Qolo maad tahay Q3AAD W/Q: Umalkhayr jaamac

11041783_1557311204518348_3443372813761974198_n

Qolo maad tahay Q 3AAd

 Xamse wuu gabay naftiisii, waxaana ku dhacdey filanwaa, Xamse, wuxuu u arkaa iney Xaliimo ka dal doorsatay oo ay ka doorbidey mid ka dhaqaalo roon oo dibadda u kaxaysanaya, waxii ka dhaxeeyeyna ay ahaayeen, been iyo afka baarkiisa, waxaa u dheer murugada jacaylka, ciilka iyo cadhada, wuxuu had iyo goor dhegaystaa, heesiba heesta ay ka calaacal badan tahayn, mararka qaarkoodna waa la qaadda.Cuno iyo cabid midna ma daneeyo,   oogadiisana waxaa ka muuqda diif, uma dhalan Xasan arrinkan waxaase badey duruufta, mararka qaarkood baad arkaysaa isagoo laaban gurigooda, geed weyn oo ku yaalla, oo aad moodo qof loo sheegay goorta ay heddu u imanayso.

 Xamse ma jirto duruuf iyo sabab loogu diidaa gabadha aan ka ahayn, inuu ka soo jeedo beelaha la faquuqo lana midabtakoore ee gefka weyn laga galay, Xamse isagu Xaliimo, waxba ma weydiin, waayo weli waxaa dhegihiisa ka sii yeeraya, mashxaradii Arooska iyo dabaaldegii, marnaba ma siin fursad in Xaliimo la afduubey Xaliimona la wadaagto dhibka gaadhay.Xaliimo waxay rabtay inay nolosha madoowga dhaafto, way joogtaa guriga laakiin maankeedu waa maqanyahay. Waxay ku sifeysan tahay dareenka heestii Xasan Aadan qaadi jirey ee Abwaan Maxamed Cali Kaariye:

  • Marbaan mawjadaha dheer
  • Maxaa dhexdoodo
  • Muuqayga la arkaa
  • Laakiinse aan maqanahay.

Xaliimo reerkoodu marnaba fursad may siin lagu qiimeeyo dareenkeeda, waxaana Abbaheed iyo Hooyadeed isugu marag furaab, “ Waa ilmo yar mar uun bay is beddelaysaa ee waxba malaha”

 Waxay Xaliimo xasuusatey maalintay aabbaheed, wada hadlayeen, oo hadalku ka dhaadheeraaday, markay u sheegtay Xamsena yidhi, anigu wiilka ma aqaano waa QOLO MA?

Balse hooyadeed oo xaafada aad u kala taqaanay baa tidhi:

“ Dee waa Reer Maryoxume”

Markaasuu intuu qayliye yidhi:

“ Reer maryoxuma aah, acuudu billaahi mina shaydaani rajiim! Gabadheydu miyey waalatey mise waa loo soo socdaa?”

Xaliimo way maqli jirtey reerka waxoogaa in hoosta laga maago, mase fahansanayn ujeedka, waa reer iska dhaqan, dadka kale waxba ma dheera waa dad qurux badan muuqaalkoodu oo dhaqan wanaagsan, maxay tahay cillada ay leeyihiin ayay is weydiisay.

Xaliimo erayga waa “Qolo maad tahay” nacayb bay u qaaday waayo waxay u wayday eraygaas dartii qofkii ay noloshaba ugu jeclayd, laakiin, Xaliimo soo jeedintii iyo dagaalkii waalidkeed ee jacaylkeeda ka dhanka ahaa way aqbashay, waxay ka fikirtay nolosha qoyskeedu ku danbayn doonaan maadaama ay u tahay gabadh kaligeed.

Gabadhu mar walba waa lama huraan inay talada qoyska u hoggaansato, balse, qoyskeedu isma weydiin, laba arrimood oo ah, xagee bay nolosha labadan is jecel ee la kala direy ku dambayn doontaa?

Xaliimo waxay gashay Xabsi aan cidina ka warheyn, mar hore ayay xayaatada iyo macaankeeda meel ku xidhay, waxay xamraneysaa oo u tafa xaydatey, xaga geerida, waxay is weydiisaa, tolow lammaanihii ifka lagaaga xayirey ee lagaa xaasiday maku heli doontaa, xagaa aakhir, sideyse noqon noloshiisu hadduu maqlo geeridaada.

 Xaliimo waxay go’aan ku gaadhay inay ka indho qarsato deegaankan ay ku nooshahay waayo, waxaa ku xeeran xasuuso badan oo qalbigeeda xadanteynaya, waxayna u qalab qaadatey sidii ay uga ambabixi lahayd dhulka iyo deegaanka ay ku nooleyd.

 Goor subaxnimo ah oo waagu baryey ayay xaliimo intey Back u ridatey dhawr shay oo muhiima saladna ku sii dhex ridatey ayay dhinaca suuqa afka saartey iyadoo go’aankeedu yahay ineysan cidina ogaan, cidna aysan u sheegin, cillada kale ee Xaliimo haysata ayaa ahayd ineysan lahayn, Saaxiib iyo dad ku dhaw oo murugada la wadaaga.

Xaliimo magaalada way iskaga harjaday, haddana ma oga meesha ay u socoto, balse, muhiimadeeda koowaad waa inay meeshan ilxumadeeda dhaafto. Waxay baxday isla aroornimadii xaafadeed dareen ma gelin ilaa laga gaadhay galabnimadii oo la oggaadey inay baxdey, markii aabbaheed loo sheegay ayuu naxdintii meel ku diiday oo miyir doorsoomay,markii uu waayay gabadhiisii uu ifkaba ka eeganayay ayuu dhiigkar ku dhuftay, ayaamo haddii lala tacaaleyna waxba waa laga qaban waayey, habeenkii dambena wadnahaa istaagay, iyadoonba toddobaad sii maqnayn, Xaliimona ma oga waxaa dhacay, socodkeeda dabadii, “ Waa iska xaal aduun”

Hooyadeedna ciil iyo murugo ayaa nolosheedii noqotey, Saygeediina dhimay, gabadheediina raq iyo ruux ma hayso, waxay noqotey sidii qof miyirka wax ka gaadheen, oo siday u hurudaa bay la soo boodaysa ma Xaliimaa soo gashay ma xaajigiibaa hadlaya, haddana shaydaanka ayay iska naarta, muraayadii baa jabtey.Qoyskii xaliimo halkaas ayuu xaalkoodu ku dan beeyay.

 Dhinaca kale Xamse marka uu maqlay in Xaliimo la waayay dhibkaasina soo gaadhay Xaliimo iyo qoyskeeda, ayaa waxa uu isaguna go’aan ku qaatay inuu meeshan Xaliimoba ka tagtey isaguna iskaga tahriibo wayna usuura gashay oo toddobaad ka dib wuxuu u qalab qaatay, Safarkii dheeraa ee halista tahriibka, wuxuuna u dhaqaaqay dalka itoobiya oo ah, marinka koowaad ee tahriibka.

Xamse, wuxuu socdaba, maalintii dambe ayaa waxaa qabtey ciidamada   itoobiyaanka oo ku eeday inuu, waddankooda ku soo galay sharci daro waxaana la dhigay xabsiga maadaama uusan haysan wax dal ku gal ah(Vise).Muddo markii uu halkaa ku jiray, ayaa laga soo saaray, oo lacag madax fursaho laga   bixiyay, haddana markii uu inyar joogay ayuu baxay oo uu ku noqday ilaa iyo jidkii tahriibka markaan alle ayaa u dhib yareeyay oo wax dhiba muu arag, wuuna ka baxay Itoobiya waxa uu tagay ilaa Suudaan, Suudaana markuu muddo joogay oo habkii iyo cidii jidka marsiin lahayd raadinayey, ayuu helay wadadii, waxaana u suura gashay inuu gaadho liibiya, laakiin nasiib darro wuxuu u gacan galay, nin caan ah oo la yidhaahdo MA GAFE oo dadka madaxfurasho ka qaata.

Dabadeedtana waxa lala soo xidhiidhay xaafadii Xamse, si ay uga bixiyaan lacagta Madax furashada oo aad u badneyd, reerkii kacaa kuf iyo dayn raadis ka dib, markay waayeen, waxay xaraasheen, Gurigii hantida u ahaa, ileeyn naf iyo maal waxaa muhiimsan naftee, oo lacag aan u qalmin laga siiyey maadaama lala socdey duruufta ay u gadayaan.Waxay u direen lacagtii ninkii haystey, intuu soo sheegtay iyo mid kale oo isaga jid mar u ahayd si uu ugu gaadho meesha uu u socday.Xamse socdaalkiisii ayuu sii watey maalmo ka dibna, wuxuu tegay halkii laga ambabaxayey, ma yaqaan xaaladaha iyo qaabka loo baxo, ee iyadoo jawigu xun yahay ayaa iyagoo Afartameeyo ah lagu gurey, Laash aan wanaagsanayn, ka dibna waxaa ku kacdey badda, taasoo sababtay, in toddobaad ka dib, Maydkoodu badda ka soo caaryo, oo halkaas ay ku dhammaadaan.

Xamse reerkoodii dhaqaalena uma hadhin isagiina dhaaf, sidoo kale Xaliimo reerkoodii, labadii waalid midna waa dhintey oo waa aabbihii, midna waa dhul yaal oo waa hooyadii.Haddaba sababta ay u dhinteen ayaa ah, QOLO MAAD TAHAY, haddii aysan arrintani jiri lahayn, waxaniba ma dhaceen, marka aqristoow, imisa qof ayay noloshooda galaafatey Qolo maad tahay?

Dhammaad.

W/Q: Umalkhayr jaamac

axlaam.47@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN