Qofnimadaa ha saluugin W/Q: Safa J. Cali

Qofnimadaa ha saluugin

Ma garanayo sababta ay muhiim u tahay marka  marxaladda shukaansiga lagu jiro in dadka is shukaansada qaar ay been u badantahay hadallada ay u sheegayaan qofka kale. Waxaad arki gabadh aad taqaano waxay tahay oo wiil la sheekaysanaysa waxan ay daldalaysoo dhanna aanu mid saxa ku jirin.

Waxaad arki wiil isagana buurta isa saaraya haddaad ka waraysato ood tidhaahdo war hebalooww maxaa intanoo beena kugu sita ku leh maahmaahdan caanka ah ”Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa”.

Waxaad arki kuwo iyaga ma ahane aad is ledahay shaqo kale kamaba dhacdo maalin walbana saacaddo badan wada hadla waxa laga hadlayaana aanay ahayn wax saa u muhiima.

Waxaa jira kuwo kale oo leh waan is jecelnahay laakin intaas ay wada hadlayaan dagaal uun ku jira iyo telifoonka maxaad iiga qaban waysay iyo sidan kale maxaad u samaysay.

Waxaad arki gabadh lix nin iyo ka badan isku  wadda oo ku leh kan ila fiicnaada ayaan ka dooran iyo nin isagoo xaas iyo caruuro leh mid kale raadinaya isagoo leh weligay maan guursan.

Marka aad qof baranayso maalmaha koowaad sida aad u wada hadlaysaan iyo sida uu isku qeexo qofka ayaa waxa maskaxdaada ku samaysma sawir aad ka qaadato qofka kaasoo mararka qaar ka fog xaqiiqda. Haddiise ka waran marka kowaadba been layska wada sheegay oo qof walbaa shaksiyadiisii runta ahayd aanu run ka sheegin.

Si xiriir mire dhala aad u samayso marka koowaadba waa inaad ogtahay maxaa ka maqan noloshaada ood rabtaa in qof kale kugu soo kordhiyo. Runta ka sheeg oo caddee waxa aad ka rabto qofka aad xiriirka la billaabayso si uu qofka u ogyahay heerka uu ka taagan yahay noloshaada.

Daacad ahaw oo ha iska sheegin waxaanad ahayn. Waxa dhacda maalmaha hore in isjiid jiid dhoco laakin marka la arko in dabeecaddaadu sidaa tahay lagula qabsado. Hadii aanad jeclayn ku hadalka tilifoonka maalin walba ha samaynin adoo sabab uga dhigaaya qofka kale ayaa raba.

Haddii qofkan aad xiriirka la samaynayso is fahamkiinnu yaryahay murankiinuna uu badan yahay haku sii dheeraan xiriirkaa waayo haddiiba hadda is fahanku yaryahay cid hubtaa malaha in guurka kaddib uu hagaagi doono.

Hadaad xaas iyo carruur leedahay inta xiriirku sii fogaaninba ogaysii oo dheh reer baan leeyahay inaan siyaadsado ayaan rabaa, haddii ay kugu rabto wey kugu soo raaci intaad been u sheegi lahayd oo markay ogaatana isqabqabsi uu dhici lahaa.

Haddaad ledahay rag badan ayaan la wada sheekaysan oon marka dambana mid ka dooran Ogoow weli diyaar uma tihid xiriir run ah ee naftaadaad khiyaamaysaa iyaga hortood.

  • Qofkale intaad is leedahay qanci Qof aanad ahayn ha noqonin.
  • Runna kula soco oo kusoo xero geli Qofkaad jeclaato
  • Qofnimadada ha saluugine Sidaad tahay uun ahaw.

W/Q: Safa J. Cali

SHEEKOOYIN