Qurbajoog: Qayr Mise Qasaaro Q3AAD W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

laashin

Qurbajoog: Qayr Mise Qasaaro Q3AAD

Labadiiqayb, ee qormada ee ku soo baxay Wargeyska Gobollada Dhexe waxaan uga hadlay saameynta ay dadka dibadda ka soo laabta ku leeyihiin dalka. Qaybtan seddaxaad, oo ah tan ugu danbeysa, waxaan uga hadli doonaa sida qurbjoogta iyo qorraxjoogtu isu la jaan qaadi karaan. Qurbajoogta wax badan waa laga yiri; wanaag iyo xumaanba, Abwaan Bashiir M. Xersi ayaa maanso ku yiri:

 

Qurba jooggu waa kee

Qaabkiisu see yahey

Horta qolo ma leeyahey

Iyo qaarad gooniya

Ama ciidan qaaliya

Iyo calan la qaabbilo

Qarankiisa yaa garan?.

__________

 

Qurbajooggu waa kee?

Ma ka qaranka dumiyoo

Qilaafyada hagaayoo

Qabqablaha hubeeyaa?.

 

Ma qabyaaladiistaha

Isku dira Qabiillada

Kala dila qaraabada

Qoyskiyo xigtada iyo

Kala qaybsha ehelkaa?

—————————

Ma qaablaawe Suud xiran

Ama Cigaal ku qoofalan

Qarrib iyo dhimaal badan

Oo laga Qiblaystaa?.”

 

Sidoo kale, dadka dalka horay u sii joogayna dhaliishoodu ma yara, oo waxaaba la aaminsan yahay, in ay ku lug lahaayeen burburkii dalka. Waxaa cad, in ay labada kooxba ku jiraan dad qiimo leh. Haddaba, waxaa habboon maadaama hadda la wada joogo hal dal ama magaalo qura, in la wadaago khibradaha la is dheeryahay oo la iskaashado.

 

*   TALADA AAN SIINAYO QURBAJOOGTA:

 

1)     Sida dalka aad ka soo laabateenba uu u leeyahay dhaqan, hidde iyo qaab nololeed, ayay soomaaliyana u leedahaye, waa in aad dhaqanka ka hormarisaan kan dalkii aad noloshiinna qayb ka mid ah ku soo qaadateen.

2)     Ha u imaanina dalka xil raadis oo kali ah, ogaadana in uu dalku leeyahay fursado kale oo bannaan.

3)     Soo min guuriya, oo keena waxyaabaha wanaagga ah, ee Soomaalida qummani aqbalayso, sida: is cafinta, is xushmeynta, tanaasulka, wadahadalka iyo is aqbalidda.

4)     Keena dalka ganacsi jaban, casri ah, shaqo abuuraya, lana jaan qaadi kara heerka dhaqaale ee dadku marayo.

5)     Aqoonta tan ugu horreysa uguna qiima badani, waa tan ku barta dalkaada iyo dhaqankiisa, ee barta waxna ka fahma afk iyo hiddaha dalka hooyo.

6)     Dadka dalka horay u sii joogay, waxay xog ogaal u yihin, goob joogna u ahaayeen dhacdooyin badan oo ka la duwan, sidaas darteed, waxaa habboon, in aad ka tala qaadataan.

* TALADA AAN SIINAYO QORRAXJOOGTA:

1)     Qurbajoogtu waxay aqoon, khibrad, shaqo-wanaag iyo ilbaxnimo ka soo faa’iidaysteen dalalka horumaray, waxay indhahooda ku soo arkeen sida uu sharcigu u shaqeeyo. Waxay soo taabteen faa’iidooyinka nabadda, dowladnimada, ka la danbeynta iyo maamul-waanaagga, marka qorraxjoogeey qurbajoogta intaas ka barta.

2)     Dhaqan aad u wanaagsan ayay leeyihiin, oo ay ka mid tahay Is dhegeysi, isu mahad celin, gar qaadasho iyo IWM, dad badan oo aan abid waddanka ka bixinna arrintaasi way ka maqantahay, waxaana habboon, in qurbjoogta laga barto waxyaabahaas wanaagsan, laguna dhiirrigeliyo.

3)     Qurbajoogta ha la siiyo talo wax ku ool ah, oo ku saabsan wixi dalkan iska beddelay intii ay ka maqnaayeen. Iskaashato ma kufto, ee isma hurtooy ha is halleyn.

 

F.G: Qormadan markii u horraysay, qaybaheedu waxay ku soo baxday;Wargeyska Gobollada Dhexe.

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN