Qurbahaa i qiima tirey Q6AAD W/Q Maxamed Xaaji Xasan

 

Sawirka qoraalka

Qurbahaa i qiima tirey.

Diyaarad dag daga ayaan helay oo laba maalin gudaheed baxaysa, labadii maalin hotelkaan ku huursanaa banaanka uma aanan soo bixin, subaxdii ballantu ahayd ayaan garoonkii diyaaradaha isi soo taagay, markaan diyaaradda kursigeedii salka dhigay ayaan safarkii cirka mid la mid ah galay.

Waanigan doontii maskaxda shiraaca u taagay, waaniga xawliga labanlaabey ee dhammaan dareenka xasuusta iyo xididada xiska ee kaydiya sooyaalka farriimaha u direy waxaan istaagay gurigii aan ku barbaarey, baradii ay hooyaday iyo aabbahey igu dhaleen.

Alla qurux badanaa  alla  dareenku wanaagsanaa, waxaan dareemay xasilooni iyo  negaanshiiyo, waxaan  helay waxoogaa  dareen wanaagsan oo riyaaq iyo raynrayn baan dareemay, waxay maalinima maalin ii dhiibto,waxaan xasuustay galabnimo anigoo ciyaaraya ayaa baabuur qurux badnaa oo aabbahay lahaa aan ku tuurey dhagax, ayaandarro waxaan kala haleelay muraayada, way jabtay waan naxay, waxaa meel aan iga dheerayn ag taagan Abtigey Sulub oo ahaa nin dhallinyaro ah, oo markaas waxbaranayey gurigana nagula noolaa, hooyadayna sida wiilkeeda usoo korsatay, Abtiyo guriga lagama laha, wuxuu aad uga xumaaday, qasaaraha aan geeystay, ka dibna dhirbaaxo ayuu labada dhaban i fujiyey, kama aha colaadin, ee wuxuu doonayaa inuu u edbiyo ina baro inaan ku dhiiran falalka dhibka keeni kara.

Dhawaqaygii iyo dhabnaanadii dhirbaaxadii kululeyd ee abtigey iyo dhaayaha aabahay oo markaa soo galay ayaa isku dhacay, Aabbahay Guuleed, waa nin naxariis badan oo degan, mana jecla carruurta in la dilo, gaar ahaan aniga iima ogola iney cidina ii gacan qaaddo, Aabbahay intuu xanaaqey ayuu ku sigtay abtigey inuu la dagaallamo, balse, Hooyo oo markaas daashka guriga isaga soo taagtay ayuu ka xishoodey waana is dejiyey, markaasuu abtiyo u sharaxey qaladka aan geeystey, isagoo garaabay ayuu haddana i dareensiiyey hadal aanan weligay ilaaweyn. Abti Suluboow, gaadhiga gabadhaa ka qaalisan, haddaad maanta adeerkeed tahay waa kala dhiman lahayn, waxaanse ogahay inaad Abti tahay, Abti wanaagsana tahay, ee walaaloow mar dambe gacantaada haw celinin.

Abtigey waa ka garaabey madaxuuna iga dhunkaday, korbuu ii qaaday wuxuuna ii sheegay inuusan ujeed ka lahayn gaadhiga iyo muraayada ee ay dhici karto haddaan tuuryada badiyo iyo shiidka inaan qof indhaha ka ridi karo, Aabbena hadalkaas waa u qushuucay waa runtiis ayuu ku xoojiyey ee dhagax ha tuurin.

Ilmaa iga qubaneysa oo aabbihii sida ii jeclaa, barqaan ka dhaqaaqey, calooshaa i hureysa, waxba catoow tari maayo, waxaan soo xasuustay, walaalkay Mahdi siduu ii jeclaa iigana ilaalin jirey cid walba, xitaa mararka qaarkood dambi aan anigu galay inuu dusha saaran jirey, si uu ii badbaadiyo, isagana loo ciqaabi jirey, waxaan soo xasuustey maalin maalmaha ka mid ah, Inaan xaday lacag anigoo dugsiga u qaatay, markaasaan u qaybiyey ciyaalkii xaafadda oodhan.

Hooyo Qadan, ayaa lacagtii meeshii ay dhigtey ka weyday, waxaana markaas tabaas iyo tafniid loogu dhaqaaqay dadkii guriga joogey ilaa wareegtadu igu timid, isla markiiba Mahdi ayaa soo oggaadey inaan ahay qofka lacagta qaadey, wuxuu la kulmay iyada loo lay weydiinayo markaasuu yidhi, Hooyo anigaa qaatey, Hooyo waa muraara dilaacdey, taasoo uu ku kasbaday, laba dil, oo Hooyona canaanatey, macalinka dugsigana uu u duubay oo sarbi kala daalay.

Mahdi wuxuu u dagaallamayey oo loo xidhay inaan dabinka maanta yaalla ku dhicin, ileeyn doqoni darajo ma leh, HAH iyo CAKU, dadku waxay ku mashquulsan yihiin, jawiga la marayo iyo diyaarada hadba weecadkeeda iyo sabaynteeda hawada, aniguna waxaa xeebinayaa oo xusul duubayaa xawaarena ku maraya xasuus macaan oo xiligeedii la soo dhaafay.

Hooyadey Qadan, indhaheeda biyo kama dhammaadeen, iyadoo guri buuxa joogtaan Goblan ka dhigay, iyadoo guri farxadeed joogtana Geedi murugaan u raray, wiilkeedii godbaan ku riday, Saygeediina nolol iyo geeri buu u dhaxeeya, gabadheediina noloshay kaga samirtey, sida wiira wiiraha ayaa hortayda waxaa yaacaya wanaaggii lay galay iyo xumaantaan ku guday. Waxaa dhegahayga ka guuxaysa, Hees ay qaaddo Fannaanadii qaaliga ahayd, AUN, Kinsi Xaaji Aadan.

 

  • Gacan gacan wax siisiyo
  • U gargaarta yaa heli
  • Horta yaa abaal gala
  • Hadduu jirose yaa guda.

safar saacado ah kadib, waxay soo caga dhigatey diyaaradii aan la socdey, caasimadda dalka itoobiya ee Addis Ababa, isla saacad iyo bar kadibna mid kalaan ka soo raacay oo Hargaysa nabad igu keentay. Habaryartey ayaaba garoonka igu dhawreysay, is nabdeysi kadib aqalkeedii baan soo aadnay. aniga iyo habaryar oo aad sheekadu isugu kaaya dhacayso ayaa inanteedii oo da’ ahaan ila eg dalaq inoo soo tiri, kuna tiri hooyo martidii baa timid, waayo martidu ayaan iri?? Waa wiilkii inantayda doonayay reerkiisii bay igu tiri.

 

La soco qaybaha kale

Maxamed Xaaji Xasan

Kacdoon@gmail.co

 

SHEEKOOYIN