QOFBA SI BUU U DHIGAY! Gorfaynta Godob iyo Gallad W/Q, Barbaariye: Bashiir Cali Xuseen

QOFBA SI BUU U DHIGAY Gorfaynta godob iyo Gallad”

Ma ku soo gaaray Buugga Godob iyo Gallad?

Maqashaye ma aragtay Mise waad ku war la’dahay?

Aan kuu meeriyo ee ila soco: falanqeynta iyo gorfaynta nuxurka Buuggan iyo dhiraandhirinta qeexiddiisaba, qorayaal fara badan, ayaa aniga horteey qalinka u qaatay oo wax bandan ka yiri, aniguna faallooyinkii ay ka qoreen uun baan sii raacinayaa inyaroo naashnaashin ah iyo aragtida iiga aaddan gorfeynta iyo sii ifinta dhiganahan ku magacaaban ( Godob iyo Gallad ) oo aan u maleynayo, in uu ku soo gaaray ama aan filayo, inaad aad iyo aad u dhararsan tahay helintaankiisa iyo aqrinta qoraallada mugga iyo dhaxal reebka leh ee ku dhex daabacan.

Godob iyo Gallad, waa sheeko faneed maan curin ah, oo kuu soo tabineysa, marka tiraabta laga gudbo, in ka badan dhowr iyo afartan xikmadood oo isugu jira, maahmaah, Oraah iyo maansooyin kala duwan, waxaana sheekada qoray, oo ay ku abtirsataa: Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Xuseen Wadaad) waana sheeko kaaga warrameysa, tagtadii hore ee la soo dhaafay, midda haatan taagan iyo timaaddada saadaal ee la oddorasayo intaba.

Sheekadu, waxaa ay kugu wacyi gelineysa, in caddaaladda iyo garsoorkuba ay xaqsoorka muhiim u yihiin, iyada oo haddii kuwaasi la waayana nabadda iyo wada noolaashuhuba ay iyaguna halkaa ku lumayaan, xaalkuna uu noqonayo “Dhebedeey geed gal, reer ba’ow yaa ku leh iyo qof walboow madaxaada meyrax ku xiro?” taasi oo bulshada wadajirkeedii daaqadda ka saareysa kala fogaan iyo cadowtooyo is naceyb ahna ku dhex abuureysa!.

Sheeka faneedda dhiganahani uu sida filimeysan u kala rogrogayo, waxaa kaaga soo dhex muuqanaya is weydiimaha kala ah “Muxuu qofka gargaaraha ahi isugu howlay, inuu samafal u sameeyo mid kale oo danyare ah? muxuuse midka naxariista daran ugu mashquulay luggooyada iyo dibindaabyeynta inta taagta daran ee masaakiinta ah? Haddiise aad isla weynin aad wax u halleyso sow ma ogid ugu danbeysta cuqubada halkaa ka dhalata, in ay noqoneyso xikmaddii ahayd Waa lagu kufaa lagu kala jabaa kibirka”

Waxaa jira Gardarrooyin iyo dulmi isu awood sheegad ah oo dunida oo dhanba ka dhaca dalkeennana soo maray, sidoo kale, waxaa iyaguna jira oo kuwaasi dhinacyaal badbaadiyayaal bulshada u gargaara sida, Maamma Dahabo iyo Garyaqaan Cosoboow, oo dar Ilaah u gutay waajibkoodii dadnimo ee ay ugu guntadeen caawinaadda dan yarta iyo dulmanyaasha laga gardaran yahay, sida agoonkii Dalmar ahaa Axmed-yare iyo dadyow kaleba, in kasta oo aysan marxuumad ( Toosheey ) caddaalad helin, haddana gurmadka ay labadaasi qof sameeyeen, waa wax ku dayasho u ah inta samaha iyo wanaagga jecel.

Ogow mid kasta, oo xun mid baa ka sii xun, hana illaawin mid kasta oo fiican inuu jiro mid ka sii fiican, isku soo wada duuboo miyi iyo magaalaba xumo iyo samaba wey wada dhacaan, balse ilbaxnimadu waa dow looga badbaado baas abuurnimada magaalada iyo asaaska balo kicinta.

Agoonka, Dalmar la yiraa oo ka mid ah haldoorrada ay sheekadu ku dul meereyso, wuxuu isaga oo miyiga ku dhashay kuna soo koray uu ogaal la’aan dalaq ugu soo dhex yiri, bad weyn magaalo oo aanu dabaasheeda garaneyn, wuxuuse ku dhex haftay mowjadihii is gedgeddiyayay ee ay hirarka maanyada soo tuurayeen, iyada oo weliba halista libaax badeedyadu ay ugaarsi ku sii hayeen, isaga oo halista ku gadaaman aan ka war heyn, magaaladuna ay si u badowsaneysay, murti baana tiraahda:-

Kala fogaa wiilka howd

Iyo hirka maanyada.

Run ahaantii dunida ka ma jirto bulsho kulligeedba wada wanaagsan, sidoo kalana ma jirto ummad xumaan ku wada abtirsata, balse labada dhanba, waxaa ka soo kala bixi kara kuwo ku kala dhaata xumaanta iyo samaanta, sida aan kor ku soo sheegayba, taas ayaana kala duweysa falalka ay aadanuhu sameeyaan iyo weliba  hab dhaqannadooda nololeed iyo is dhex galka ay carra edeg inteeda kale la wadaagaan, taasi oo ah dhacdooyinka iska soo hor jeeda ee uu qoraagu bulshada ka wacyi gelinayo.

Dhab ahaantii dhiganahani waa qaamuus yare, aad ka kororsan karto, in badan oo ah af iyo dhaqan iyo weliba waayaha nololeed ee gar iyo gardarraba leh. Caddaalad darrada iyo garsoor li’ida jirta. Garab isku riixidda iyo awood isugu faanidda aan geedna loogu soo gabbaneyn. Kala duwanaashaha ilbaxnimada iyo indho xirnaanta aqoon li’da ku saleysan, sidaa darteed dhiganahan aqriskiisa wax badan buu kuu faa’iideyn doonaa, waqtina kaaga lumi maayo degaanka ay sheekadu ka dhacday inaad is weydiiso, maxaa yeelay, af guriga meelaha qaarkood loo adeegsaday, ayaa kuu sheegaya, in uu degaanku yahay Xamar iyo Xamardaye.

Haddaba ugu danbeystii aqristoow, yaan lagaaga sheekeynine, adigu ka war doon Buuggan lagu magacaabay “Godob iyo Gallad” oo ka kooban 394 bog oo ku sii urursan 22 qayb oo xirrir ah, ka dibna si qumman uga bogo oo miisaanka saar, waxa ku qoran dhab ahaanshahooda iyo heerka ay gaarsiisan yihiin, markaa ka dib, wixii fal celin ah oo dhaliil iyo dhammeys ah, dib ugu soo celi qoraaga Buugga oo ah; Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle ( Xuseen Wadaad )

W/W, Barbaariye: Bashiir Cali Xuseen

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com 

admin@laashin.com 

SHEEKOOYIN