QURBAHAA I QIIMA TIRAY: Q1AAD

Sawirka qoraalka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

QURBAHAA I QIIMA TIRAY!!!


Arar & afeef.

 

Waa dhacdo dhaba oo aan dhalanteed mala awaal iyo mutuhis midna lagu larin, waxaa kaliya oo aan isku dayay si qoraal ahaana inaan usoo gudbiyo inta karaankayga ah, aad bay u dheer tahay balse inaan soo kobo ujeedkana ka soo qaato ayaan isku dayayaa haddii eebbe oggolaado. Waa dhacdo iyo sheeko ka mid ah dhaxalka iyo wacdaraha qurbaha nagu qabsaday ee aanan wali xalka loo helin.Waxaan ka afeefanayaa ma xusi doono dadka ay ku dhacdey magacyadooda iyo meeshay joogaanba, sidoo kale waxaa laga yaaba in qaarkiin ay ula ekaato in tooda aan soo gudbiyay idan la’aan waayo sidaan hubo waa dhacdo mar walba Soomaalida qurbaha qabsata.

 

QURBAHAA I QIIMA TIRAY: Q1AAD

 

Waxaan ku dhashay magaalo madaxdii waddankeenna Muqdisho inkastoo aanan ku garaadsan oo anigoo 6 jira aan ayaan ka soo kicitimay, socdaal iyo jiidaal dheer ka dibna waxaan salka dhignay oo hayaankayagii ku furney, Carriga Galbeed ee qaarada Yurub.

Waalidka I dhalay, waxay ahaayeen, dad kuwa xannaanadeyda iyo barbaarinteyda aniga iyo walaalahay jiif iyo joogba u waayey, ma aysan jecla, dhulka aannu nafta soo bidney ee aanu ku soo irkaney, balse, si aannu annagu nolol wanaagsan iyo koriimo fiican u helno ayay usoo aadeen.

Waalidkey, ilaa maalintii aan 10 jirsaday ilaa waxay igu wadeen dardaaran, iyo talo waalid,   anigu ugu horreyn Afkii hooyo ee Soomaaliga iyo dhaqankiiba kama aanan tagin walow saameyn aad u weyn ay igu yeelatay bay’adii qurbaha ee aan ku garaadsaday, haddana Afkayga Hooyo ku hadalkiisa aqrintiisa iyo qoristiisaba waa igula dedaaleen waalidkey, gaar ahaan aabbahay oo guriga iigu ahaa barre dhinac walba iga dhisay, wuxuu iiga sheekayn jirey, guud ahaan nolosha geyiga soomaaliyeed, bulshada soomaaliyeed sooyaalkooda iyo habdhaqankooda.

Maalin weliba xaalkeede, markii garabkaygu buuxsamey ee aan qaangaaray waxaan billaabay inaan dhibsdado waanadii iyo caqli celintii joogtada ahayd ee ay waalidkay ila daba joogeen. Waxaan isu arkay inaan ahay qof taama oo ka dhan in wax loo sheego anigooba u arkay iney i liidayaan, maadaama waalidiinta Soomaaliyeed ay inta badan wiilasha ka ka doorbidaan gabdhaha, oo gabdhaha boos hoose la istaajiyo waa sida aan ra’yi ahaan waagaa qabaye.

Waxaan isu arkay qof laga hor istaagay horumar uu tiigsan lahaa sidaa darteed waxaan go’aan qar iska tuur ah si hawtul-hamag ah ku qaatay inaan raadiyo waddo kasta oo aan aqalkaan aan cariiriga u arkay uga xoroobi lahaa, waxaan sameeyay la tashiyo badan oo aan ka fiirsi lahayn, dadkaan la tashanayaa, igu dhaqan maaha iguna dhiig maaha,   markaan belaayo iyo been u tirsho una turuuruxsho ayuu qof weliba ii aqoonsan jirey qof ku jira shabaq ciriiryoon una baahan gobonnimo qofeed(Xornimo) waa u riyaaqi jirey talooyinka guracan ee saaxiibadayda, macalimiinta iyo dadka aannu is naqaana i siiyaan, ma jiro qof isagu igu qasbay taladiisa, waa dad aan anigu ka raadsaday, kuma aysan qaldanayn. tolow halkeen baxsad u ahay?? bal adba!!!

Caadiyan waxaan ahaa qof uruursan oo aan dadka ku milmin oo inta badan guriga iyo goobta waxbarashada u dhaxaysa, aabbahay wuu shaqayn jiray hooyadayna guri-joog bay ahayd. Aabbahay habeen walba waa na shirin jiray si qaasana aniga ayuu ii waanin jiray maadaama aan ahaa gabadha kaliya ee reerku dhalay. Saddex wiil baa ila dhashay, mid waddankii baan uga soo tagnay labana way ila joogaan.

Gurigeennu wuxuu ahaa sidii dawlad oo kale macnaha waa la kala dambeeyay oo wax is feer-orda ma aanay jirin., Aabe ayaa reerka u sarreeyay oo talo iyo tusaale asaga ayaa loo hoos fadhiyay hooyana waa ku xigtay, labada wiil ayaa ku xigay anigana darajada ugu hooseysa ayaan fadhiyay. Qaabka gurigeenna looga dhaqmo wuxuu iila muuqday sidii maamul kaligii-talis ah oo hal qof go’aankiisa uun lagu dhaqmayo laguna dhaqaaqo sidaa darteed waxaan is tusay in hooyaday dulman tahay, haddii aanan aniguna hadda ka dhiidhiyin dulmigaas la iila bareeri doono.

Waxaa ii caddaatay noloshan cusub ee carrigan galbeedka iyo dhaqanka reerkan ka jira inaysan isla jaan-qaadi karin, sidaa darteed waxaan sahansaday waddooyin intooda badan wal-wal iyo walaahow kugu aroorinaya, balse, aan xilligaas guul iyo horumar u arkayay.

Waxaan ku noolahay waddan qofku uu isagu maamulo aayaha noloshiisa oo aanan qofna loo yeerin karin ama lagu qasbi karin wax aanuu ku jacsaneyn, haddana aniga waxaan dareemay in xornimadaas layga xayuubiyay oo aqalkeena idan la’aan kama soo daahi karo, caweys iyo soo kifaaxidna warkeeda daa. Ma geel baan soo shubi lahaa bal maxaa bannaanka iyo reero muskood iga yaal?? Bal adba!!

 

La soco qaybaha kale.

Maxamed Xaaji Xasan

SHEEKOOYIN