Raadkii Riyadaydi W/Q: Cali M. Diini

Raadkii Riyadaydi W/Q: Cali M. Diini

Florence Scovel Shinn oo ahayd qoraa iyo farshaxamiiste Maraykan ah ayaa laga hayaa: waxaa jirta oraah gabowday oo oranaysa, ninku (qofku) keliya saddex ujeeddo ayaa uu ugu holladaa adeegsiga erayada afkiisa ka soo baxaya: “dhayid, mahdin ama hodmid (there is an old saying that man only dares use his words for three purposes, to “heal, bless or prosper…). Malahayga, qofkii oraahdaas gabowday laga reebay haddii la haybin lahaa sababta qof (qoraa) wax u qoro waxa uu oran lahaa “maal, magac ama maciin/dhayid.”

Waxa aan oraahdaas gabowday u soo xigtay waa, muddo dheer, ku dhowaad toban dabshid, baan la foolqaadayay erayada iyo jumladaha dhiganahaan, aniga oo kaadsanayay madashii aan ku dhurmi lahaa iyo maalintii aan burqan lahaa oo soo tufi lahaa waxa kashayda hurda dabadeedna u dhayi lahaa boogaha boggayga jiifa.

Boogahaas oo ay igu reebeen balaayooyinkii geyiga Soomaalida ka balalayay beryihii aan dhashay kuwaas oo si wacan u la jaanqaaday hanaqaadkaygi ilaa ay ugu dambayn iga soo baacsadeen beladkii Benaadir iyo geyigii Guulle igu beeray ka dib na qaxooti iiga dhigeen dhulal shisheeye.

Aramidaas uurkayga jiiftay bay ahayd tan igu qalqaalisay qalin u qaadashada dhiganahaan. Sideedaba, qofka halabuurka ah, ha noqdo qoraa, gabyaa ama sheekacuriye, waxaa jira sababo ku riixa in uu wax qoro ama wax curiyo. Suugaanyahanno uu ka mid ahaa Cabdullaahi Macallin Axmed (Dhoodaan) baa si qurux badan maanso ugu qeexay sababaha qofka ku dhaliya halabuuridda. Dhoodaan waa kii lahaa:

  • U ma kiilo maansada sidii, xuud kalluunsada’e
  • Kasha muran ku yaallay xikmadu, kilinkilaysaaye
  • Kulcubaha xiskaa i dooda iyo, kiishash laabta ahe
  • Faallada kalyaha buuxisay, iyo kubada uurkayga
  • Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage.
  • Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman
  • Ma kaakicine dhowr goor anigoo, kaalay oran waayey
  • Kud iyo mid karraysa ah afkana, kaabiga u jooga
  • Gaaddada wuxuu kuuriyoo, saabka kuudadaba
  • Kol hadduu karsamay oo shidmoo, aad u kululaado
  • La ma kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
  • Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho.

Mar kale tixdaan hoose oo loo tiiriyo suugaanyahanno dhawr ah ase aanan hubin kii runta ahaa ee curiyay waxay leedahay:

  • Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin
  • Amaan olol jacayl iyo xanuun, kugu ijbaaraynin
  • Afkuun baad ka leedehee tixuhu, arar ma yeeshaane.

Hurgufidda (qorista) xusuusaha hurgumihii iyo haarihii ay hantaaqooyinkii noloshu nagu reebeen waxa ay dhaymo u tahay nafsadaheenna, xag jireed iyo xag dareenba.

Barofaysar James W. Pennebaker oo bare ka ah University of Texas, Austin, sidaa oo kale na ah qoraaga buugga “Writing to Heal: A Guided Journal for Recovering from Trauma and Emotional Upheaval” waxa uu qabaa in dadka waayahoodii wareersanaa iyo hantaaqooyinkii waayaha adduunku badeen ku taxa dhigaal (qoraal ama tix) ay sameeyaan isbeddal jireed iyo mid maskaxeed oo togan.

Arartaas ka dib, waxa aan filayaa in ay imminka habboon tahay in dhawrka sadar ee soo socda aan ku xantaxanteeyo aramida igu ijbaartay qorista buuggaan, iyo hurgumaha iyo haaraha aan rejaynayo in dhiganahaani dhayi doono…..

Buugga W/Q: Cali M. Diini 

SHEEKOOYIN