ay la tacaamusho isbedallada dhacaya ee joogtada ah.
  3. Waa fikrad ku adag caamada, oo aysan si fudud ku fahmi karin.

Fikradda udub-dhexaadku waa cunsur kaalin weyn ka ciyaara isku xirka iyo jiheenta shacabka dawladda, waa cunsur ay adeegsato dawladdu markii ay rabto in ay kiciso caadifadda shacabka iyo mideenta aragtida shacabka. Ummadihii Carabta ee ku noolaay Jaziiradda Carabta, ka hor inta aanan Nabi Muxammed(NNKH) lasoo bixin, waxay ahaayeen ummadu iyagu is cuna oo cadawgoodu saaxiib u yahay, walaalkooduna cadaw u yahay. Balse, markii ay diinta Islaamka qaateen, Islaamku wuxuu u noqday fikrad udub-dhexaad u ah noloshooda, taasoo keentay in ay cadawgoodii u midoobaan, dawlad aad u ballaarana ka taagaan dhul aad u baaxad weyn, laga soo billaabo Shiinaha ilaa iyo dhulkii la oran jiray Undulus. Sidaas daraaddeed, diintu ama aydiyaloojiyaddu waxa ay door weyn ka ciyaartaa horumarka bini-aadamka. Gostave Le Bon ayaa ku oranayaa kitaabkiisa Psychologie De Foules: “mandiqa ku dhisan caadifadda iyo diinta waxa uu ka qeyb qaataa sameenta ilbaxnimada halka uu mandiqa ku dhisan caqliga uu ka qeyb qaato soosaaridda cilmiga iyo macrifada“. Halkaas waxaa innoogu cad in diintu kaalin mug weyn leh ku leedahay horumarka insaanka.

Fikirka udud-dhexaadka u ah horumarka reer Galbeedka waa fikirka Liibiraalliga halka uu fikirka Shuyuuciguna u ahaay udub-dhexaad Madawgii Suufiyeeti ee burburay. Marka fikradda udub-dhexaadku waa muhiim, waana qeynuun lama huraan u ah horusocodka bini-aadamka iyo abuuridda aragti mideysa shacabka/umadda. Farqiga u dhaxeeya fikradahaan waxaa weeye, Liibiraalligu wuxuu xoogga saaraa xuriyadda fardiga, fikirka shuyuuciguna jamaacada ayuu fardiga ka hormariyaa halka fikirka Islaamku isku dheeli tir ku sameeyo xuriyadda fardiga iyo maslaxadda guud ee jamaacada.

Sidoo kale, fikraddaan waxaa ka dhanbalma fikrad kale oo lagu magacaabo FIKRADDA DHIIRIGELINTA oo ah fikrad nolosha dadka toos u taabaneysa, waxaana lagu gartaa in ay tahay:

  1. Mid laga soo dharaandhiriyey fikradda udub-dhexaadka.
  2. Fikrad fudud oo caamadu fahmi karto.
  3. Fikrad ula xariirta si toos ah arrimaha shacabka murjinaya.

Dr. Jaasim Suldaan, fikraddaan wuxuu ku tusaaleynayaa hadalkii Ribciyu Binu Caamir ku yiri Kisra: “Waxaan u nimid inaan dadka ka saarno caabudidda adoomada si ay u caabudaan Rabbiga adoomada, dulmiga diimaha una saarno cadliga Islaamka, cariiriga adduunyada ay ku jiraan una saarno adduunyo iyo aakhiro waasic ah“. Shuyuuciyaddana wuxuu ku tusaaleynayaa halki-dheeggeedi ahaay: “Shaqaalaha arladow midooba“. Marka fikradda dhiirigelintu waa fikradda dhaqaajineysa jamhuurka kana hadleysa baahiyada asaasiga ah ee tabanayaan. Waxa ugu weyn ee umad ku dhiirigeliya in ay dhadhaqaaqdana waa taxaddiga, taxaddiyada ina horyaalla haddii aynu nahay Soomaalina waxa ugu horreeya foolxummada xaalka aynu ku sugannahay iyo inaan qabbaanno u nahay cadawgeena.

 

W/Q: Maxamed Yuusuf Cali, Khartoum – Sudan,

E-mail: abtidoon01@outlook.com, abtidoon01@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN