Qof aan dhul marin dhaaya ma leh. Qeybta 4aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

 

Anigoo si fiican u hurda ayuu i toosiyay Diiq ay leeyihiin reeraha deriska ila ah, waxaan toosay anigoo jajaban oo aad moodid in kal iyo mooy laygu shukulay, waxaan fiiriyay gidaarada Mudulki aan jiifay, ka dibna waxay cabbaar ildhaheygu ku nasteen albaabka Mudulka oo xiran, dabadeed intaan jimicsaday ayaan dhegaha u furay shanqarta bannaanka, waxaan maqlay dhawaaqa shimbiro ii dhow iyo kuwo iga fog oo kala nuuc ah, waxaa kale oon maqlay dhawaaqa ari daaqaayay meel aan wax badan iga fogeyn.

Tuulada degaanka ii ah waa midda ugu weyn uguna da’da weyn, waana tuulada laga dhaxlay magaca Xamiir Gaab, micnaha magaca Xamiir ayaa ah meel wabiga jiinkiisa ah, oo siimoowga ku baxa, halkaasoo lagu beerto wax yaabaha dhulka hoostiisa ka baxa sida Bataati macaanka iyo khudaar kala duwan sida Begelka, Ansalaatada, Bocor katiitoowga iwm, beeraha webiga saaran ayaa Xamiir leh, waxaana lagu baxsadaa marka ay beeruhu bixi waayaan ama webiga biyihiisu ay hoos u dhacaan, waa sida bustaanka guryaha dhexdooda laga sameysto, aniga waxaan tuulada ka deganahay meel ah (guri kaama xageeyo) laakiin dugsiga waxaa la iiga ooday meel ay ku taalo Helada ugu weyn Tuulada, oo ah meesha ay doonta ugu weyn ku soo xirato, halkaasoo dumarka iyo carruurtana ay biyaha ka soo dhaansadaan, magaca Helo waa meel loo habeeyay inay dadka iyo duunyadu biyaha ka cabbaan, dharkana ku dhaqdaan ama webiga uga gudbaan.

Doonta waxay leedahay xarig dheer oo labada dhinac ku xiran, xarigaas oo la dhex geliyay garaangar lagula xiro doonta, si ay u sahlanaato inay labada jembi (dhinac) ugu gudubto, qofka doonta naakhuudaha ka ahna wuxuu soo jiidaa xiriga ilaa ay doontu ka soo gaarto dhanka kale, laakiin ma laha naakhuude u gaar ah, waxaana doonta soo wada qof ka dib ah dadka soo raaca, taana waxay markhaati u tahay in aanay doontu lacag aheyn, balse ay tahay mid ka wada dhexeysa dadka deegaanka oo dhan, inkastoo ay jiraan rag u xilsaaran dayactirkeeda iyo xanaanadeeda.

Deegaanku waa dhul cagaaran oo qurux badan, waxaa webiga hareerahiisa ku yaala geedo waaweyn oo ay ka mid yihiin Mukayga iyo Baarka (Qoonaha) kaasoo aan aad u jeclaa waagi aan yaraa, inkastoo aan lacag ku iibsan jiray, inta aan ka aheyn wax yar oo aan ka tuuryeysan jiray xeradi fiyaamo, waxaan hadda imid Tuulo uu lacag la’aan ka yahay, waxaana kaa xiga inaad geedka ka soo ridato oo kali ah, inkastoo uu shirko kugula yihiin Daanyeero.

Ololaha ka hor kalama aqaanin Daanyeerka iyo Koroowga, ilaa aan ka soo arkay Daanyeero koox ah oo uu hogaaminaayo Muunka ugu weyn, marki iigu horeeysay oo aan arko raxan Daanyeero ah, waxaa i istaagtay xaada oo dhan, haddii aanay ila socon laheyn ardadeeydana waxaa suuragal ahaan laheyd inaan ka ordi lahaa, sida caadada u ah wuxuu Muunka ugu weyn kiciyaa dhogortiisa markuu qof arko, waxaadna moodeeysaa inuu weerar kugu soo yahay, haddii uu ku arko inaad ka baqeeysidna waa kuu dhammaatay, laakiin maalintaas waxaa Daanyeeradi iryadeen wiilal yar yar oo ardaydeyda ka mid ahaa, raxanti Daanyeerada ahaana waxay noqdeen deero didday oo kale, ilaa hadda waan xasuustaa Daanyeerki ugu waynaa siduu u baqa cararaayay, wuxuu waabsanaayay ciyaalka si uu Daanyeerta kale uga difaaco, isla markaana wuu sii firindigleeynaayay.

Saaka waa subax Axad ah, waana maalinteeydi seddexaad oo aan arkin Hooyo iyo Aabe, walaal iyo saaxiib toona, anigoo weli dul fadhiya sariirti, ayuu albaabka ii soo garaacay Odayga Tuulada ugu weynaa, kaasoo ah ninka leh Mudulka lay dejiyay, markaan albaabka ka furay, wuxuu igu yiri: “nakeen aan ku geeyo reerka aad saaka quraacda ku leedahay, reerkaas oo raba inay quraacda ku siiyaan inta ay beertooda aadin” waxaan ku dhahay: “quraac ma rabo” markuu sababta i waydiiyay anigana aan u sheegay inay gaajo i haynin, ayuu igu yiri: “maanta gurigeeyga ayaad qado ku leedahay, waxaana kuu soo diraa ciyaalka”.

Markuu iga tegay ayaan caday kala soo baxay boorsadeeydi, waxaana la soo istaagay Mudulka hortiisa, anigoo qaba macawis iyo funaanad sansa maanika ah, waxaa garbaha ii saaran shukumaan, koba dacas ahna waa iigu jiraan, dadka agagaarkeeyga maraaya waxay ii soo fiirinaayeen sidi inaan ahay qof ajnabi ka ah oo kale, waxayna qaarkood ogeyn inay maslaxadoodu ku jirto inaan la soo dego iyo in aan carruurtooda wax u baraayo, balse ayaga waxaa uga muhiimsan inay carruurtu beeraha uga shaqeeyaan, waxayna ii arkaan inaan howl la’aan meesha u joogo, isla markaana waxaa lays gaarsiiyay inaan waalidiin leeyahay, dadka intooda badana waxay i waydiinaayeen akhbaarka reerkeeyga iyo inaan helay qof u war geeya oo u sheega inaan Xamiir Gaab joogo, waxay aad u jeclaan lahaayeen inay arkaan qof caasimadda ka yimid oo leh anigaa Axmed dhalay, waayoo waxaa qalbiyadooda ka guuxaayo wararki ay faafinaayeen dadka warxuma tashiilka ah.

Xaafadda musqul fiican kuma taalo, waa mid aad arkaysid qofka jidka maraaya, lagana yaabo inuu ku arkaayo, baaldi ayaan biyo ku shubtay, waxaana qubaystay anigoo fadhiya, aashuunka biyaha iigu jiraan haddii ay iga dhammaadaan, iima joogto gabar ii soo aroorta, inkastuu iska xil saaray Odayga deriskeeyga ah oo gabadha uu dhalay ku amray inay biyaha ii soo aroorto, gurigana ii soo xaaqdo.

Markaan qubeyski soo dhammeystay oo aan soo labistay, waxaan guriga ka soo baxay anigoo soo xasuustay maalinti iigu horeysay oo Hooyo wax iiga dirsato guriga bannaankiisa, ayadoo isla markaana dusha iga ilaalineysa ayay dukaan aan naga fogeyn iiga dirtay kumi Sokor ah oo xilligaa rubac ku dhawaa, waan xasuustaa inay dhowr jeer igu calcalisay (kumi sokor ah) si aanu iiga lumin, markaan dukaanki ka soo baxay anigoo gacanta ku wada sokorti ayay Hooyadeey faraxday, anigana waxaan adeegi ugu keenay anigoo ku faraxsan howsha aan Hooyo u soo qabtay, maalintaas waxay ii aheyd bannaanbixi iigu horeeyay, saakana si la mid ah ayay iigu tahay bannaanbixi iigu horeeyay, waayoo waxaan rabaa inaan dhex galo oo aan la soo sheekeysto dadka aan wada joogeeyno lixda bilood ee soo socota.

 

 

SHEEKOOYIN