Qurba Joog: Qayr Mise Qasaaro? Q1AAD W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

laashin

Qurba Joog: Qayr Mise Qasaaro? Q1AAD

Dalalka dunida seddaxaad, oo ah, kuwo dhaqaale iyo maamul ahaanba liita, ayaa waxaa ka haajira, oo ka hayaama, dad aad u fara badan, oo raadinaya nolol ka wacan, tan ay dalalkooda ku haystaan. Soomaaliya billowgii dagaalladii sokeeyey ka dib, dad badan ayaa aad uga firxaday, oo miciinbiday Yurub, Maraykan iyo meela kale oo badan. Dalalkaa, Soomaalidu, waxay ka heleen nabad, nolol iyo waxbarasho ay aad ugu diirsadeen. Sanadihii uu dalku soo yara hagaagay, ayay dad badani ku soo laabteen dalka, iyaga oo ku soo guryanoqday deegaannadoodii, oo ay markii hore nabad la’aanta uga carareen.

Dadkaa ka yimid bannaanka, ee waddanka ku soo noqday, gaar ahaan Muqdisho, dadkii dalka horay u sii joogay, waxay u la baxeen magacyo badan Sida: Diyaasbaro Qurbajoog IWM. Dadka bannaanka ka yimid, dalka waxay ku soo kordhiyeen, waxyaabo badan, waxayna saameynta ugu badan ku leeyihiin dhinacyada siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha. Qurbajoogtu Xamar Wanaag iyo Xumaanba waa keeneen, aan ku hurmaro sida wanaagsan ee ay u saameeyeen dhinacyada:

-SIYAASADDA:

Inta badan, dowladihii ku meel-gaarka ahaa iyo tan hadda jirtaba, waxaa aad uga dhexmuuqda qurbajoog, ka soo laabtay qurbaha, qaarkood waa waddaniyiin, aqoon iyo khibradba ka soo faa’iidaystay, dalalkii ay ku soo caysheen, waxayna maamulka dowladda ku soo biiriyeen fikrado loo aayay, oo ka maqnaa dadka dalka horay u sii joogay, oo aan iyagu helin, xitaa fursad ay ku fekeraan si ay wax cusub u keeneen.

DHAQAALAHA:

Dhanka horumarka dhaqaalaha, saameynta qurbajoogtu way muuqataa. Xamar iyo deegaannada kale, ee dalka, waxay ka fureen ganacsi u shaqeeya hab casri ah, oo malaha ay ka soo dheegteen dalalka horumaray, ee ay ka soo guryanoqdeen, waxayna fureen Super marketyo casri ah, hoteello, warshado, kaalimo shidaal, meelaha carruurta lagu maaweeliyo iyo noocyo badan oo ganacsi ah. Qurbajoogtu waxay abuureen fursado shaqo, oo ay ka faa’iidaysteen dhallinyaro badan, oo shaqo la’aan hore u ahaa.

WAXBARASHADA IYO TACLIINTA:

Waxay fureen xarumo waxbarasho, oo casri ah, kana adeeg wanaagsan, kuwii horay u jiray, gaar ahaan qurbajoogtua waxaa loo tiriyaa, in ay keeneen xarumo waxbarasho, oo carruurta lugu barbaariyo (Xannaano), sidoo kale, waxay Muqdisho keeneen Machadyo cilmi-baaris, walow, tayadooda iyo tabtooda wax la iska waydiin karo.

DHAQANKA IYO ARRIMAHA BULSHADA:

Dhanka la dhaqanka bulshada, waa dad intooda badan aaminsan xushmeynta, dulqaad iyo dhegeysi badan, oo dhaliilna oggol. Dhaqanka ay caanka ku yihiin, oo ay bulshado aad uga heshay aan tusaaleeyo:

1- Darawal qurbajooga ah, oo baabuur wada, haddii uu jid goynayo, isla markaana ay waddada marayaan dad shacab ah, wuu ka istaagaa, wuxuuna fursad siiyaa shacabka, si ay jidka u moodaan, dhaqankan naxariista ahi ku ma badna darawallada aan dalka ka bixin.

2- Qofkii u asxaan fala, way u mahadceliyaan. Iyaga oo dhahaya: Waad mahadsantahay.

Intaas aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale, oo badan haddii ay qurbajoogtu Muqdisho iyo dalka intiisa kale ku soo kordhiyeen, ma jirtaa, waxyaabo lagu dhaliilo, oo ay dalka iyo dadka ka halleeyeen?

Qormadan qaybteeda 2aad la soco.

F.G: Qormadan, markii hore, waxay ku soo baxday Wargeyska Gobollada Dhexe

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.