Qof aadan qabiilkiis aqoon naftaada illeyn qatar waad u galisaa? W/Q: Hodan Sh Cumar

Unknown

Qof aadan qabiilkiis aqoon naftaada illeyn qatar waad u galisaa?

 

Waxay ahayd subax barqo dheer ah, waxaan ka soo baxay gurigii aan ka daganaa xaafadda Mabraad-heil ee magaalada Addis-ababa, waxaan soo raacay baabuurta dadwaynaha, waxaan u socdaa Isbitaal aan waliba markaa ka daahsanahay, nasiib darrase baabuurka aan raacayo ima gaarsiinayo halka aan rabo ee ku kale inaan sii raaco ayaan doonayaa.

Waan raacay gaarigii wuxuuna i geeyay busteejadii aan rabay inaan kan kale ka raaco, goobtu waa bannaan, qorraxduna waa dab, oo aad ayey u kulushahay, waxaad mooddaaba in laga soo dhaweeyay halkeedii.

Kaaga sii daran ee dadku aadbuu u badan yahay, baabuurtuna waa yartahay, waxaa kirish-booyadu u rarayaan baabuurta si sharci darro ah, dadkana waa lays kor saarsaarayaa fadhi la’aan darteed, dadka jooga goobta waa dad aad u badan. 10 daqiiqo ka bacdiba waxaa imaanaya hal gaari oo buuxa, markaas baa dadkaanna lagu sii dhoobaa.

Markaan tagay meeshii xaalka jira ayaan la yaabay, ballantii isbitaalkana waaba igu dhacday! Waxaan ugu imid meesha nin aan aqaannay wajigiisa, asaguna i garanayay. Waan isa salaannay, is wareysannay, telka ayuu iga qortay, anna ka qortay, waayo qof aan is garanaynay buu ahaa oo aan kulannay mar kale, cabbaar ayaan wada sugannay gaari na qaada.

Xoogaa markaan joognay, ayaa waxaa agteenna soo istaagay aabbe Soomaali ah oo aan da’aaddiisa ku qiyaasay 60-65jir, laakiin, uusan ka muuqan awood iyo xoog uu ku xoogsado kursigii uu fariisan lahaa, maadaama gaariga lagu raacayo awood, ayna xaajo tahay “ninkii xoog leh baa xabagta goosan”.

Waxaa yimid gaari buuxa oo aan lahayn meel laga raaco, marka laga reebo 3 kursi oo aan xayaato fiican lagu fadhineyn ee silac iyo saxariir ah.

Waxaan ku dhawaannay halka laamiga qarkiisa ah si aan nalooga hormarin haddii kale maanta oo dhan halkaas baad taagnaan. Kolkii uu gaarigii istaagay waxaan noqonnay dadkii ugu hor galay, nasiib wanaag laba kursi oo cariiri ah ayaan helnay aniga iyo ninkii aan isugu nimid meesha.

Kirish-boygu wax ka fara fudud, waxna ka lacag jecel, ee lacag gacanteyda ku jirtay oo ahayd lacagta dalka Ethiopia ee birta ah, oo dhan 3qof lacagtood, ama tiris boorkood, isla markaana ay dheeri ku ahayd 2 bir ayuu si hal haleel ah iiga dafay asagoon i waydiisan.

Lacagta awalba waxaan u qorsheeyay in aan gaariga ku wada raacno, ee waxaan maagay ogeysii kirish-boyga in lacagtu tahay ama dhan tahay dhawr qof lacagtood si uusan lacag uga qaadin ninkii aan meesha isugu nimid iyo abbihii soomaaliga ahaaba, tan dheeriga ahna iigu soo celiyo, laakiin, intaanan ogaysiin baan is iri horta odaygii gaariga ma soo raacay fiiri? Mise adeer Ethiopian-kii baa garbiyay, oo u xoog sheegtay, ushii uu cuskanaa waa ka dhacday, sidoo kale kab baa ka siibatay isla markaana ka hoos gashay taayarka gaariga!

Haddaan kaco oo aan caawi maago aabbaha soomaaliyeed, kursiga waa la iga dhaxlayaa, oo arki maayo, lacag-aruuriyuhuna kalama jecla wax raaca kursiga ee lacagbuu yaqaan, taydana wuu la tagayaa asagoon waliba soo celin doonin, aniga iyo adeer saas baan gaariga uga wada hareynaa, ku kale in aan heleynana Allaa og.

Waxaan ku iri lacag qaadihii gaariga, 3 qof lacagtood qaado iyo waliba dheeri, laba qofna qaad, laakiin igu caawi in aan kursiga la iga qaadan, si aan u caawiyo qofkaan, wuuna iga aqbalay waana uga mahadceliyay.

Waan dagtay oo ushii baan u soo qabtay, adeer iyo waliba kabtii ka bacdina kursigeygii baan iri fariiso, oo wuu fariistay, waxaan u sheegay in uu qaatay lacag kirish-boygu oo lacag uusan ka qaadin hadhoow, saas u ogaaw baan ku iri Abbihii, mahadsanid maandheey buu igu yiri anna waan iska haray.

Markaan taagnaa muddo dhan 5 daqiiqo ayaa waxaa ii yimid gabar aan habaryar u ahay, oo ayana gaari rabta in ay meesha ka raacdo si ay suuqa u gaarto, ogeeydna markaan saakay soo baxay, oo la yaabtay sidaan uga daahay dhaqtarkii iyo ballantii.

Markaan sii joognay dhawrkoo daqiiqo ayaa waxaa agteenna soo istaagay gaari taksi ah oo madoow, waxaa saaran laba nin oo Ethiopian ah, si-sina u xoog badan nimanku.

Intuu darawalkii miraayadda dajiyay ayuu nagu yiri soo gala gaariga, anaa idin qaadayee.

Mise waan is fiirinnay, oo seen u galnaa maba naqaan nimanka ayaguna nama yaqaanniine? Waa Ethiopian anaguna soomaali baan nahaye? Iyo na raaci Ilaahbaa nagu toosane, sidaan kuma jiri karnee. Anagii ayaa ku doodnay sidaa.

Nimankii soo gala, soo gala ayey ku celcelinayaan, oo xitaa dad Ethiopian ah baa ku soo yaacay waana aysoo celsheen oo in ay qaadaan diideen.

Waan galnay gaarigii, kolkaas ayuu intuu daaqadihii xirtay oo highway-gii cagta saaray buu boqolkana galay!

Cabsi tii adduunka ayaa timid! Wadnuhu inuu igu yaal waa maalinkaan ku shakiyay! War ma biina-farataag buu maanta idin gayn doonaa? Annagii ba is qabsannay adaa na soo saaray iyo adaa na soo saaray!

Muran xamxam ah ayaa gadaal nagu dhexmaray aniga iyo gabadhii, talo keen bay tiri sidaan si maahee? Waxaan iri anigu talo kale mahayo ee aan is tuurno gaariga aanba dhimannee? Sayte: Oo xaggee isku tuurnaa waa highway baabuurbaa firxanaysee? Daaqaduhuna xirane?

Nin nimankii ka mid ah baa yiri, markaan gaarno meesha aad rabtaan ii sheega.

Xoogaa waan faraxnay, laakiin si fiican uma aamminin, oo waxaan is iri waa beentiis. Meeshii markaan mareeyno bay gabadhii tiri halkaan baan rabnaa, anigu maba hadli karine.

Waa istaageen, waana ka dagnay si dhaqsa leh waliba, waxaan aamini waayay inan nabad qabno, oo aan ka dagnay gaarigii aan ku talshay in aan iska tuurno, nimankii ayaan u mahad celinnay, lacagna inaan siinno damacnay laakin waa naga diideen, waana iska bexeen oo horey bey u sii xawaareeyeen.

Waan soo danaysannay, waana soo noqonnay, oo xaafaddayadii baan nimid, mar aan waxyar joogay ayaa waxaa i soo wacay, ninkii saakay aan iska bar-aqoonnay busteejada, wuxuu iga wareystay saakay meel aan ka helay gaari iyo si aan ku helay? Waxaan uga sheekeeyay sidii wax u dheceen, aadbuu u yaabay, suuye awal maxaad uga hartay anigu gaarigii aan raacay iyo kursigii aadku heshay sida dhibkiyo faraha ciddida leh? Waxaan iri soo maadan arkayn odaygii miskiinka ahaa iyo sidii Ethiopian-ku ugu tunteen? Wuxuu i waydiiyay: ma taqaannay odaygii? Maya ayaan ku iri. Suuye xitaa soomaali cid uu ka ahaa maadan aqoon miyaa? Maya baan iri.

Wuxuu igu yiri ninkii oraah aanan illaabin, oo ahayd:- “qof aadan qabiilkuu soomaali ka yahay, aqoon, ileen naftaada qatar waad u galisaa?!” Ka warn haddii Ethipoan-kii ku qaaday aysan ku dhigeen? Miyuu odayga soomaaliga ah oo aadan aqoon cidduu xitaa soomaali ka yahay kaa soo reebi lahaa? Waxaan iri maya oo wax qadaran bay ahaan lahayd, haddiiba ay dhici lahayd, laakiin, Allaba iguma keenin.

Haddaba, Ha noqon mid xigaalo iyo indha-aqoonnimo dadka ku kala saara, ee noqo mid soomaalinnimadu deeqdo kuna filnaato.

Sheekadaan waxay ahayd 2 laba sano ka hor, in aanan hore u qorin waxaa ugu wacan, inaan wax fasax ah ka haysan asaxaabtii ay ila quseysay, oo aan uga mahad celinayo in ay ii oggolaadeen inaan idin la wadaago hadda.

 

W/Q: Hodan Sh Cumar

 

SHEEKOOYIN