Qurbajoog: Qayr mise Qasaaro? Q2AAD
Qaybtii hore, ee qormada, waxaan uga hadlay, horumarka dadka dibadda ka soo laabanaya ay dalka ku soo kordhiyeen, haddaba, qormadani, waxay si kooban u tilmaamaysaa sida dib u dhaca ah, ee qurbajoogta qaar ka mid ahi u saameeyeen guud ahaan dalka.
Shaqada Dowladda:
Markii qurbajoogtu ay la wareegeen xafiisyada dowladda, waxaa la sheegaa, in uu aad u soo batay musuqu. Intooda badan, waxay is ka degganyihiin hoteello qaali ah, xafiisyadana u ma soo shaqatagaan. Shacabka Muqdisho iyo meelo kale, oo dalka ah, waxay ugu yeeraan wasiirradii Qurbjoogta ahaa, oo Laab-toobka watay, markii ay jago waayaan, dalka waa isaga baxaan, oo waxay u dhoofaan dalkii ay ka yimaadeen. Mararka qaar xitaa xil wareejin ma sugaan.
Waxaan xasuustaa mar baarlamaanku warsaday, wasiir, in uu keeno heshiis ay dowladdu la gashay shirkad ajnabi ah, wasiirkii wxuu yiri muddo badan ayay igu qaadatay, in aan helo ASALKA (Original ) heshiiskan, oo uu galay wasiir iga horreeyay, malaha nin ayaa la dhoofay!
In kasta oo Soomaali la wada yahay, dalkana la wada leeyahay, haddana, waa loo kala xog-ogaal sanyahay. Nin dhalasho dal kale haysta, qoysna ka degganayn dalka iyo nin ilmihii iyo ahalkiiba dalka ka yaallaan, is ku si u ma fekeri karaan. Waxaan u la jeedaa, dad badan, oo xilal ka haya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, u ma fekeraan u mana shaqeeyaan sidii dad dalka leh, ee waxay u fekeraan sidii dad AJNABI ah, safar shaqo oo ku meel gaar ahna meesha ka haya. Qurbajoogta in badan oo ka mid ahi, waa dad aan wax badan ka soo faa’iidaysan dalalkii ay tageen. Afsuuqa looga hadlo dalkii ay ku noolaayeen oo kali ah unbey cilmi ahaan u haystaan.
Dhaqaalaha:
Qurbajoogtu Xamar iyo Gobollo kalaba, waxay ka hirgeliyeen ganacsi ay inta badan ka soo minguuriyeen dalal dibadda ah. Abuurista ganacsi waxay u baahantahay, in aad looga fekero, luguna xisaabtamo hab-dhaqanka bulshada iyo kobaca dhaqaale ee dalka. Tusaale ahaan, Soomaaliya inta badan dadku jid wax ku ma cunaan, goobtooda shaqo xitaa aad u ma badna, in ay dadku ku qadeeyaan ama ku qureecdaan, dibad jooggu waxay dalka keeneen, cunto baabuur lagu wareejinayo, shaah Ccod baahiye wata, oo baabuur lugu qaadayo, ee dadka suuqa loogu geynayo iwm. Ganacsiyadaasi inta badan waa burbureen, waxayna sababsadeen dhaqanka ah, in aan Soomaalidu jidka ama suuqa wax ku cunin intooda badan. Sidoo kale, qurbajoogtu dalka waxay keeneen badeeco aad qaali u ah, oo aysan dadku awoodin, in ay iibsadaan, taas ayaana sabab u ah in ganacsi badan, oo ay qurbajoogtu abuureen socon waayo, ka dib markii la waayay dad wax ka iibsada. Dad badan, ayaa aaminsan, in qurbjoogtu qaybta ugu wayn ku leeyihiin sicir bararka baahsan ee dalka ka jira.
Dhaqanka iyo arrimaha Bulshada:
Dhaqan aad waddan shisheeye ku soo aragtay, in aad sidiisa u soo rarto sax ma ahan. Qurbajoogta qayb ka mid ahi, waxay soo min guuriyeen dhammaan qaab nololeedkii ka jiray dalkii ay qaxooti ahaanta u tageen. Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan aad u fac wayn, oo la sheego, in uu ka mid yahay kuwa ugu taariikhda dheer Afrika. Sheekooyinka aan qurbajoogta ku arkay waxaa ka mid ah tan: Nin oday ah, oo muddo ku noolaa dal ka mid ah Yurub, ayaa qoys Xamar deggan, oo aan weligii dalka ka bixin dan ka yeeshay, xilli qiyaastii duhurkii ah uu gurigii soo garaacay, ilmihii ayaa albaabka ka furay, wuxuu ku yiri wax hebel ayaan u baahanahay ee hooyo iigu yeera, carruurtii waxay yiraahdeen: Hooyo way huruddaa, wuxuu ku yiri qurbajooggii: hooyadiin hurdada ka toosiya. carruurtii waxay yiraahdeen: hooyadeen ma kicinayno. Ninkii diyaasbarada ahaa ayaa xanaaqay oo yiri: waa in la kiciyaa, maxaa yeelay, innagu marka aan joogno Ingiriiska maalin ma hurudno, oo waa qof maalin cad riyooday ayaan ba ku maadeysannaa. Taasi waxay noo caddeysay, sida qaar ka mid ah qurbajoogtu ay ugu hoggaansameen dhaqankii dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay ahayd in ay xushmeeyaan dhaqanka iyo qaab nololeedka dadka.
Qurbajoogta iyo qorraxjoogtu siday isu kaashan karaa? Qayta danbe, ee qormada, oo xanbaarsana doonta talo iyo maanso ayaan ku qaadaadhigi doonaa, ee la soco.
Fisha, qaybta Q3AAD, ee qormada.
F.G: Qormadan markii u horraysay, waxay ku soo baxday; Wargeyska Gobollada Dhexe
W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmad