QOOMAMO!
Waxaan ahay qof nool oo nafi ku jirto, balse saaxiib dhow ka dhigtay wax aan noolayn, oo wax nool ka yimi. Ma riyoonayo, mana hadrayo ee naftayda ayaan uga warramayaa gefka uu ii gaysanayo lammaanahayga koowaad. Inta aanan kuu sheegin cida uu yahay lammaanahayga koowaad, horta ma kuu yara dul maraa dhaawacyaduu ii gaystay? Jawaabtu waa HAA.
Ma sheegi karo da’a aan ahaa kolkii aan maqlay magaciisa iyo muuqiisa, balse waxa xaqiiqa illaa maalintii aan garaadsaday in magaciisu dhagahayga buux dhaafiyay. Muuqa quruxda badanna aan ku waabariisan jiray sida hooyadu indhaha ugu kala qaaddo cunuggeeda. Subcinta ay bulshadaydu subcinayso magacaa iyo quruxda wanaagsan ee soo jiidashada leh ayaa igu abuurtay damac iyo dareen.
Waan ku seexday oo ku soo toosay in aan maalin un saaxiibbo dhow oo naf iyo maalba wadaaga noqonno. Laabta inaan galiyo, dhib iyo dhaawac wixii soo waajahana dhabarka u dhigto. Caana-maallo badan iguma qaadan inaan u dhowaado, waliba uga dhowaado inta ay bishmaha iyo ilkuhu isu jiraan. Waji soo dhawayni ka muuqato, hadal macaan iyo laab furan ayaa si habsami leh laygu soo dhaweeyay.
Cagaha ayaa dhulka layga qaaday, cirkanna layma gaadhsiin. Qab iyo isla wayni ayaa i gashay, annoo findhicilna ka fudud. Awood dheeraada oo duqsina aannan ugu awood sheegan karin ayaa i gashay. Codkar ayaan noqday kun qof hanan kara, codkiisunna bannaanka u gudbayn., waxaan rumaystay inay awood iga maqnayd, awooduna ay ahayd jacaylkan aan hantiyay. Inta aan jecelahay kun laabkeed ayaa lay jecel yahay.
Dharaaro ka dib ayaan ogaaday inaan ahaa doqon la jeclaa! Filan waa Waan is macaanayn lahaa, qiimaan isu yeeli lahaa, Kor kaan is gayn lahaa, Xuural cayn baan iska dhigi lahaa, Sagal baan iska dhigi lahaa, Haddaan helay waxaan doonaayay. Wixii i doonayayna i hantiye, Dhammaantayo isu wehel yeelnay, Nacas iyo nacabba gabbood iskaga noqonnay.
Wakhtigayga oo dhan ayaan u huray, Subaxa ayaan riyoodaa, waan ku riyoodaa., iyadoo gacan aan aqoonsanahay laygu gacan haadinaayo, waan is adkeeyaa, ndhahaan rog-rogaa, waa lay gujiyaa, kac in lay leeyahay ayaan dareemaa.
Bidixdaan laabaa, kolkaasaan cugsadaa, hareerahaan fiiriyaa, indho naaqusa ku khaawisaa,waa humaag iyo goob cidla ah, qof igu qaaliya ayaan xasuustaa.
Waajibkii subaxaba anoo gudan, eebbena ugu mahadnaqin caafimaadka aan ku toosay ayaan bartilmaamsadaa, waan u dhowaadaa, qalbiga qalbiga u dhoweeyaa, adduunkan wehel uga noqdaa illaa qorraxdu dhacayso nooc kasta oo la cabbo macaan iyo qadhaadh waan u huraa.
Si kasta oo lammaane aan kula sii ahaan karo wadda joogayaguna kusii joogayo waan sameeyaa, hantidayda oo dhan ayaan u huraa illaa giddaarada cad-cad ee jeebkaygu wehel isu noqonayaan, faxal ayaan noqday jacay daraadii, kolkaasa lay jeclaadaa oo lay sahamiyaa xoogaa haddaan hayo, waa lay sanifaa oo lay haraantiyaa maalintaan fara madhanahay.
Maskiin maxbuusa ayaa noqday, kontanamobay ayaan ku jiraa, cidna iguma xukumin, hadda ayaa lay ogaaday in lay saameeyay, dareen ayaa igu saaqay. waa lay dayriyay, faro madhan ayaa lay haadiyay, doqon inaan ahay ayaa kor iyo hoosba laygu iftiimiyay, waan xaqiiqsaday in lay iigu dan gaadhay, balse goob aan ka noqdo aan joogin, Wadnahayga halbawlaha ku yaal iyo iyadda ayaan hadda kala aqoon ba, nolosha ayaan u huri karaa. Qoyskayga haddii lay waydiin lahaa, kumaba tirsani, dayro ayay iga dhigeen.
Maalintaan bartay ayay i dayriyeen,kun iyo lababa aabbahay ayaaba i digay oo i hoga tusaaleeyay, malaayuun nin inay cuntay ayuu ii sheegay, lafahooda raamsatay ayuu ii sheegay, waliba maskaxda ka dishay ayuu ii sheegay, Jawaabo ayaan u laba celinayay,inaan ka helay ayaan u sheegay. Waliba farxad aan ka helay ayaan u sheegay, Aadna aan u jecalahay.
Nolosha inay illa qaybsan doonto, oo ii wehel yeeli doonto ayay ii balan qaaday, Hooyo iyo aabbo inay ii noqon doonto ayay wacad iigu martay, Xabbada bariiska ah inaan kala jabsan doono ayay sir iigu sheegtay, ilmada indhaheeda ee sida daadka durduraaysa kolkaan adkaysan waayay, ayaan naftayda hadyad yar uga dhigay.
Sidan maan moodayn, Kolkay i laasato inay i haraatiyi doonto maankaygu ii ma sheegin, Hadda waan aalaa, Dhakhtar ayaan aalaa, waan awood dareeyay xoogii iyo quruxdii dhallinyaro waa layla isticmaalay,
Waxaa jacdidka ah waa aniga jidhkaygii, Lugaa qalqaloocaa waa aniga lugahaygii, Waa kuwaan ku xaragoon jiray, Waa kuwaan qofaan ogahay ugu tagi jiray, Gacmahaa kolba dhinac loo rogayo ee awood u waayay ay ku ruqaan sadaan, waa gacmihii aan ciida kaga illaalin jiray, wasakhda kaga maydhi jiray, dadkana aan kaga dufaaci jiray, indhahaa aad arkayso ee sii gudhayaa, xuubku dushoodda qariyay, humaagana aan kugu soocaynin, waa indhihii daymadooda hal meel ku koobi jiray, Waa indhihii hurdada soo jeedka uga doorbiday meel aan ogahay. Dhago! Dhaguhu wali way caafimaad qabaan, Maqalkoodu wuu ladan yahay, balse illaa hadda wax ayay tabayaan, Wadnihii aaminsanaa hal qof la’aantii in aanu dhaqdhaqaaqi karin, hadda isagaaba ugu awood roon. Isaga la’aantii qofku inaanu waxba ahayn ayuu hadda xaqiiqsaday. Runta ayuu weheshanayaa.
Dad badan ayaa i kor jooga xanuunka i ilawsiinaya, codad naxariis leh iigu sheegaya inaan nafta la celin Karin, qof ayaan illa joogin, humaagiisa aan arkayn, Codkiisa aannan maqlayn, waa kii aan wakhtigayga u huray. noloshayda u hibeeyay.
Sannadada toddobaataan iyo labada ah ayay wax yari iiga dhiman tahay, Waa intii noloshaydu ahayd, nafta ayaa i dhibaysa, girgirada ayay garaacaysaa. waliba xoog ayay u garacaysaa. “nin wayni geeridii wuu yaqaan” aakhiro ayaan hadda xasuustay inaanay wehel lahayn, qofkastaba camalkiisa la horkeeni doonno, Su’aal ayaan is waydiiyay aannan qarni rubuc la’a is waydiin, horta maxaad camal shaqaysatay? Aakhiro wax ma dhigatay? Illaahay ma u dhawayd? Dariiqii nabbigii suubanaa (NNKH) ma raacday? Salaad intee ayaad tukatay?. Miisaan ayaan isi saaray ka hor intaan lay miisaamin.
Khayr waxaan shaqaystay ayaa fudayd cirkaa isku shareeray! Dambi intaan galay ayaa culays dhulka hoos galay, Ilmo xanuun kulul ayaa dhabanadayda daroorta, Salaad ma tukan jirin, haddaan tukadayna waa fara ku tiris, Mar haddaan salaad ka fogaadayna xidhiidh fiican alle lama lahayn.
Murugo waxa iigu filan inaannan dariiqi nabiga raacin, balse waxaan raacay wax aan jecelahay dariiqiisi, waan ku khasaaray waannan ku hoogay, Inantayda curad ayaa wali rajo iga leh, geerida illa nacaysa. inay iga ducaysato oo janno iga shaqaysato wali rajo ka leh.
Dadka inta kale geerida ayay ila jecel yihiin, balse nacayb maaha ee jidhkaygan kurbanaya ee tin illaa cidhib gariiraya ayay ka xun yihiin, Dhakhtar ayaa loo wacay, gabadhayda ayaa u yeedhay, xaaladayda in la fiiriyo oo dawada igu haboon lay siiyo ayay u sheegtay, hoos ayuu ii fiiriyay, Indhihiisa ayuu igu fiiriyay, waliba iyagoo dayro ka muuqato, Humaag ayaan ku fahmay. “Dawo lama siin karo” ayuu ku dhawaaqay.
Gacantiisa inuu igala baqayo ayaan dareemay su’aal ayuu i waydiiyay. Juuqse maan odhan, wuu igu celceliyay, jawaab haddaan celin karaayo, waan tasbiixsan lahaa. “Awoowo maxaa kuugu wacan awoodaradan ayaad is leedahay?” ayuu I waydiiyay, Juuq haddana maan odhan.
Dadka oo dhan ayaa baraarugay, hurdo inay ka kaceen ayaa la moodayay, Su’aashan jawaabteeda inay helaan ayay jeclaysteen, way iga baqeen, Waan dareemay, inantayda ayaa igu soo dhiiratay “Aabbo maxaa sidan kuu galay? Awoodaadi maxaa sidan ka dhigay?” waan ogahay cida sidan ii gashay inuu ahaa waxaan adduunka ugu jeclaan jiray, balse hadda caddawgayga koowaad ah, wali caddawgaygu wuu joogaa. Waanu nool yahay. waan gaboobay anigu, isagu’se waa sidiisi, sida xarka ayuu I galay. Wakhtigan la joogaana kuwo kale ayuu dhuuxoodda ku jiraa.
Waa inaan dadka u sheegaa oo uga digaa, tani waa fursad aan kaga aarsan karo cadawgayga. waxaan noqon karaa qof bulshadiisa wax uga tagay, dhibkuse wuxuu ka taagan yahay sidaan u gudbiyaa, hadal ma awoodayo, qalin iyo warqad ayaan u baahanahay,jeebka ayay ku jiraan, jeebka digtoorka, Farta ayaan ku fiiqay iyadoo halkeeda taala, waa lay fahmay, waliba si fiican, Waa lay dhiibay. qalin iyo warqad aan aad u xiisanayo innaan caddawgayga ku tilmaamo.
Daqiiqadaha nafta iiga hadhsan ayaan doonayaa inaan ku sar gooyo qorista magaca cadowgayga iyo ka bulshadaba, si daciifa ayaan ku qoray magaca. Waa QAAD!
Waxaa qoray:
Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Warmooge)