Qurba joogta Qarannimo uma diyaarsana! W/D: W/Q:Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

Qurba joogta Qarannimo uma diyaarsana!

Tan iyo markii bur burka ku dhacay dalkeena, waxaa ka baxay dalka ayaa la oran karaa kala bar umadda intii ku noolayd qaab walba oo lagu bixi karo halagu baxee, sababta ma jirin sabab loo sii joogo dalka maadaama wax walba ay bur bureen ayna noqotay in qof walba uu la haajiro naftiisa.

Waxaa la dhihi karay runtii waa lagu qasbanaa maadaama shaqo waddanku uusan lahayn, daganaasho siyaasadeedna aysan ka jirin, amaankana uu aad usii xumaanayay oo xumaanta maalinba maalinta ka dambaysa ay cirka isku sii shareeraysay.

Aaditaanka la aaday qurbaha runtii wajiga hore marka laga eego waxaa la oran karay waa mid lagu faaiiday maadaama umadda intii waddanka ku hartay ay ku noolaayeen dadkaas qurbaha u haajiray waxa ay helaan ayey wax ay kasoo gaarsiin jireen qaraabadooda ku hartay waddanka, waana qaybta ay amaanta ku leeyihiin Qurba joogta.

Qofka wuu noqon karaa eedaysane, hadana taa macnaheeda maahan in uusan lahayn dhinac wanaagsan, qof walba oo uu allah abuurtay wuu leeyahay labada dhinacba xumaan iyo wanaagba, marka qurba joogta waxaa jira dhinacya badan oo ay ku amaanan yihiin dhaliishana kuma yara waasa u imaan doonaa dhaliishooda oo qoraalka dhan cinwaankiisa ayaa ah mid ku tusaya in uu dhaliil u hayo qurba joogta.

Waxaa jiray hammi badan oo laga filayay dadka qurbaha u hayaamay, ha ahaado hammigaas mid dhaqaale mid diimeed midaqoon dhinac walba ah iyo mid wadaniyadeed,hammiyadaas oo dhana wax badana waa ka hir galeen wax badana gadaal ayay dadka ugu soo laabteen oo dhibaato ka wayn middii laga cararay ayay la yimaadeen, taas oo ilaa hadda xalkeeda uu ku adkaaday umaddeena qaar ka mid ah ee qurba joogta ah.

Dhanka dhaqaalaha hammigii laga lahaa qurba joogta waxaa la oran karaa waa kasoo baxeen oo dhanka wanaagsan iyo dhanka xunba waa ugasoo baxeen, inakstoo dhanka wanaagsan uu badan yahay, maxaa yeelay waxay ku dadaaleen musiibo aad u wayn oo dhici lahayd in kaalmada allah darteed ay ayaga sabab u noqdeen in aysan dhicin kadib markii qof walba uu ku filnaaday qoyskiisa iyo asxaabtiisa inti karaankooda ah.

waxaana la oran karaa ma ahayn oo kaliya kaabidda nolosha qoysaskooda, ee waxaa usii dheerayd in ay dhiseen kaabayaashii dhaqaalaha dalka, oo ay abuureen shirkado ganacsi oo waaween iyo qaybaha tiknoolajiyada caalamiga ah iyo xitaa dib u dhisidda waddanka, taas oo runtii wax lagu amaano ah.

Dhanka diinta qurba joogta wax wayn kama gaarin ayaa la oran karaa bal ayaga ayaaba ku lumay halkii la doonayay in ay ayaga wax soo dumaan, inkastoo ay jiraan is baddalo badan oo dad soomaali qurba joog ay ku yeesheen nolosha dadka ay ugu tageen waddamadooda, hadana ma badna saamaynta xaga diinta ay qurba joogta soomaalida muujiyeen, taas oo runtii ahayd waajib muhiim ah oo runtii haddii sida la rabo ay uga soo bixi lahaayeen u noqon lahayd bad baado ayaga naftooda ah, iyo ka guul gaarid ay ka guul gaareen waajib allah saaray oo laga rabay in ay gutaan balse, ma dhicin oo qasaaro badana ayaa ka dhacay taas oo aan kasoo qaadan karno jiritaanka dad badan oo soomaali ah oo ku lumay nolosha beenta ah ee gaalada micnaha ku gaaloobay waliba gaalinimadooda kaliya lama aamusinee waxaa usii dheerayd in ay noqdeen kuwa aflagaado u gaysta diinta allah ee xaqa ah, waana nasiib darro runtii la oran karo waa mid ka mid ah baalasha madow ee qurbaha nagasoo wajahay.

Waxaa taas sii dheer in uu yaraaday dhaqankii diinteena, iyo dhaqanka aan soomaali ahaan u leeanahay, kuwaa oo la oran karo waa kuwa isku dhow tilmaan wanaagsanna ka bixinaya qaabka nolosheena dhabta ah, balse la xooray oo dumarkii soomaalida ay maanta magan u noqdee wax walba oo xun, is qaawintuna halkii shalay ay ceeb inooga ahaan jirtay maanta ay nooga noqotay mid la isaga daydo oo lagu faano.

Qoyska soomaaliyeed bur burkiisa mar walba ma sahlanayn xiligii aan joognay waddankeena, lana haystay dhaqankii suubanaa ee soomaalida, balse markii ay luntay isku dheeli tirnaana ragga iyo dumarka, waa marka loo eego qoyska xagiisa, waxaa batay furiinka maadaama uu noqday hogaankii qoyska mid aan isku dheeli tirnayn, oo la kala garan waayay cidda hogaanka ah iyo cidda la hogaansho, taasna waa midda sababtay ayaa la oran karaa in uu si sahlan ku bur buro qoyska soomaaliyeed ee aadka muhiimka ugu ahaa nolosheena dhabta ah.

Nolosha soomaalida marka laga eego dhanka waalidka iyo awlaadooda, ma ahayn midda maanta aan ka aragnay qoysaska soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, sida xaqiiqda ahna waxaa la oran karaa waa nolol gabi ahaanba aan wax sal ah ku lahayn waalidiintii hore ee soomaalida qaabka ay usoo tababareen ilmahooda, waana wax nagu cusub runtii, waana mid ka mid ah nasiib darrooyinka baahay.

Hammiga aqoonta ee qurba joogta laga lahaa runtii wuxuu ahaa mid sareeya, oo qof walba oo soomaali ah oo gudaha ku jira oo walaalkii ama ehelkii ay ku maqnaayeen dibadda, wuxuu ku hamminayay hammi ah in marka waddanka lagu soo laabto ay la imaan doonaan walaalaha nasiibka u yeeshay in ay dibadda wax ku bartaan aqoon waddanka kor uga qaadda halka uu hadda fadhiyo, nana gaarsiisa asaageen nolol ahaan iyo dhaqaala ahaan, maadaama dadkeenii qayb ka mid ah ay nasiib u yeesheen in ay la jaan qaadaan casriga aqoonta ee waddamada ay ku nool yihiin ka jira, balse taas waa lagu hungoobay oo ma dhicin inta laga helay riyadaasna waa in aad u yar marka lala bar bar dhigo inta lagu haminayay.

Waxaa batay inta qarka ka dhacday oo wixii gudaha ku haystay assaagooda wax kasii liita ay ku qabsadeen qurbaha, waxaa batay inta noqotay mooryaanta ama gangska oo runtii dad badan ay ku naf waayeen, waxaa soo baxay dhaqan xun oo ah in dhalinyarada inta qabiil qabiil u kala baxaan isku ugaarsadaan, waxaa batay dhalinta soomaalida ee iskoolad ka carara, waxaa batay dhalinta inta waddanka kusoo laabato ka qayb qaadatay bur burintiisa, halka hammiga laga qabo uu ahaa in ay qayb ka noqdaan, dhisiddiisa.

Qasaarooyinka qurbaha laga dhaxlay inta laguma soo koobi karo, balse waxa nasiib darrada noqday ayaa ah in dhowr iyo labaatan sano kadib, halkii laga rabay in uu soo muuqdo wax tarka dadka qurbaha aaday,uu soo muuqday fal aad u xun oo dadka qaranka dhex joogaa ay markaan ka xishoodaan, taas oo ah qabiilka iyo Qaran dumiska.

Waxaa batay dadka xil doonka ah ee qurbaha kasoo haajira ayaga oo doonaya in ay xil waddanka ka qabtaan, taa oo runtii ah mid loo riyaaqo balse, wadddada ay wada mareen ay tahay mid niyad jab ah taas oo keentay in nin walba oo xil qabtaa uu noqdaa mid qayaano qaran gala, oo lagu eedeeyo iibsiga hantida ma guurtada ah.

Lama soo koobi karo runtii inta kiisas ee lagu eedaynayo qurba joogta, waana ayaga kuwa maanta mas’uulka ka ah in qaab qabiil wax lagu qaybsada, maxaa yeelay dadkii waddanka ku haray waxba lagama waydiin xaaladda dhabta ah ee wadddanka ka jirtay, inta wasiirada ah ama raisul wasaaraha waxay ka imaan jireen qurba joogta, xitaa xildhibaanada sida badan qurbo joogta ayay ka yimaadeen, wixii ka dhacay waddankana nin walba oo wax gartaa marqaati ayuu ka ahaa.

Ilaa haddana xililka ugu sareeya dowladda ayaga ayaa haya, marka ma la oran karaa qurba joogta waa laga faaiday dib ugu soo laabashadoodi waddanka, bal u fiirso inta wasiiro ama raisul wasaara ee yimid, xagooda ayay ka yimaadeen, mid walbana marka shaqada laga qaado wuxuu ku laabanayaay waddanka uu ka yimid ee ilmihiisa ay joogaan.

Soo lama dhihi karo marka waan ku qalbi jabnay hammigii ahaa in dad wadaniyiin ah ay noo soo laaban doonaan, Qarankana ay dib inoogu dhisi doonaan, umadaha asaageena ahna la xisaabtami doonaan, waa cajiib runtii nasiib darro nagu dhacday weeye walaahi!

Dumar iyo ragba, ragiina xilala doon ayay waddankii usoo aadeen, marka uu qadaraaskooda dhamadana waa kuwa inta ku laabto meelihii ay ka yimaadeen kasoo falkiya balaayo oo dhan, inta soo fadhiistaan tv yada soomaalida ayaga oo ku hadla hadallo sii kala fogaynaya umadda dhinac walbaba.

Dumarka soomaalida ayaa kuusoo haray, ayagana waxayba ka bixi la’ayihiin xaflada dhigasho ay u dhigaan raggooda nolosha ku guul daraystay, ee xitaa maamuli waayay guryahooda, halka qaarkoodba ay badda kasii baxeen oo inta is qaawiyeen soo fadhiista shaashadaha caalamka, ayaga oo sheeganaya wax walba, fanaan ha dhihin, model dharka xayaysiisa ha dhihin, miss beauty hebel ha dhihin, wax walba oo xun ayay astaan u noqdeen, runtii qurba joogta xitaa marka ay waddanka kusoo laabteen fasahaad ayay la soo laabteen, waana nasiib darro aad u xun oo laga niyad jabo runtii.

Xaqiiqda nolosha qofka marka uu fahmo wax waa loo dhiiban karaa, Hogaanka saxda ah ee wax lagu aamini karana waa midka kasoo dhilaalo waajibaadka gurigiisa balse, Nin gurigiisii u talin waayay oo xaaskiisa iyo caruurtiisa waddada ay ka mudnaayeen marsiin waayay, ayaa inta soo baxo uu ku leeyahay bulsho ayaan hogaaminayaa, maxaa laga filan karaa ninkaas oo xumaan kala ahayn?

Waxay samaysteen Ururo ku dhisan Qabiil, kuwaas oo fangareeya wax walba oo xumaan ah oo horseedi kara bur bur iyo sii kala fogaasho umadda kusii dhacda, mana ahayn mid waqtigan la filan karo dad rajo aad u wayn laga lahaa, marka ay timaado baahida waqtigan aan u qabno umad aqoon leh oo na hogaamin karta, waase mid ka mid ah Baraka darrada nagu habsatay ee aan allah ka tuugayno in uu naga dulqaado.

Nin walba inta yimaado oo wuxuu qasi karo qaso ayuu ku laabanayaa meesha uu kasoo qaxootiyeey ee uu sharciga ama baasaboorka uu wato kasoo qaatay, ayaan darro aad u wayn weeyaan walaahi, in qof inta kusoo ciyaaro oo soo bur buriyo dhulka uu asalka u lahaa usoo gurya noqonayo dhul uu marti ka yahay wax uu ka yahayna aysan jirin!

Qof sidaa u hammi gaaban ayaan inagana na hogaami niri, muxuu noqon marka dariiqa aan wada qaadi karno? waa midka maanta aan hayno walee oo aan baddeeni iyo barrigeen ku waynay, ducuments kasta oo wax lagu dhacana waxaa ku saxiixan nin qurba joog oo Soomaali ah, marka meeshaas waxaa ka cad in dadkii aan is dhahaynay ayaga oo wadani sax ah bey imaan doonaan, ayaga oo soo arkay macaanka waddankooda uu leeyahay iyo dullinimada lagula kaco marka ay qurbaha joogaan iyo waxa xumaan ah ee ay ka dhaxleen, waxaas oo dhan waxaan is lahayn way u noqon doonaan cibra qaadasho iyo caqli kororosi, hadana ma dhicin oo waa sida aan ka aragnay, waa sidii ninkii yiri oo kale” doofaar ma daahiro” taas oo runtii laga dheehan karo xumaantii ay shalay la fakadeen in ay wali ku jirto, waligoodna aysan ka dhaqmayn, maadaama 24 sano ay ugasoo dhaqmi waysay.

Ugu dambayn waxaan oran lahaa dadka gudaha waddanka joogo waa in jaanis la siiyaa, maadaama qurba joogta ay cadeeyeen in aysan u diyaarsanayn Qaranimo ama u shaqaynta Qaranka Soomaaliyeed.

W/Q:Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN