QORAAL WAA GADIID IS HAYSTO Bare: A. M. Yusuf

QORAAL WAA GADIID IS HAYSTO

 

GAADHIGII OO XABBAD XABBAD LOO KALA DHILQIYAY, se aan musbaar na ka maqneyn, ayaan wiil kay gii dul keenay: Tubaal ka kooban xubno hii baabuur keennii, oo is wada ag daadsan.

Dabadeed na, waxa aan weydiiyay, “Ma bargaran kareysaa hal shay oo ka mid ah, agabyo dan — alaabo dan?”

“Haa!” ayuu la soo booday. Indho amankaagsan inta uu ku sii yar eegeegay, ayuu misana igu yidhi, “Haa, Aabbe waa gaadhi geennii.”

“Waa runtaa e,” intaan ku idhi, ayaan miftaaxii na gacanta ka saaray. “Maandhow, haddee meesha naga kaxee, oo aan reer kii aadno e!”

Dhoohane, baarri gii ilmo hayga, kii oo hareero u daymo iyo qooraansi ba badanaa, sow durba ii gu ma uu soo warcelin weydiin silloon, “Mee fure ha kan gaadhi giisii?”

“Sow kan ku hor tuban.”

 

DABUUB TII WADAHADAL KA

 

1. Qoraallo isugu jiro sheekooyin iyo maqaalado, ayaan intaa ku arkaa mareega ha Soomaalida, kuwaas oo ka wada kooban: erayo, odhaaho, iyo tiraabo… iwm. Misana, kama dhex heleysid weedh, weedh kale ku aaddan (waafaqsan). Sidaas oo kale, waxa aan hadba arkayaa saabsane (cinwaan), kaas oo aan haddana meelna ka ba haysan qormo dii oo idil.

2. Haddaba, qoraal kaagu, yaanu noqon, gedda gaadhi gaas; xubin jirtaa ba na, ayan haysan xubin teedii kale — ama xubno heedii kale — amase ba hal ay ku habboonayd. Qoraalka cayn kaas ah, farriin ma gaadhsiin karayo abbaarta ay tahay, in uu la beegsado. Sida gaadhi geennii la kala qalay, “fure yar” na, aan lagu kaxeyn kareynin; qoraa gayow, “qalin kaaga yari,” na, yaanu noqon, mid aan waxba ba na dhacsiin (fahamsiin) kareynin.

Bare: A. M. Yusuf

Faafin: Gole Wayeel

SHEEKOOYIN