R O O X A A N W/Q: Siciid Jaamac Xuseen

R O O X A A N!

Cirka caad laguma arko. Laan ruxmaysaa dhirta yar ee tuulada ka dhex taagan kama muuqato. Haad duulayaa ma jiro. Xilligu waa jiilaal laga cabsi qabo inay ka dhalato abaar lagu hoobto. Nin joog dheer oo awr kiish yari saaran yahay hoggaaminaya ayaa bannaan ku yiil tuulada barigeeda kasoo murbaxay goor casar liiq ah. Raggii aqalka Guuleed ee cirifka tuulada ugu taag iyo tilmaan dheeraa oo shaah ku cabbaayey harqoodaalkiisa ayaa is wada dhugtay. Ruux garta ninka iyo tuluddiisa way iska waayeen.

Salaan iyo is waraysi gaaban oo ay raggu is weydaarsadeen ka dib, wuxuu judhiiba ninku codsaday inu muddo beesha la soo dego. Wejigiisa, hadalkiisa iyo socodkiisaba waxa ka muuqatay inu yahay nin aad u deggan. Codsigiisii waa laga yeelay. Aqal maran oo Xaaji Baxnaan leeyahay ayaa laysku raacay in la dejiyo. Iyagoo weli waraysigii ninka ku jira, ayaa Gurxan oo degdegsani daf soo yiri. In curadkiisii si ba’an loo hayo ayuu sheegay.

“Dhaxan iyo gariir ayaa laga soo taagey, waxaanna filayaa inay rooxaani kusoo degtey,” ayuu raggii la socodsiiyey. Waa la wada aamusay. Ninkii socotada ahaa ayaa la wada eegay. Isna madaxa ayuu ruxay isagoo gartay in laga dhawrayo bal in uu mashaqada Gurxan lasoo degtay uu wax ka qaban karo. ‘Berigii hore sidee arrintaas oo kale ula xaalli jirteen?’ ayaa ninkii ragga cod miisaaman ku weyddiiyey.

“Duul buuraha dega ayaa geed aan la aqoon keeni jirey. Geedka xididkiisa oo la dubo ayaanu bukaanka kula daali jirney,” ayaa Guuleed ku celiyey. Isagoon hadlin ayuu ninkii madaxa ruxay mar labaad. “Wiilka i tusa,” ayuu soo jeediyey. Gurxan oo hadalkii ninka iyo muuqaalkiisu dejiyey ayaa hor kacay. Waxay dul yimaaddeen wiilkii oo kurbanaya. Intuu wejigiisa ka bogtey ayuu sacab ballaaran saaray. “Immisa maalmood ayaa sidaas loogu degganaa?” ayaa ninku warsaday?.

‘Saddex maalmoodba cudurkan saansaankiisu wuu ka muuqday. Cunta kasta loo keen; wax ka degaase ma jirin. Waad u jeeddaa inu il go’san yahay sidii qof ay duumo ka daadegtay, ayaa Gurxan ku jawaabay. “Waa sahlan tahay” ayuu ninkii Gurxan niyadda ugu dejiyey. “Shaah kulul daawadan ugu dara. Aniguna berrito ayaan kasoo war heli doonaa.” Xaansho yar oo dhawr jeer isku laaban ayuu Gurxan ku dhaafay.

Maalin labaaddii wiilkii fay buu ahaa. Bishii uu tuulada sii degganaana dhawr xaaladood oo kale ayuu ninku daaweeyey. Intaanu ka dhoofin wuxuu la shiray odayaduu arkay inay tuulada ugu deggan yihiin. Wuxuuna kula dardaarmay inay ka digtoonaadaan duulkaa buuraha kasoo dega iyo geed baaska ay keenaan ee noloshooda sida weyn ula degey. Guntin maro ku duuban ayuu Guuleed gacanta ka saaray. Way garteen inay tahay daawo loo dejiyey ciddii sida ina Gurxan loo qabto. ‘Hadday naga dhammaato, xaggee ka heli karnaa? Wadaad adigoo kale ahse intee noogu dhow?’ ayey codsigii ugu dambeeyey ku dhiibteen.

Lama hadlin ee wejigooda ayuu qof qof u fiiriyey. Markay ka daadegtey inay rumaysanayaan, taladiisana kuna soconayaan ayuu sir culus aan marna maankooda kusoo degi karin ereyo kooban ugu gudbiyey:

“Daawada meesha ku guntani waa asal ridqan. Wadaadka aad raadinaysaan meel durugsan ma jiro. Dhexdiinna ayaa laga heli karaa waayeel muslim ah oo saddex qul-hu-walle aqriyi kara, wax ka badanna looma baahna. Intay raggii iswada jeedaaliyeen ayey isku mar wada xusuusteen in kuwii la daweeyey oo dhammi sheeggi jireen in shaaha asal ka dhadhamo aanse cidina ka hoos qaadin.

Raggii oo ay ka degi la’dahay rooxaan baa asal lagu daweeyaa ayuu meeshii kaga dhaqaaqay. Muddo dheer ayaa kasoo wareegtay xilligaas. Raggiise marna ma ay illaawin ninkii awrka watay ee casar gaaban, maalin jiilaal ah, kiish yar oo saaran ka lasoo degy markuu raggii tuulada soo gaarey.

Ararta qoraaga:

Anigoo mar wax ka tilmaamaya quruxda, libinta iyo liibaanta Af-soomaaligu leeyahay ayaan qoray. Inkastoo aynu niri: Af-soomaaligu waa ereyo kooban yahay marka afaf kaloo badan la barbar dhigo, haddana rogrogga ereyga, is-qabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raaca ereyga, meesha uu had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo badan ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud loo kala garan karo.”

Tallaabooyinka soo socda ayaan ku dhaqaaqay si aan odhaahdaas marag iyo markhaati adag ugu helo oo aanay noqon mid cidla-ka-faan iska ah. Erey Soomaali ah ayaan doontay oo xushay. Waxaan helay ereyga ‘DEG’ oo aad u gaaban. Waan kala furfuray, rogrogey intuu u kala bixi karo. Mid walba micnahiisa ayaan ku hor qoray. Ereyadii isku asalka ahaa ee misna kala micnaha ahaa ayaan mid walba weedh iskeed u taagan geliyey.

Intaas markaan kasoo jeestey ayaan is-weyddiiyey: ‘Halkaas ma laga sii durkin karaa, iyadoo weli mawduucii quruxda iyo hodontinimada Afka lagu jiro?’ Su’aashan ayaa ii geysey inaan isla ereygii aan weedhaha ka sameeyey ku dayo inaan la beegsado sheeko-curin oofin karta shuruudaha sheeka-qoristu u baahan tahay aan marna sahal ahayn. Sheekadan gaaban ee ‘ROOXAAN’ ayaa ka dhalatay. Fiiri sheekada sida ereyga ‘DEG’ 21-jeer usoo noqnoqdo isagoo mar walba micne gooni ah xambaarsan.

Tirsiga lambarrada sheekada:

  1. Dego, derso.
  2. Deggan xasilloon.
  3. Dejiyo martigeliyo.
  4. Degdegsan, welwelsan.
  5. Degtey, haleeshay.
  6. Degtey ku soo korodhay.
  7. Dega ku nool.
  8. Dejiyey laabta u qaboojiyay.
  9. Degganaa loo hayey.
  10. Degaase dhuunta mara.
  11. Daadegtey dishootay.
  12. Dejiyey doojiyey.
  13. Degganaanna ku noolaa.
  14. Deggan miyir badan.
  15. Dega ka yimaadda.
  16. Degay, dhaawacay, wiiqay.
  17. Dejiyey, loogu tala galay.
  18. Daadegtay, dhaadhacday.
  19. Degi malayn.
  20. Degi qaadan karayn.
  21. Degey, ka soo rogey.

W/Q: Dr Siciid Jaamac Xuseen

Naga la soo xariir: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.