Qurbahaa i qiima tirey Q4AAD W/Q Maxamed Xaaji Xasan

 

Sawirka qoraalka

 

 

 

 

 

 

 

Qurbahaa i qiima tirey Q4AAD.

Walaalkay Mahdi aad buu ii jecelyahay, weligayna il xun iguma eegin, waa dhab in walaaluhu diriraan haddey guri ku wada koraan, balse, waxaa jirta inaan ahay qofka uu adduunka ugu jecelyahay, wuxuu ila raadinayaa waa magac iyo muuqaal wanaagsan.

Mahdi waa nin yar oo fiic ah aadna u firfircoon, Maalintii Mahdi qaan gaarey ayaa aabbahay hawl adduun ka nastay, waa nin reerka ku filan, garaad badan, karti badan, inta nin door lagu tilmaamo alle siiyey, waa nin dhiiran oo aan ishiisu gabashada aqoon, gardarada iyo gunnimada neceb. Maanta waxaan u loogey ciidan dowladeed, weligiis intuu waddanka joogay, Booliis wejigiisa ma iman, maantase in garbaduub loo xidho anigaa u shaqeeyey.

Dacwadii baa furantay, walaalkay wuxuu ku andacooday inuu iscelin waayay, caradana ay ka keentay ninkaan oo walaashiis af duubtay darteed, ninkii dacwada qaadayay aniguu ii soo jeestay ina waydiiyay inaan raali ahaantayda ku raacay iyo in lay soo afduubay, daqiiqad aamusnaan ah kadib waxaan sheegay inaan raali ahaantayda ku raacay, walaalkayna 8 bilood oo xarig ah iyo 50 saacadood oo bulshada uu u shaqaynayo oo lacag la’aan ah ayaa lagu xukumay, way ii muuqatay inaan gacantayda isku aasayo oo rajo dambe aanan reerkayga ka lahayn balse sawir maskaxeed qurux badan baa ii muuqda sheekadu waa “Miidaani dhaga maleh hadduu malag dhawaaqayo”

Walaalkay markuu xukunka dhegihiisu maqleen, Looyarkii dowladdu u qabateyna warqadihiisa iska laalaabtey ayuu wuxuu is celin waayey, ciil iyo caro oo aniga ii qabo, waa nin laba lafood ah oo dhisana intuu soo booday, ayuu William oo i garab taagan Labadiisa lugood oo wada socda ku kulmiyey, William oo aad caleen moodaa wuxuu ku dhacay darbiga, waxaana isu qabtey, Labadii lugood ee Mahdi iyo darbiga halkaasoo laba feerood ku jabeen, neeftuna ku ceshoontey, haddana isagoo dawakhsan ayuu ka dul dhacay, miis weyn oo meesha yaaley, kaasina wuxuu haleeley, Salaanta wejiga, waxaana ka soo hoorey xinjiro dhiiga oo butaacaya.

Wixii ciidan meesha joogay waxay sida shinida ku dageen walaalkay, qabtaay iyo xejaay, anigoo arkayaa walaalkay inta beerka dhulka loo dhigay laysku jabshay, weliba jirdil iyo haraatina lagala daalay.Dagaalka dambe wuxuu ku shaqeystay, 3 Sanno oo xarig ah, waxaana la qorey inuu yahay, nin halis ku ah, muwaadin William iyo saaxiibtiis oo aniga ah.

William waxaa loo qaaday isbitaal, waxaana la galay daweyn iyo dhawris, booliska ayaa u tegay qoyskayaga una sheegay, inay horteyda ka leexdaan, haddii kalena iyagana lagu dari doono.Guryo bi’is ayaan noqday, gurigii ifayeyna nalkaan u damiyey, Aabbahay hoos buu u ooyayaa, wuxuuna naftiisa weydiinayaa, maxaad ku galabsatay inuu dhibkaasi ku gaaro, Hooyaday waxay noqotey sidii qof maandoow ah, gabartii ay ifka u jeclayd ayaa ku noqotey, horor oo wiilkeediina ka galaafatey iyadiina ka carartey, waxay qalbiga ka qaadeysaa, heestii ahayd.

  • Barkintiisa ruuxaad
  • Ka jafeysey boorkee
  • Haddii beri wax gaaraan
  • Beerku kula xanuunsado
  • Adna baa’ba aagiyo
  • Baylahdaada jeceliyo
  • Inuu boqonta kaa jaro
  • Ba’anaa allahayoow
  • Ba’annaa allahayoow.

Laysma arag, bulshadii aan ka soo jeeday waxaan ka noqday tuke canbaar leh, waxaase saaxiibo ii noqday, kooxo jecel dadka noocayga ah oo igu dhiirigeliyey inaan xornimadayda u dagaallamo iguna tilmaamay halyeeyad u taagan xoriyadeeda, kooxahan durbaanka ii tumaya ma ogi ilaa goorma ayay ila jiri doonaan, waase la dhacsanahay guubaabadooda.

Waxaa lay sameeyey Baabuur ii qaada meesha aan rabo, lacagta hoteelkana kooxahan ayaa iga shuba, mid kale oo badana waa i siiyaan, Booliiskuna sidoo kale nin la yiraahdo, James ayaa ii xil saaran oo maalin walba isoo waca inaan wax dhiba la kulmay iyo in kale?.

Waa lay kool koolinayaa ee ma dhabaa mise waa dhalanteed? Waxaanba isu arkay Boqorad ku jirtey khafis iyo shabaq xabsi ah oo nolosha cusub albaabka looga furey, waxaa isoo booqanaya arday ka mid ah asxaabteyda, waxaan helay, fursad aan lebiska ku beddelo oo aan xirto waxaan doono, iibsado, dharka kuwa gaagaaban iyo kuwa garbo qaawan oo aan weligey ku riyoon jirey.

Maalintii dambe ayaa waxaa soo baxay, William oo la soo daweeyey, waa isku soo boodnay anigoo ubax u sida, William, arrinkiisu waa iney kor iyo hoos u ooyaan qoyskaygu, wuxuuna ogyahay, inaan Hoteelka oo aan u raaco waxba ugu suura gelayn, ka dib waxaaba u degsan kaartadii caawa oo inta u dhiman noloshayda kula wareegi lahaa.Markaanu baabuurkii gaarka ii ahaa soo raacney, waa goor gadiid ah oo gooreysadu abbaareyso 11:45 daqiiqo, ayuu ku amrey wadihii baabuurka inuu Masaajid yar nagu leexiyo oo malaha awalba u diyaarsanaa.

Wadaad xume aanan diin iyo xalaal toona ka dan lahayn baa joogay, kaliya lacagta yar baa u darnayd wax buu noo malookeeyay n aguna yiri xalaal baa isu tihiine hawsha caba, waxaan sidaa u leeyahay ima uusan waydiin wali iyo cida iga masuulka ah. Waxaasoo dhan iima muuqdaan waayo meel bay iiga caddahay inta kalana waa iga madowdahay waxaan ahay sidii qof miyir doorsoon oo aan maskaxdiisu hagayn. Halkii buu iga soo dhaqaajiyay gurigii cidiisa oo aanan waligay iman buu I keenay, isla markii aan iridda ka soo galnayba si qariibnimo ah ayaa la ii wada eegay, dareen kulul baa I galay jirka ayaana ka dareemay inaan halkaan layga rabin waayo waxaan aad uga naxay sida la ii wada kuurayo, waxaa intaa sii dheer guriga caruur badan baa joogta iyo dhawr eeyo ah kaaga darane anigu xasaasiyad baan eeyaha ku qabaa aadna waan isaga ilaalshaa.

