Qorsheynta Qoyska W/Q Farax Sakhaawe

image

Qorsheynta Qoyska

Cilmi waa wiil tobban jir ah, kuna dhashay oo ku nool dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaala madaxda Muqdisho. Cilmi reerkiisu waxey degganyihiin degmada Cabdicasiis. Waa arday dhigta dugsi Qur’aan, iyo iskuul ku yaalla isla degmada Cabdicasiis. Reerkiisu wuxuu ka koobban yahay sagaal carruur ah, seddax wiil, lix gabdhood, iyo labada waalid. Isaga ayaa ugu yar reerka, balse, ugu dhug iyo garasho badan.

Barqadii wuxuu ka yimaadaa dugsiga Qur’aanka, waxuuna qaataa inyar oo nasiino ah, isaga oo waqtigiisa illaashanaya ayuu isdiyaaris isku billaabay, had iyo jeer markii ay saacaddu isdul taagtay 11:15pm, waaba wiil akhyaar ah, oo diyaarsan. Marka aad u fiirsato, waxaad dareemeysa in uu isku diyaarinayo sida nin weyn. Wuu soo qubeystay, dharkiisii iskuulka ayuu soo xirtay, madaxa ayuu shanleystay, boorsadiisa iskuulkuna horay ayuu u soo qaatay. Wuxuu yimid miiska qadada, isaga oo ugu yimid qado diirran oo ay u diyaariyeen hablihi walaalladii ahaa. Degdeg kuma jiro, waqti badan ayuu heystaa, si deggan buuna u cunay qadadiisa, markii uu dhammeystay qadadii ayuu alaabtii geeyey jikada, ka dibna aadday iskuulka.

Waa wiil aad u jecel hablaha la dhashay. Mar walba waxuu u ixtiraamaa si eynaan u xushmeynin kuwa isaga ka waaweyn. Cilmi ayaa ah mid aan wanaaggiisa cidna uga dayan. Illaah baana ku hadeeyay in uu noqdo qof da’daas ah haddana garta wax badan oo wanaag ah. Mar walba waxa uu arkaa hooyadii oo ku qeylineysa walaalladii, haba ku badnaatee gabdhaha.

Isagu aad ayuu isku cuncunaa, marka uu arko gabadh lagu qeylinayo, laakin, dabeecadda hooyadii ayaaba ah qeylada, isaguna waxba kama baddeli karo. Cilmi mar walba waxa uu jecelyahay in uu waqti la qaato Aabbahiis, balse, inta badan fursadba kuma helo, waayo aabbahiis waa uu shaqeeyaa, xaalka gurigana warba uma haayo. Guriga habeenkii uun buu soo galaa, isaga oo daallan. Sidoo kale, aabbahiis waa qofka kaliya ee uu waqti siiyo Cilmi, marka uu yimaado guriga, maadaama uu mashquul badan yahay. Maalinka Jimcada ah ayaa ah maalinta ay waqti badan isla qaataan Cilmi iyo aabbahiis, waxayna isku raacaan xeebta Liido.

Waa maalin jimco ah. Waana maalinta cilmi uu ka dhursugo toddobaadkiiba mar. Cilmi aabbahiis ayaa guriga xaadir ku ah, maalinta jimcaha ah, xaaladda guriga ayaa aad loo dajiyaa, oo laga dhigaa mid aad u xasilloon. Shanqarta iyo qeyladhaantana waa laga yareeyaa. Waa aabbe qoraa ah, oo qoray sheekooyin iyo buugaag xigmad badan xanbaarsan, dadkuna wax badan ay ka faa’iidaan. Waxa uu leeyahay qol buugaag uun ah [Maktabad guri]. Waa xeel dheer ku xididdeystay cilmiyo kala gaddisan, oo aqoon diini iyo mid maaddi is kugu jirta leh. Cilmi ayaa soo galay qolkii buugta, waxuuna arkay aabbahiis oo aan xitaa kor u soo eegin shanqarta albaabka, oo ku fooraro buugga uu markaa akhrisanayo. Malaha aad buu ula dhacsanaa akhrinta buuggaas, xitaa uma war hayo in qolka la soogalay.

Ma hadlin Cilmi, ee miiska ayuu is ag taaggay. Waxa uu sugay inta aabbahiis soo eegayo, si uu ula hadlo, isaga oo doonayo in uu u sheego inuu diyaar yahay, uuna soo dhawyahay waqtigi ay ku ballameen. Marki uu cabbaar taagnaay, walina uu la hadlin, ayuu arkay saddex buug oo ka soo dhacday miiska aabbahiis. Sida aan ogsoonnahay, carruurta waa ay iska ciyaar jecelyihiin, kumey soo dhicin in uu dhulka uga qaado buugta aabbahiis, laakiin, waxaa ku soo dhacday in u ku dul ciyaaro. Wuxuu marba lugta saaraa buugtii korkooda, isaga oo sida jaranjarta ku tiigsanaya. Caku caruurnimo! Sidaas ay tahay, haddane waxaad dareemeysaa in uu yahay wiil caqli badan, oo waa mid ciyaartiisa ka ilaallinaya shanqarta, aayar ayuu u taagtaagsadaa, oo wuxuu ku dadaalaa in uusan aabbihiis dhibin, haddana carruurnimo awgeed isma moodo in uu wax ku ciyaarayo.

Aabbahiis ayaa ku yiri” Aabbe, maanta dhaqsi baad isa soo diyaarisay, waana aad iga hormartay, aniguna hadda ayaan is diyaarinaa”. Wuuna soo is taagay . Cilmi isaga oo wali buugtii ku dul socda ayuu yiri ”haa aabbe, xilli hore ayaan isa soo diyaariyey, adiga ayaan ku sugayaa”. Waxa uu ugu war celiyey ”fariid baa tahay aabbe”. Intaas ka dib, waxa uu u soo dhaqaaqay dhanka albaabka, si uu usoo diyaar garoobo.

Waxa uu marqura indhaha ku dhuftay aabbihii dhalay Cilmi, buugaagtii wiilkiisu ku dul ciyaarayey, kuma uusan qeylinin intuu isgaabiyey oo jilibna dhulka dhigtay ayuu qabtay buug uu ku dul taagnaay isla markaasna ku yiri, ”Alla aabbe khalad baad sameysay ee ma ogtahay waxa ay yihiin buugaagtaan aad ku dul taaggantahay?!”. Cilmi ayaa ku war celiyey; “haa aabbe, waa buugaag wax ku qoran yihiin. Qur’aan miyaa ku jira?” Cilmi aabbahiis ayaa ugu war celiyay isaga oo isku dayaya in uu fahansiiyo in wax walba ixtiraam iyo xuquuq leeyihiin; “Aabbo waa runtaa, kitaab Qur’aan ah ma ahan, waa buug Af Soomaali ku qoran, kana hadlayo waxbadan oo wanaagsan, marka aabbe ma aha in la iskaga joogjoogsan karo, ee xuquuq inteeda la eg bey leeyihiin dhiganayaasha ku qoran afkeenna hooyo”

Intaas markuu u sheegay wiilkiisa, waxa uu billaabay aabbihii in uu isa soo diyaariyo. Waxaa la gaaray xilligi ay bixi lahaayeen, weyna soo baxeen. Waxey yimaadeen mid ka mida baararka lagu shaaheeyo ee ku yaalla xeebta Liido. Waxaa u yimid wiil adeegayaasha baarka ka mid ah, waxeyna u gudbiyeen dalabkooda. Isbaddel wey ayaa ka muuqda Cilmi, ma hadlayo, uma faraxsano sidii horay looga bartay. Marka loo soo kaxeeyo goobahaan, waxa uu ahaan jiray mid aad u farxsan, laakin maanta ma ciyaarayo, wuuna fikirayaa. Maxaa Ku dhacay tolow?! Aabbihiis ayaa weydiiyay waxaa ku dhacay maanta oona ugu farxi la’yahay sidiisi hore. Culeys ayaa ka muuqda, balse, Cilmi ma ahan mid jawaab saxan bixinaya. Sidii caadiga aheyd ayuu ugu warceliyay Aabbahiis. Waxuu wey diiyay cunnada ay dalbadeen mid aan aheyn in uu doonayo. Wuxuuna ku warceliyay in uu ku qanacsanyahay dalabka.

Cilmi aabbahiis ayaa ah aabbe caqli badan, oo meel soke uga soo harin culeyska iyo isbaddelka ka muuqda wiilkiisa. kursigiisa ayuu u soo dhaweystay, garabka ayuu gacanta ka saaray, wuxuuna ku yiri; ”Aabbe aniga iyo adiga saaxiibbo ayaanu nahay, ee ii sheeg waxaa maanta ku gu soo kordhay?!” Wiilki ayaa soo dabcay, kuna yiri aabbihiis, si asluubi ku dheehan tahay; “Aabbe waxaa igu tiri wax walba xuquuq iyo ixtiraam intooda la eg beyleeyihiin, laakiin waxaan is weydiiyay ilmaha la dhalay wax xaquuq ah iyo ixtiraam ah ma laha miyaa?!”. Layaab! Muxuu sidaan oo dhan ugu hadlayaa wiilkaan yar?! Aabbihiis ayaa ugu warceliyey “Haa Aabbe xuquuq wey leeyihiin ilmaha la dhalay, laakin Aabbe maxaa sidaas ugu fikireysaa oo kugu dhaliyay in aad i weydiiso?!” Wiilki ayaa ku warceliyay ”waxaan arkay Hooyo oo maanta ku qeylineyso ilmaha kale, oo dhaheysa waxaad tihiin ilmo xun oo aan anigu dhalay wax aad ogtihiinna malaha” iyaguna ay leeyihiin; “hooyo waadna dhashay laakiin xaq ha naga galin”

Cajiib! Waa cusub ayaa u baryay aabbihii, wax badan oo uusan ogeynna buu ku baraarugay Cilmi aabbahiis, maadaama uu mashquul badanyahay, uuna yahay ruux baraarujiye ah. Waxa uu go’aansaday in uu wakhti u qorsheeyo xaaskiisa iyo caruurtiisa, si uu wax badan ugu faa’iideeyo. Maalintaas wixi ka dambeeyay wuxuu go’aansaday in habeenkii marka uu yimaado guriga, inta u dhaxeysa salaadda Maqrib iyo salaadda Cisho inuu isugu yeero afadiisa iyo ubadkiisa waaweyn, uuna u dhigo casharro ka hadlaya xuquuqda waalidka iyo midda wiilka. Intaas wixi ka dambeeyey reerkii waxa ay noqdeen qoys Ku baraarugsan illaalinta xuquuqda qof walba oo xubin ka ah qoyska, maxaa yeelay, qoys qorsheysan ayaa abuuri kara Qaran abaabulan, oo shax iyo tub qumman ku socda.

W/Q; Farax Sakhaawe .

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.