Qaxootinimo Q1AAD W/Q Aqwaan Xasan jidhi

12910128_976930982396154_124433429_n

Qaxootinimo

Meel aanay jirin wax rajo ah, noloshu waa micno la’aan. Qaxootinimo waa marka aad ogtahay inaysan jirin meel kaaga wanaagsan hooygaada oo haddana aadan tagi Karin, waa marka aad jeclaatid cadawgaada in ka badan walaalkaada, waa marka uu waqtigu iska soconayo iyadoonan waxba lagu qabsan, waa marka aad quraac ahaan u cuntid raashinka cadawgaada dhar ahaan uxiratid guri ahaanna u dhisatid ka dibna aadan ka mahadcelin, labada gacmood ee isku daboolan ee uu qofku harsanayo dhexdooda ee calaamadda u ah hay’adda mucaawinada bixisa waxay ka marqaati kacaysaa in lagu martigaliyay dhaxanta lagaa soo xareeyay balse sidaas ma tahay xaaladdu?

Maxay ugu dadaalayaan inay daryeelkeenna isku howlaan? Oo haddii ay hanti badan haystaan oo ay quudi karaan malaayiinka barakacayaasha ah maxay lacagtaas usiin waayeen tobaneeyada hoggaamiye kooxeedyada ah ee hubaysan si dhibaatada salkeeda loo xalliyo? Maya taas macno ma sameyneyso malaha waxaa la doonayaa in hooyooyinkeenna laga dhigo dad arradan, kadibna sawirradooda dunida lagaarsiiyo, oo miyuu jiraa waddan aanan baahida nagu baran maxay isku daalinayaan?

Qaxootinimadu waa boorash, mar waa biyo aroor mar waa booddo kucuntay marna waa buush seexo, ma rabtaa in sidaas aad sharci ku qaadato? Ma umalaynee in sidaas aad sumcad Ku abuuri kartid? Mayee qaxootinimadu waa naxariis iyo nagaadi ku meel gaar ah, balse kuwa dadka magangaliyay laftooda Ma waxaa muhiim u ah inay arkaan aadanaha oo gacmaha u hoorsanaya si ay u xaqiiqsadaan in iyagu ay yihiin tusaalaha irsaaqadda iyo calaamadda baraaraha? Sow kagama filna taas inay ogyihiin in uu jiro dhib iyaga berri qabsan kara mise way iska baraad la’yihiin oo balaayadu guryahooda ma gasho? Horta ma abaal baa mise waa ixsaan? Ma gargaar baa mise waa garasho? Kan qaxootiga laga dhigay wuxuu lahaa dhul uu daganaa xoolo uu dhaqan jiray iyo nolol uu ku dhaqnaa kuna faraxsanaa.

Haddaad aqrisato taariikhda qaaradda afrika waxaad ogaaneysaa inay jirtay sabab loo gumaystay, isla sababti ayaana maanta loo qaxootiyeynayaa. Mar waxaa loo muujinayaa in dhulkoodu yahay omos iyo abaar aynan ku noolaan Karin, mar kale isla iyagii ayaa dib loo tarxiilayaa oo dhulalkoodi lagu celinayaa. halkee ayay wax ka qaldanyihiin ayaad isweydiin kartaa, ma umalaysaa in ay run tahay iska dhaadhicinta soomaalida qaar ee ah in dunidu ay ubaahantahay qashinka suuqa bakaaraha iyo hareerihiisa dhooban si ay markaas uga samaystaan daaro ay dagaan? Taas ma rumaysan kartaa? Hadday haa tahay dunidoo dhanaa darbi jiif wada ah, haddii ay haa tahay maxaa uu qofka soomaaliga ah ee qashinkiisu lacagta joogo dunida uga qiimo beelay? Mar ayay ruuxdu aadanuhu ka qiimo yarayd xabbad yaanyo ah, mar ayuuna qofka soomaaliga ah sumcad kulahaa caalamka, marka hadda ma waxaan iska dhaadhicinaa in isla innagii aan haysanno shidaal, Macdan, keydad, iyo yuuraaniyam, oo marka intaas hadday ogyihiin kuwa qaxootiga loo yahay maxay si cad noo gula gorgortami waayeen illeen dad hanti ukeydsantahay ayaanu nahaye?

Marka ugu dambaysa waa adiga iyo maskaxdaada ilaa goorma ayay ku qaadanaysaa dunidu inay soo celiso caddaaladeedi si aan cidina cid ugu baahnaan qaxootinimadana loogaga maarmo, goorma ayuuse shidaalku ka dhammaan doonaa maraykanka iyo ruushka, sow iyagii khayraadkoodi beri hore la baxay ee uu barafku joogtada ka noqday, mise waxay kunoolyihiin deeyn ay waddamo kale ka qaateen ama ka xoogeen oo iyaga geed ba kama baxo dhulkooda? Intaas waxaa iyo kabadan waxaa isweydiinaya maskaxda kumanaan barakacayaal ah ee dunida daafaheeda kala Jooga.Weli sirta qaxootininada way dadantahay!!

 

Qeybta koowaad

 

Waxaa qoray W

SHEEKOOYIN