Aabbihii waa lay sheegay inuu joogo, wejigaygana ma iman, oo intuu William ku jirey isbitaalka ayuu u sheegay inuusan i arki karin, cidise iima sheegin, hooyadiina wax soo dhaweyn ah kalama kulmin.Reerku waa reer dhaqan, waxay degan yihiin guri weeyn oo lagu dhex ambanayo, magaaladan meel gees ah uga yaal, Beero, barxado leh, dhinacana harro weyni ka saarantahay, oo doomo ugu xiran yihiin, dhanka kalena barxad weyn oo lagu ciyaaro, Ciyaarta xeegada ayaa ku taal, barkad weyn oo lagu dabaashona waa leeyahay, Hubaal inuu yahay, kuwii aan ku riyoon jirey, Ganjeelka ninbaa taagan oo furaya, haddaan guri boqortooyo imi ayaa maanka sheegaya.

Yaa ii sheega dadka iyo gurigu ineysan isu ekayn! Wiilka aabbihii waa Siyaasi, haddana ganacsade ah, waa nin magac iyo meeqaan weyn ku leh dalkan, waxaana reerka oodhan la yaab iyo amakaag ku ah, gurigooda qof madoow oo shaqaale ah oo leh, xad iyo xeer maahine, qof madoow oo wax la wadaagaya weligood may arag.

Waxaan soo galay jawi ka duwan kii aan ku noolaa ama aan kusoo koray, is badal nuuc walba leh, waxaan filayay inaan nolosha aan aflaamta ka arki jiray camal aan gali doono oo nimanka cad cad ay ka jaceyl iyo naxariis badan yihiin kuwa Soomaalida ah laakiin daqiiqadii koowaad oo aan gurigaas gudaha u galay baa dareen igu dhashay balse meelaan ka laabto ma joogo waayo waa mar ay midiyi calool ku tagtay oo aan buulkaygii gacantayda dab ku qabadsiiyay.

Toddobaad baan gurigii ku noolaa aniga oo aad isu dhawraya dadkana magacyada un ka garanaya, wajiyadoodana ay iiga muuqato naceyb aad u fog, kamase dan lihi oo waan is dhaafinaya waxa hareerahayga ka socda. Maalintii sideedaad mase sagaalaad miday ahayd aad imminka uma xasuusto ayaan jikada biyo ka soo doontay, galaas baan la soo baxay biyana ku cabay miiskana uga kor tagay markaas baa inan walaashiisa inta galaaskii miiska ka dul haabatay bacdii qashinka ku ritay iguna tiri alaabta aad wax ku cunto ama aad ku cabto qashinka ku dar isticmaal dambe nooma ay lahane, waagii baa igu baryay, aad ayaana hadalkaa uga carooday waana is af dhaafnay oo inaan ku soo boodaan isku dayay laakiin walaalkii ayaa na soo kala dhex galay iguna yiri naa ma runtaad diidan tahay?? Waa runteed ee wixii aad wax ku cabto ama ku cunto annaga isticmaal dambe inooma ay lahane halkaa ku rid oo si yasnimo ka muuqato iigu sii daray miyaanad ogayn inta maalin aad joogto inaan halkaa ku gureynay.

Qolkaygii baan gadaal ugu laabtay anigoo isku diyaarshay inaan aqalkaan dibedda uga guuro balse aanan garaneyn meel aan wajiga aadiyo,reerku waa geeddi aan sahay iyo sahanba diyaarsan, yarkii I qabay baa guriga ku soo laabtay wixii dhacay ayaana si caro leh ugu sharaxay wuuna iga ogolaaday inaan baxo iiguna laab qaboojiyay inuu aniga dadka iga doortay oo uu ila guuri doono intaasoo aan naruuro u qaatay anigu. Galab casar liiq ah baan gurigii ka soo wada baxnay aniga iyo asagii, hotel baan sii dagnay intaan guri ka heleynay, ilaahse naguma dhibin oo usbuuc baan guri ku helnay. Waxaan aad u hamminayaa inaan mar un arko nolosha aan aflaamta ka daawan jiray mid u eg laakiin arrinku waa kaaf iyo kala dheeri!!!

 

La Soco qaybaha dambe.

Maxamed Xaaji Xasan

Kacdoon@gmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN