Quraafaadka Faaliyaha Q1AADW/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

pizap.com14732612463621

Quraafaadka Faaliyaha   Q1AAD

 

Ma fara yara dhibaatooyinki ay geysatay Abaartii dabadheer 1973/1974 ka dhacday Goballa badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.waxaa dhacday roob la’aan, waxaa aad u yaraaday biyihi, dhulkii waa xaalufay, qoraxdana aad bay u kululaatay,sidaa darteed waxaa dilaacay abaar ay ku dhammaadeen dad iyo xoolo aad u fara badan, carruur badan ayaa abaartaa ku Hooyo,Aabe iyo Ehel waayay . Gabar yar oo da’adeedu ahayd saddex iyo toban jir lana yiraahdo Maryan ayaa ka mid ahayd carruurti abaartaa ku tabaalowday.

Maryan illaah baa ka badbaadiyay abaartaas aad ayeyna u itaal darneyd, waxayna ka soo hartay qoys dhan, iyadana ma sugayn in ay ka samata baxdo maxaa yeelay dadki ay caawinaad ka heli lahayd, waxaa ugu nolol danbeeyay walaalkeed oo ahaa curadki reerkooda aadna u jeclaa Maryan, dhabarka ayuu ku qaaday,nafaqadi ay helaana iyada ayuu siinayay ilaa uu isagii baahi u dhintay,waxayna markaas marayeen iyagoo naf la carar ah dhul baadiyeedka koofur ka xiga Magaalada Gaalkacyo. Maryan aad bay uga sii nixisay geeridi ku timid walaalkeed,iyada oo niyada iskala hadleyso ayeyna tiri”waxa isugayo waa uun dhimasho”.

Maryan waxaay u dhaqaaqday iyada oo garguuraneyso jihadi uu u socday walaalkeed marki ay saakay fadhiisanayeen geedki uu ku nafwaayay iyada iyo walaalkeed intuuna naf weyn ka hor, ma aynan garaneyn in ay wadada laamigaa u jirto masaafa gaaban geedki ay fadhiisteen saakay,dantana uma oggalaan walaalkeed in uu soo gaaro laamiga tabaryaro awgeed,nasiib wanaagse, Maryan waxaay soo gaartay meel laamiga u jirto boqol iyo konton meter(150m) ,dhulka waddada laamiga ka xigana wuxuu ahaa bannaan ay yaaliin dhagax yaruuraca ,waxaa kale oo bankaa ku tiil dudun aan saa u sii weyneyn ,Ammintu waa 5:40 “shanti iyo afartan daqiiqo”qorraxdana waxaay ku sii socotay godkeedi oo waxay isu diyaarisay iney hoyato sida caadiga ahayd.

Maryan markaay nasatay toban daqiiqo waxaay dib u billowday in ay dhaqaaqdo keli ahaanteed, sii garguuratana intii nafta gaarsiineyso, laakin ma’aysan noqon suurtagal in ay gargauurato in ka badan shan iyo soddon meter,wayna tabar dhigtay oo dhaqaaqi wey gebtay.

Waxaana dhanka koofureed ee laamiga ku yimid gaari marsheedisa oo siday biyo lagana soo diray Magaalada Muqdisho, wuxuuna u socday in uu u gurmado dadka abaarta ku heshay baadiyaha magaalada Gaalkacyo iyo agagaarkeeda, waxaana gaariga waday darawal u shaqeeyo dowladda, waxaana la socday wiil iyo gabar iyagana ku socday gurmadka u gargaarida dadka iyo xoolaha abaarta halkaa ku haleeshay.Wiilka waxaa la yiraa Axmed, gabadhana Sahro waxayna ka socdeen laanqeyrta cas, waxayna qabeen tababar gaaban oo caafimaadka gaar ahaan gargaarka degdega ah, waxaana loogu tala galay in ay ka howl galaan meelaha abaarta ku habsatay sida ugu dhaqsiyaha badan.

Meel ka xigto galbeedka halki Maryan ku tabar beeshay marki ay marayeen ayaa Sahro weydiisatay wadihii baabuurka in uu gaariga joojiyo, Wadihii isaga oo Sahro la kaftamayo ayuu yiri .”Sahro maa inoo sheegtid waxa aad u dalbatay in aan gaariga joojiyo”
Sahra oo qosleyso ayaa ugu jawaabtay:

“Hadal waqti uma haayo ee gaariga jooji”.

Wadihii gaariga waa joojiyay wuxuuna yiri

“Warkaaga jiro”

Axmed ayaana markaas raaciyay:

“Sahro waad ku mahadsantahay in aad weydiisato joojinta gaariga”

Sahro way degatay,Axmedna wuu ka soo daba degay, wuxuuna aaday jihadi sahra aaday maahine jihada kale. Sahro iyada oo gaabineyso ayey socodkeedi sii wadatey inta ay isheeda ka qabaneyso meel ay kula ganbato darab saqiirki ku qasbay in ay weydiisato joojinta gaariga, waxayna gacanteeda bidix ku sidatay caag godan oo ay gaariga kala soo degtay uguna jireen biyo horteeda ayey markiiba uga muuqatay taago waxooga oo kala qarin karta labada gedi dudun yar oo godad badan leh Sahra iyada oo cabsaneyso ayeyna niyada ka tiri:¨

“Maxaad ka cabsaneysaa laba nin baaba kula socdee haddii aad qeylisana codkaaga waa la maqlayaa” waxaayna abbaartay buurtii, kalana wareegtay dhanka bidix,kaddib marki ay hawsheedii soo dhammeysatey, Sahro way istaagtay waxaayna u dhaqaaqday xagga dudunta oo horteeda ku beegneyd iyada oo dooneysay in ay ku dul istaagto, indhahana la raacdo dhulkan bannaan ee dhan walbo oo ay u jaleecdo ka qabanayo, Sahra waxaay dul istaagtay dudunta dusheeda waxaana u muuqday Axmed oo ka soo laabtay oo isna soo xaajo gutey iyo Wadihii baabuurka oo inta soo degay gaariga hoos taagan waxayna u lalinayeen gacmahooda iyaga oo siinayo tilmaan oo leh soo dhaqso aan socone.

Sahrana iyada oo aan ka jawaabin baaqaa, ayey u jeesatay dhanka qorax ka soo baxa, waxaana markiiba isheeda ku dhacay wax madow oo muuqaal bini’aadam u eg, waxaana gashay cabsi oo cod dheer ayey ku wacday Axmed iyo Wadihii baabuurka ,iyagana marki ay maqleen codki ay sameysay Sahro waxaay u soo caraareen dhankeeda,markeey soo gaareen dudunti ay Sahro ku taagneyd ayey mar qura isla yiraahdeen maxaa ku helay? mase nabad qabtaa haddeer? Sahra ayaa tiri walaalayaal waan nabad qabaa waxbana ima helin, ee waxaan rabay in aad ila hubisaan bidhaanta iyo mututuulka qofka u e gee halkaas ka muuqda.

Markiiba Axmed iyo wadihii ayaa u dhaqaaqay dhankii bidhaanta iyagoo leh, kaalaya aan hubinee, waxayna u dhaqaaqeen dhankii mar kaliya hubinta bidhaantii Sahra aragtey , waxaana indhohooda ku qabteen Maryan oo indhaha kala heyso himmana u yeelatay nolol danbe marki ay u jeeday dadkaa dul taagan, laakin wax hadal ah afkeeda kama soo bixin, itaaldarro awgeed, Wadihii baabuurka ayaa markiiba fadhiistay meel madaxa kaga aadan wuxuuna kor u qaaday madaxeeda isaga oo leh “waa tii u danbeysay ee Axmadow dhexda iyo lugaha qabo oo aan la gaarno gaariga si aan dhaqsi u geyno dhaqtarka” ,Axmedna wuxuu gabadha ka fadhiistay dhanka bidix wuxuuna Sahra u dirsaday biyo isaga oo darawalki ku leh bal u kaadi aan isku dayno in aan biyo iyo baad siino haddii ay qaadan karto inti uu hadalka hayayna waxay Sahro la soo gaartay biyihi.

Axmad isagana wuxuu madaxa ka soo qabtay Maryan isla markiina biya aan sidaa u badnayn ayuu afka ugu qabtay, keddibna Marki ay biyiha in yar ka kabootay waxaay u qaadeen Xagga gaariga si dhaqsiya iyago oo doonayo in ay la gaaraan magalada Gaalkacyo oo ahayd jihadi ay ku socdeen .

Kolki gaariga dhaqaaqay wax hadalla ma jirin darawalki,Axmed iyo sahro waxayna ka bixi waayeen oo niyadooda mashquulisay howsha sugayso in aynan ahayn mid fudud oo uu ka bixi karo ruux naftiisa jecel oo kaliya oo aanan ogalayn in naf kale wanaag iyo nolol wacan haysato, balsa darawalka taa waa kaga duwanaa iyaga oo isaga ma saarnayn culays aan ahayn in uu si dhaqsiya u socdo si ay u gaaraan Magaalada Gaalkacyo ilayn isaga kuma cusbeyn abaar lala tabaaloobo oo dad iyo xoolaba baab’iso, waxaasa isaga ku taagnaa dhaqsi u soco welwel,fikir iyo goormaad magaaladi gelysiin.

Wadahi isaga oo aan wax ka beddlin sidi degdega ahayd oo uu gaariga u waday ayuu dhanka koofureed ka soo galay magaalada Gaalkacyo halka laga raaco gawaarida u kala gooshto masgaalooyinka ka fog iyo kuwa u dhowba magaalada ,waxaa kale oo boosteejada ku yaal maqaayado laga shaaho lagana cunteeyo isla markaasna ay ku nastaan dadka safarka ah ,waqtiga wuxuu ahaa fiid hore waxaana maqaayadaha fadhiyay dad aad u badan sidaa darteed wadihi wuxuu gaabiyay gaariga socodkiisa si uu uga fogaado dhibaato kaga timaado.

La Soco Qaybaha kale.

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud

SHEEKOOYIN