QUR-GOYNTII QUMAN LUULA!!:W/Q: Cabdinaasir Xiddig.

 

QUR-GOYNTII QUMAN LUULA!!:

Quman waxay goob ganacsi oo Qurxinta haweenka(Burukiyeer) ah ku lahayd xaafadda ka mid ah xaafadaha magaaladda Muqdisho, waxayna ahayd gabar aad looga yaqaan deegaankaas loona qadariyo. Quman shaqadeeda qurxinta dumarka ka sokoow waxay ahay gabar bilicsan oo ay wiilasha aynigeeda ihi isku garbiyaan, mid kastaana uu doonayay in uu sheeko la wadaago.

Goortaasi waxay ahayd waayo aad u qaraara waa ammin aad u adkeyd noloshu oo waa dhamaadkii 1997-dii, magaalada Muqdisho maamulkeeduna cidna ma hoostago oo waa nin walboow taagtaa, nin walboow tabartaa. Waxaa meelkasta daadsanaa dagaal ku naaxyo iyo mooryaan shaqadoodu tahay dilka, dhaca, iyo qur gooyada dadka reer Muqdisho ee waagaas aadka u ayaanka darnaa. Magaaladu waagaas ma lahayn ama oo ma jirin  saldhig booliis, dakad, gagidda diyaaradaha, koronto, isgaarsiin, biyo,oo waxay ahayd magaalo hoog iyo ba’ qabsaday, lana ciirciiraysay qas iyo qalaanqul joogto ahaa!.

Quman inkastoo xaalka magaaladu uu ahaa sidaan kor ku soo sheegay haddana way xoogsanaysay waxayna ahayd gabar adag oo u babac dhigtey waayaha qalafsan inay nolosheeda meel saarto iyadoo ku negi kuna nabdi san shaqqadeeda iyo xaafaddeeda.

 Waxayna markasta joogi jirtay goobteeda shaqo. Waxaa jiray wiil yar oo la dhihi jiray Bille oo aad oga agdhawaa Quman, markastana ay u dirsan jirtay alaabaha ay u baahato, Bille waxuu markasta joogi jiray jardiinka ku dhagan meheradda quman asagoo markasta dhowri jiray in wax loo diro.

Bille waxuu ahaa wiil yar oo uu waayuhu ciilay, dugsi ma aadi jirin waxuuna la daalaa dhici jiray helista noolal maalmeedka, maxaa yeelay waxa uu ahaa agoon iyo hooyo-laawe dhibane u noqday dagaaladdii sokeeye dalka ka dhacay, waxa uuna ku tiirsanaa alaab u doonidda Quman, maadaama ay siin jirtay lacagaha haraaga ah ee ka soo hara alaabaha ay u dirsato.

Maalin maalmaha ka mid ahayd asagoo Bille fadhiya jardiinkii uu aalaaba fariisan jiray ee bukuyeerka Quman ayaa waxaa soo hor istaagay gobtii shaqada laba nin oo dhallinyaro ah oo ku labisan dhar aad u bilicsan, Bille asagu iskumaba howlin labada nin iyo waxa ay samaynayaa oo waxa uu ku mashquulsanaa daawashada gawaaridda foosha xun ee wadada laamigi is dhaaf dhaafaya, qayladda kirishbooyadda cirka ku shareeran iyo dadka lugaynaya laamiga busta badan ee aragga u daran.

Quman markii ay aragtay labada nin ayay qoorta kala soo baxadxay qolkii dukaan ayadoo isku qarinaysa daahyada ku xardhan dukaanka, waxayna bilowday in ay nimankii waydiiso waxa ay doonayaan. Labadii ninni waxay u sheegeen Quman in ay doonayaa in ay gudaha u galaan goobta shaqo, oo sideey u galayaan? soo meel dumarka lagu qurxiyo maahan oo aan la ogalayn in raggu soo galaan?. Quman waxay ka madax adaygtay in ay labada nin u ogolaato gudaha meesha, ka gadaalna xaalku wuu isbadalay!!.

Bille asagu sidaan horay u sheegay maba oga labadanin iyo sheekadooda murugsan, iyo in gabadhii Quman ahayd balaayo u soo harsatay, markii warku dheeraaday ayuu Bille kor u fiirshay waxa korkiisa ka socda, waxa uuse indhaha saaray mid ka mid ah labadii nin oo inta bastoolad la soo baxay dhowr xabadood ku dhuftay gabadhii Quman ahayd iyo gabadhii oo ku soo dhul dhacday Bille!. Nimankiina markii ay toogteen Quman ayay aayar iskaga baxeen.

Meel kastaai waxay noqotay dhiig, waxaana isku soo baxay dadkii meesha ka dhawaa oo ay u horeeyaan dumarkii ay u shaqaynaysay Quman, waxaa la isku dayay in gabadha isbiltaal loola cararo waxaase la ogaaday in ayba goobta ku geeriyootay oo ay qur-baxday!!.

Bille asaga hadalkiibaa ku dhagay waxaana indhihiisa ka hormuuqda qaabkii foosha xumayd ee ay Quman u dhimatay, waxaa taas u dheer dharkiisa iyo jirkiisa oo uu ku daatay dhiigii faraha badnaa ee Quman ka baxay, waxaa sidoo kale damay dhagaha oo waxaa saamayn xun ku yeeshay dhawaqa rasaastii darandooriga ahayd ee Quman lala dhacayay!!.

Ciddna iskuma howlin u kuurgalidda xaalka uu ku sugnaa Bille, ileen waxa uuba markiisii hore ahaa darb-ijiif aan haysan wax ciirsi ah, haddase waxaa u sii dheer argagaxa uu indhihiisa ku arkay, waxa uu ka go’ay cuntadii oo waxaa ka dhumay dhadhankii, waxkasta oo uu afka galiyaan waxay u gu soo dhadhameen sidii dhiiga, naxdinti iyo firkagii ayaa saameeyey.

Bille markii ay dhimatay gabadhii uu ku tiirsanaa ee Quman ayuu talo ku gooyay in uu caseeye noqdo, waxa uu inbadan ahaa kaba caseeye aad looga yaqaan xaafaddii uu ku soo koray. Si uu u xusuusto oo uu umaamuuso Quman Luula, Bille waxa uu saldhigiisa kaba caysaynta ka dhigay meeshii lagu dilay saaxiibtiis iyo gacantiisii midig ee Quman Luula.

Subax kasta waxuu soo fariistaa jaranjaradii gaabneed ee loo kori jiray qolkii ay Quman dumarka ku qurxin jirtay, waxa uuna sawirtaa qaabkii uu dhiiga Quman ugu qulqula jardiinka oodhan!, waxa uu sidoo kale markasta maqlaa dhawaaqii calool xumadu ku dheehnayd ee Quman.

waxay sidaas ahaataba Bille waxuu ugu dambayn ku baxay sidii Quman Luula gacan ka gardaran, waxaa muran yari dhaxmaray Bille iyo nin uu kabaha u caseeyay, ka gadaalna waxaa ninkii la yaab ku noqotay sida uu ola murmi karo cunug yar oo caseeye ah, oo  aysan jirin cid looga baqanayo, waxuu ninkii la soo baxay tooreey dheer oo u xirnayd, waxa uuna beerka ku jaray wiilkii yaraa ee Bille, halkaas ayayna ku soo dhamaatay noloshii ciriiriga badnayd Bille-Yare.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig.

SHEEKOOYIN