Qurbahaa I qiima tirey. Q3AAD W/Q Maxamed Xaaji Xasan

 

Sawirka qoraalka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qurbahaa I qiima tirey. Q3AAD.

War jiraaba cakaaruu iman ama aan si kale u iraahdee “Luuq luuq marow laasim laamigaas yimaadaahe” waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mida aniga iyo yarkii caddaanka ahaa oo isla soconna aan maqaayad shaah ka doonanay nasiib darrase maqaayadaas waxaa ku jiray oo aysan anigu ishayda markaa qaban walaalkay. Habeenimadii guriga markaan ku soo wada laabannay ayuu walaalkay si caro leh ii weydiiyay ninkii aan maanta la qoslayay, aniguna si aan boor isugu qariyo sheekadii waji kale ayaan u yeelay iyo maxaa kaa galay?? Hadda miyaad billowday inaad aniga i ilaaliso iyo intaanoo wara, sheekadu markay naga kululaatay ayaa aabbahay na soo dhex galay halkaas ayayna sheekadu ku qabawday..

Waxaan jaceyl daran u qaaday yarkii caddaanka ahaa xaalkkeygun wuxuu gaaray heer aanan qarin Karin” Qufac iyo jacayl midna ma qarsoomo” waxaan u bareeray inaan dhib iyo dheef wixii uu ii keenaba aan dhabarka u rito, talada aan qaatay si aan reerkayga ugu qanciyo waxay ahayd inaan asaga marka hore ka raarido inuu Muslimo si calal aqal reerkaygu u aqbalaan, wuuna iga yeelay inuu intaa ii sameeyo walow aysan niyad fiican ka muuqan.

Adduun waa kala maan, anigu isma ogi hirarka aan jeexayo, duurka aan jibaaxayo, jadda iyo jiida aan marayo, waxaan ahay ruux u jiran una jeelan ruux uusan ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay jacaylkiisu, dan kama lihi, nafteydii oodhami waxay u jilbo jabsantay dhankiisa, waxaa I jiidanaya oo jare adag igu haya waxaanan lahayn awood aan ku janbaco ama isaga jiljilo.

Waxaan ku ballannay aniga yarkaygii caddaa, wiilkan magaciisa waxaa la yidhaahdaa William, waa wiil aad u furfuran, hubaal in xitaa haddii xumaan laga sheego aysan dareenkayga gelayn, waayo, wanaagiisa maahine xumaantiisa iima muuqato imana marto.

Waxaan ku heshiiney inaan reerkayga u tagno annaga oo doonayna in laysu keen xalaaleeyo, waxaan reerkaygii ka dul ridayaa nin muruxsan oo faranfar u eg oo aanan dhaqan iyo af toona la wadaagin kaaga sii darane aanan wadan xigto iyo odayaal ka masuula. Dhaqanka Soomaalida waxaa reeraha gabadha usoo geed fariista( Dadab fariista) u yimaada odayaal ninka xaggiisa ka socda oo gabadha reerka gabadha weydiista laakiin anigu nin mutaxan ayaan iridda ka soo galshay oo aanan sal iyo cirib hadhaw meel loo raadsho aan la aqoon.

Maalamaha sabtida iyo axadda inta badan aabbe aqalka ayuu joogaa oo waa u maalmo nasiino sidaa darteed waxaan u arkayay fursad aan hawshayda daaha kaga qaadi karo, waxaan wacay yarkaygii caddaa una sheegay inuu soo dag dago oo aan aabbe hawsha ogaysiinno, isagiina waa iga aqbalay oo saacad gudaheed ayuu aqalkeenii ku soo istaagay. Aabe iyo hooyo oo fadhiga fadhiya ayaan la soo galay kaygii yaraa anigoo cabsi badan dareemaya niyaddana ku haya inaan sinnaba reerkaygu ku aqbali doonin laakiin un doonaya inaan ku raadgato si aan calal aqal marmarsiiyo ugu helo inaan yarkaygaan raaco. Aabbahay si deggan ayuu ii yiri waa kuma ninkaan aad hoggaaminayso?? Anna waxaan iri waa wiil aanu heshiiney oo anu isku afgaraney inaan nolol wadaagno wuxuuna halkan u yimid inuu I kiin waydiisto.

Aabbahay isagoo aan iga waalin buu igu yiri hadda hawshaas ma furi karno oo kaligay baan ahay bixintaadana kaligay go’aankeeda malihi ee bal usbuuca dambe inooga dhig in shaa ALLAH bal aan ballamiyo adeerrradaa iyo walaalahaabee. Intii baan u turjumay yarkii, isna isagoo caro wajigiisa laga dareemayo buu igu yiri maxaa imminka diidan oo usbuuca dambe ogolaanaya?? Aabbahay luuqadda wiilku ku hadlayo si wacan buu u garanayaa umase uusan jawaab celin ee aniguu af Soomaali igu yiri u sheeg mar labaad sida aan iri, anna sidii baan ku celiyay. Aqalka bannaankiisa ayaan u soo saaray yarkaygii caddaa si deggan ayana damcay inaan hawsha uga raarido laakiin maxaa dhacay?? Wuxuu si qayaxan iigu sheegay inuu iga aqbalay inaan islaamo, iga aqbalay inuu reerkayga u yimaado balse la sharaf tiray, wuxuuna igu yiri hadda waa markaagii hal codsi baan wataa oo ah inaan is raacno oo aanan reerkaan warkooda aanan u joojin.

Aqalkii aan ku koray, walaalahay iyo waalidkay baan gadaal u eegay wayse ila ahaan wayday inaan isaga lumiyo laba daran mid doorana asagii baan doortay, isla goobtiina waxaan goostay inaan isaga raaco anigoon xataa aqalkeenii gadaal ugu noqon oo aanan dhar ka doonan. Waxaan sawir maskaxeed khayaali ah ku daawanayaa farxadda iyo nolosha uu ii horseedi doono iyo horumarka aan tiigsan doono oo reerkaygu hortaagnaa. Wuxuu habeenkiiba I dajiyay hotel iiguna niyad qaboojiyay inuu subaxdii galinka hore masaajid agteenaa I geyn doono oo iga mehrin doona, tolow yaa iga wali ah?? Mindhaa isagaa wali iyo ninba ii matali doona!!!

Talo aan leeyahay kuma socdo, arrinkuna waa geeddiga wadaay!! Hotelkii buu iiga tagay, waxaan isku dayay inaan seexdo balse walwal iyo walaahow baan la seexan waayay waagiina waa igu dheeraaday. Dhanka kale reerkaygii dhawr mar bay isoo waceen laakiin uma aanan jawaabi Karin sidaa darted waxay u qaateen in wax igu dhaceen waayo uma aanay baran inaan reerka ka dibbado isla markiibana booliiskii bay wargeliyeen. Waagii markuu dilaacay meeshii aan ka sugayay inuu yarkii caddaa ii soo laabto waxaa iridda iga soo galay booliis iyo walaalkay oo isla socda.

 

Inta aanan hadalkii furin baa yarkii caddaa isna dalaq soo yiri, walaalkay sheekada waa uu ka dharagsanaa oo aqalkayaga ayuu ka yimid hadda ka horna mar buu igu arkay anigoo yarkaan la socda, isha markuu ku dhiftay ayuu si caro leh aniga ii eegay yarkiina feer buu ku bilaabay. Booliiskii baa kala qabtay, walaalkay iyo asagana xabsiga baa loo waday si dacwad looga qoro anigana waxaa laygu amray inaan bari subax maxkamadda soo xaadiro. Walaalkay iyo yarkiiba xaruntii booliiska bay habeenkii seexdeen anigana hotelkaygii baan ku laabtay, anigoon indho isku geyn baa waagii ii baryay, maxkamaddii ayaana ku kallahay.

 

La soco Qaybaha dambe.

Qalinkii: Maxamed Xaaji Xasan
kacdoon@gmail.com

SHEEKOOYIN