Ragga iyo ilmo heynta! W/Q: Cabdulle Cabdi Kariin (Jallaato)

Ragga iyo ilmo heynta! W/Q: Cabdulle Cabdi Kariim (Jallaato)

Saddex nin oo saaxiibbo ahaa ayaa maalin war isku qabsaday, labo ayaa isku raacday howlaha guriga iyo carruurta in dumarka wax uga fiican aysan jirin, waxayna caddeeyeen inay tahay howl adag oo aan nin qaban karin. Ninkii saddexaad ayaa yiri: Maxey hayaan halkaas uun bay biilkii aaway IWM ku hayaane. Guriga ayey goor walba dhex fadhiyaan, haddii gogol loo kaco ayaduba waa nafleey oo intaan rabo waa ay rabtaa. Maxaa kale oo aad sheegeysiin?. Si kasta oo ay iskugu dayeen in ay libta dumarka iyo kaallinta nolosha ay ku leeyihiin la oggoleysiiyo wuxuu soo istaagay ilmo dhaloow mooyee dheef kale laguma haayo ee war kale ma la gole imaaneysaan jallayaal?.

Maalinkaas waa lagu kala tegay. labadii nin ee kale ayaase ku tashtay in ay ninkaan runta taabsiiyaan, balse, ayaamo loo cag dhigo inta sheekadaan is diidsiiska ah ay maskaxdiisa ka baxeyso. Markii ayaan la joogay kansho ku haboonna ay heleen ayey sheeko ay horay u soo dhisteen isku jiibiyeen, kii oo qabaar moog ah ayaa inta soo dhex galay ku dhaartay wacadi ineysan taasi guri iyo gole aan leeyahay ii dhex joogteen.

Waxa lagu yiri: Hebeloow widaaygeenna waa tahay, inaan wax kaa qarsannona waa nagu ceeb iyo lama arag, ha na naga xummaan oo waa isku leennahay in aan dhib iyo dheef wadaagno ninka ay birtu saaran tahayna waa adiga. Intuu fadhiga ka istaagay oo xanaaqay ayuu yiri: Hadde saad u joogteen ayaad nacnacdaas iila timaadeen nimanyahoow dhiiggiinnu waa iga dhiig muslim ee na kala badbaadsha.

Waxay ku yiraahdeen: waan kugu dhaaraneynaa sow hadda masaajidka kama imaan, na aamin teeda kale caddeyn buuxda adigu indhahaaga ku arag. Dabcan haddii aad halkaan soo gaartay welina aadan fahmin sheekada waxaad u baahan tahay in aad meel deggan ku aqriso ama koob qaxwo qaraarreey ah iyo hal xabbo oo moos ah aad dig ka siiso.

Waxa uu ku yiri: bal ii warrama oo caddeymaha aad heysaan ila wadaaga? Waxa ay ku yiraahdeen: caawa marka aad guriga tegto waxba yaan lagaa dareemin markii waagu beryo shaqada amminkii aad aadi jirtay guriga ka soo bax xilli badan ba ha sii maqnaan ee muska u soo fadhiiso ee arag waxa ay fasho ooridaadu adaaba yaabi doono markaasna xaal ayaan kaa rabnaa marka aad aragto waxa aan kuu sheegnay in ay run yihiin, haddii aad furi lageyd iyo haddii aad sideeda ku heysan laheydna waa howl adiga kuu taalla, haddii aan been ka sheegnayna xaal iyo xumeyn ayaa nagu waajibaayo.

Ninkii oo madaxa labo cad kala yahay fajac iyo yaabna Alle u keenay ayaa gurigiisa ku laabtay waxba lagama garan oo hamiinkii nabad ayaa lagu waabariistay. Sidii ballantu aheydna nin shaqadiisa aadaayo intuu iska dhigay ayuu meel uu wax walba ka arki karo kana maqli karo u soo fadhiistay. Islaantii markii ay hubsatay in xaajigeedii uu baxay ayey dhexda xiratay cunuggaan u qubeey, kan madaxa u shanleey, kan canjeero sii, kan boorash u qas, kan qudaar iskugu shiid, kuwa roo roonna buuggaagtoodii iyo qalimaantii ay wax ku soo baran lahaayeen ka hubi, intaas howlood oo ay isku heysay ayadoon dhib sheeganeyn, balse, afkeedu uusan qabaneyn markey kala agaasintay ay u soo jeesatay dharkii wasaqda ahaa iney qasaaladda ku gurto alaabtii dhaqdo qof jinniyo qabo camal ilmihii ay dhabta ku heysay ayey la hadlee qosolkeeda ayaa baxaayo.

Ninkii filim Horor ayaa u shidmay sababta oo ah subaxdii jawi deggan ayuu ku bixi jiray markii uu soo guryo noqdana jawi deggan ayuu u imaan jiray guri carfaayo ilmo la wada agaasimay oo reyn reyn dhex joogo cuntadiisa oo diyaar ah, jimicsi iyo gacaliye lagu soo dhaweeyo.

Waxa uu is yiri: naagtu waaba qiyaanooleey actornimo ayaa u dheer oo qof fiyoow maba aha, asaga oo xanaaq bistiis ah ayuu ka dul dhacay, hadalna wuxuu uga billaabay intaas oo sanno ayaad isoo qiyaameysay wajigaaga saxdaaba maanta ayaan bartay ee ilmaha iiga dhex bax. Islaantii dhulka iyo cirka ayaa la wareegay dhirif ay tabcaan la noqotay garbasaarkeeda inta garabka saaratay kii ay nuujineysayna horay u sii xambaaratay ayey afartii kaloo waaweyneyd iyo odaygiina isaga dhex baxday.

Warkii naxdinta lahaa markii ay reerku heleen ergo ay soo direen bal dhanka ninkana in ay wax ka ogaadaan, hase ahaatee, labadii saaxiib ee dabkaan shiday ayaa u sheegay reerkii waayeelkooda in aan dhib jirin, lagana war sugo ayaga oo arrintaan xalkeeda aan bannaanka loo bixin gabartana guriga walidkeed ay sii joogto ilaa mar kale looga sii gogol fadhiisto. Sidii ayaana la iska qaatay. Ninkii odayga ahaa howshii guriga iyo ilmo heyntii ayuu ku kaliyoobay habeenkii koowaad wax uu la raftaba ilmihii oo hooyadood ka maqan tahay ooyin aan kala joojin ayaa waagu u baryay.

Subaxnimadii ayey u yimaadeen asiga oo cunugba mar la boodaayo mid uu indhaha u shito iyo mid uu ugu hanjabo hooyo soo noqon meyso haddii aad cuntada cuni weydo dayaca meesha ka muuqdo wasaqda guriga iwm. Waxay hadal uga billaabeen saacad baan ku kor taagneyn, waxaan cunno iyo waxaan cabno iska dhaaf ee waxa aad haleeli wayday inaad salaanta naga qaaddo ee ka warran qofka maalin walba howshaan haayo oo aan abaalka looga heyn?.

Waagaa ku baryay waxa uu xasuustay dooddii dhex martay berigii iyo in uu dabin galay garna looga joogay, balse, xeerada salkeeda la soo taabsiiyay, waxa uu ku yiri: Habeen iyo maalin baan habshaq iyo kalahaad igu dhacay oo shaqadeydii waan ka habsaamay howl gurina waxba kama tarin oo waa kaas aniga iyo carruurtiiba isku dul jabnay xaaskeygu doqon ma aheyn ee fariidad bay aheyd kan doqonka ah oo abaal laawaha ahna waa aniga. Wuxuu ka garaabay gefkii iyo gardarradii hore ee uu dumarka u geystay. Wuxuu ogaaday nolol aan dumar laheyn inay ka dhigan tahay nolol aan dhalan oo aanba jirin. Wuxuu garaawsaday nin kasta oo heer ka gaaray nolosha waxa ku garab galay hooyo iyo xaas. Wuxuu soo xasuustay maansadii abwaan Hadraawi ee oraneysay:

  • Haddaan guud haldhaaleey
  • Kolba gacan la saareyn
  • Ilaa gogosho wehel ma leh.

Nin kasta oo heer gaara waa mid qaba oori suubban. Nin kasta oo gablamana waa mid kaligiis garramay. Nin cirka genay iyo nin kaligiis garramayba ma gefaan ayey soomaalidu ku mahmaahdaa ee kaligeey ayaan garramay. Waan u gefay dumarka waxaanna siinayaa xaal marin. Waxaan u gefay xaaskeyga hadda ayaanna guri gal dhab u sammeynayaa ee mar ii doona haddii aan saaxibbo qaba. Runta ayaa isoo garbaduubtay, ka dibna isoo gole fadhiisisay. Waan ajarmay ee oorideydi ii doona. ”Hadalkii ugu dambeeyay afkiisa laga gunto ayaa sidaas ahaa.

”Nolol aan dumarku hoggaamin ma ahan mid hana qaad noqota”.

W/Q: Cabdulle Cabdi Kariim (Jallaato)

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN