QIIMAHA SIYAASIGA Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

QIIMAHA SIYAASIGA

Siyaasiga aan qeexayo. Waa qof u taagan ama isku soo qaddimay, in uu Hoggaanka umadiisa qayb ka noqdo heerka uu rababa markaas ha bartilmaansadee, hadaba waa maxay qiimaha siiyasiga maanta? Waxaan u cabiri lahaa ama ku salayn lahaa sifadiisa shaqn qodob oo aan mid mid u qaadanayo una sharaxayo.

Siyaasiga wuxuu qiimo ku leeyahay in uu leeyahay ama u caddeeyaa umadda uu doonayo in uu hogaansho qorshayaal cad oo baahidooda ku salaysan, kuwaas oo ka koobnaan kara dhowr qodob oo uu qodob walba si muddaysan u cabirayo in uu ku gaarayo ama ku fulin karo.

Maxaa laga doonayaa Umadda uu siyaasigaas hogaaminayo ee ay codkooda siinayaan? Waxaa laga doonayaa in aysan siyaasigaas ku dooran Eex ama si qabyaaladaysan, ee ay ka eegaan dhanka baahidooda in uu wax ka qaban karo, miizaana ay saaran bal in uu yahay Nin shaqada ay u dhiibanayaan kasoo bixi karo.

Waxaa intaas sii dheer in ay samaystaan Guddi la xisaabtama Madaxda ay dooranayan, wax walba oo siyaasigaas muddaysto in uu ku qabanayana ay noqdaan sidii loogu tala galay, haddii ay soo kordhaan Caqabadana talada loo wada dhamaado.

Siyaasiga qiiimaha leh waxaan dhihi lahaa, waa midka Tayo ahaan ka dhisan dhanka Maskaxda oo Caafimaad qaba, garashadiisana ay tahay mid leh aragti dheer, damiciisana uu yahay mid guud oo uu umaddiisa la wadaagayo, ee aanan ahayn Qof hangaaban oo damaciisa  kaliya ka fakara.

Tayada Siyaasiga marka la cabirayo ma ahan aqoontiise, ee waa garashadiisa, shaqsiyaddisa, iyo dhaqankiisa, haddii uusan siyaasigu taya ahaan dhisnayn ma ahan in Waqti badan laga lunshaa Bulshada, isagana waqti lagu lushaan, maxaa yeelay waxa laga hadlayo ama la wajahayo ayaa ah Masiirka guud ee Umadda oo dhan.

Hogaaminta Qofka waxaa lagu tijaabshaa ama lagu gartaa qaabka uu gurigiisa uga soo baxo, iyo sida uu ula soo dhaqmay xaaskiisa iyo caruurtiis, ma jirtaase qanaaca guud oo qoyskiisa gaar ahaaneed ay ku qabeen ?

Haddii jawaabahaas ay cadyihiin siyaasiguna uu yahay qof shaqsi ahaan soo saaray qoys wanaagsan markaas waa lagu aamini karaa amaanada Bulshada, balse Siyaasi magac sheegta  ama aqoon sheeganaya, balse ku guul daraystay in uu si wacan usoo hogaansho qoyskiisa oo tira yar ka kooban, midkaas ma astaahilo Xil in loo dhiibto

Aqoonta waa qaybta ugu muhiimsan ee qofka laga eego, haddii uusan qofku aqoon lahayn ma ahan mid isaga is hogaamin kara dadna hogaamin kara, maxaa yeelay isaga ayaaba ah qof aan dhamaystirnayn oo u baahan in la garab galo, haddiise uu aqoon leeyahay xitaa waa in laga sii eegaa saamaynta aqoonta ay naftiisa ku leedahay heerka ay gaarsiisantahay, maxaa yeelay aqoonta qofku wuu yeelan karaa, balse haddii aysan baddalin ama aysan hogaankiisa shaqsinimo qayb ku lahayn, markaas lama oran karo qofkaas aqoon ayuu leeyahay, Aqoonta ma ahan oo kaliya in aad wax soo baratay, ee waa in ay ku hagtaa, qofka ay aqoonta hagto mar walba wuu ka taya wanaagsan yahay kan aqoonta aysan hagin ama aan lahaynba.

Hadafka waa mid ka mid ah astaamaha ama waxyaabaha lagu doorto Siyaasiga, haddii uusan siyaasigu lahayn hadaf uu ku hogaaminayo umadda uu doonayo hogaankeeda markaas uma qalmo ayaa la oran karaa hogaaminta umaddaas, sidaas si la mid ah bulshada ama umadda dooranaysa siyaasigaas waa in ay leeyihiin Hiigsi ay tiigasanayaan, haddii aysan taasi jirin micnaheeda waa in wax la isku hogansho iyo wax la gaari karaba aysan jirin.

Sidaas darteed, Hogaanka Siyaasadda waa u muhiim in umadda ay ku hagaan hadaf toosan, kaas oo muddo calaamadaysan ay ku gaari karaan, haddii ay noqoto in ay gaari waayaana ay umadda usoo celshaan masiirkeeda.

Xilkasnimo: meel muhiim ah ayay uga jirtaa Qiimaha Siyaasiga aan ka hadlayo, maxaa yeelay hadii uusan siyaasigu xilkasnimo ku aaddan umaddiisa uusan muujin waa mid keeni karta in umaddaas ay kala daadato, sidoo kale waa in uu siyaasigu xilkasnimadiisa uu ku daraa u Danqasho uu u danqanayo umaddiisa, haddii aysan taasi jirin waxaa shaki galayo Cidda uu hogaaminayo iyo qiimaha siyaasinimadiisa.

Marka laga hadlayo qiimaha siyaasiga ma ahan wax kooban oo halkan ama Qalinkan aan kusoo koobi karo, balse waa garashadayda gaaban iyo sida aan is oran lahaa qiimaha siyaasiga la doonayo maanta waa ceenkaa.

Naxariis : siyaasigu waa in uu yahay mid naxariis badan oo u naxariista dadkiisa, lana wadaago mar walba Xaaladaha ay ku jiraan, ma ahan Siyaasiga aan doonayno midka maanta taagan ee u nool in uu wax laqo, umaddiisana ay Gaajada ugu dhimanayso dariiq walba oo maanta dunida ah.

Naxariis haddii uusan lahayn siyaasiga, ma ahan mid u qalma hogaanka umadda uu hogaaminayo, waxaana mudan in sida la iskaga dulqadi karo la iskaga dulqaado, qofka haddii dhibaatada dadka uu hogaansho uusan dareemi karayn, waxna ka oran karayn, waxna ka qaban karayn, maxay tahay sababta uu u sheegto in uu yahay hogaankooda?

Hadaba aqoontayda gaaban ee ku aaddan qiimaha siyaasiga aan maanta u bahanahay intaas ayaan kusoo gunaanadayaa, inta aan saxayna Alle xagiisa ayay ka ahaatay inta aan qaldayna xagayga iyo Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay.

WQ: Mohamed Musa Sh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN