RAJADII LUNTAY EE KAYF! W/Q: Farax Sh. Cabdirisaaq

RAJADII LUNTAY EE KAYF!

Goor sheegta wakhtiga afrikada bari waa 3:30 galabnimo, ammintaan waxaan kasoo kacay hurdo, salaaddii casar markii aan dukaday ayaan hoos u degay, si aan jawiga galabnimo u la soo qaato asxaab aanu shaqo wadaag nahay oo joogtay jardiin aan iga fogayn. Qaddar kooban, markii aan fadhiyay barxadda lagu nasto ee jardiinka, kuna mashquulsanahay sheekada asxaabta oo aan rabo inaan tiigsado koob biyo ah oo i hor yaallay, ayaan jalleecay telefoonka dhacaya, in aan qabto ayaan damcay, haddana mar kale ayaan si mug leh u dheehday cidda isoo wacaysa. Mise waaba number cusub; oo aanan garanayn, waanse qabtay, waa cod aan aqaanno. Way faraxsantahay waanay qoslaysaa, bariido iyo salaan dheer ka dib, waxaan in  cabbaar ah  wadaagnay is xog waraysi hoose oo dhan walba ah, hawlo badan oo aanu isla ogayn iyo hawlo cusubba waanu falanqaynay. Waxa aan is dul taagnay arrin gaar ah oo iyada khaas u ahayd, taas oo ahayd: dhamaystirka mid ka mid ah hadafyadeedii nolosha oo in muddo ahba soo socotay. Waa guurkeedii oo ay ayaamo koobani naga xigaan.

Waxaa aanu isla qorsheynay, dejinnay nidaamkii iyo hab raacii ku habboonaa. Waxaan isla meel dhignay goortii iyo goobtii ay ka dhici lahayd hawshu. Sidoo kale waxaanu xulannay, kooxdii ka shaqayn lahayd qaban-qaabada, si wax kastaaba ugu qabsoomaan agaasinkii aan ugu tala galnay.

Iyadu mar hore ayey kasoo amba baxday xaafaddii, markaan waxa ay joogtaa hadalkeeduna iga soo gaadhayaa, meel ay aad u jeceshahay in muddo ahna ay ku jirtay dhammaystirka  agabkiisa, meel kale maahaan ee waa: ”Hoygii ay ugu talo gashay inay ku qaadato mustaqbalkeeda”, waa aroos iyo caadadiiye waxay dhamaystir ku haysaa oo  gabo gabo u maraysa’ agabkii iyo sharraxaaddii guriga.

Waxa aanu isla hubinnay in shay waliba halkiisii yaallo , inkasta oo hawsha cid kale loo xil saaray haddana, iyadu waa qofkii lahaa hubinta howsheeda.  Iminka wax kastaaba way dhamaystiran yihiin. Iyaduna way ku qanacsantahay sida ay wax u socdaan. Samayntii kaadhadhka iyo nashqadayntii sawirrada arooska ayaanu muuqaallo qurxoon u doorannay, weliba si hindise gobeed ku ladhan yahay.

Wakhtigu, wuu ordayaa mise moodno in aanu daqiiqdo wada hadlaynay, si gacaltooyo leh ayaanu isu nabad gelyaynay, innaga oo isku faraxsanna waanu kala tagnay.  Waanu jeclayn in aanu ammin badan  oo intan ka badan wada qaadanno oo weliba kulan ah, balse, aadaankii maqrib ayaa hadalkayagii soo gaabiyay. Waa inoo berri iyo tu-san baanu ku kala hoyannay. Qof kastaana salaaddii maqrib buu dhankeeda  u kacay in uu dukado. Iyadu habeenkaa waxa ay ku dukatay gurigeedii oo sharraxan iyadoo ”laxaw daawanaysa”.

Anigu, iska danaystay hawlo ii yaalayna guda galay, waan faraxsanaa runtii. Aniga oo qoslaya ayaan niyadda uga duceeyay, waxa aanan sugi la’ahay berri’ iyo kulanka labadayada, waan jeclahay markay sidan oo kale wakhti’ iila qaadato mar walba. May ahayn qof hadalkeeda laga caajiso, farxadda iyo kaftankii na dhex maray ayuu wali qalbigaygi kasii sheekaysanayaa. Habeenkaas, waxa aan hurdo u dheelmaday aniga oo farxad ku hooshaaran,  way habboonayd inaan sidaa ku ledo, balse, LUR baa laylkii dhexe i tumaatiyay. Goor danbe oo saq badhkii ah ayaan baraarugay, waxa aan arkay wicitaanno 20 jeer ka badan. Waxaa kor iiga muuqday lambarro i soo wacay oo i haleeli waayay, intii aan laama doodsanaa  oo aan dheelalawsanaa, ayaan gacanta ku haabtay telefoonkaygii oo dhacayay!.

Goortan oo kale, haddii ay xaafaddii ku soo wacday waxa jira  dhib soo korodhay ayuu dareenkaygu u holaday: “hooyooy-hooyo way suuxday” ayaa hal mar dhegtayda hig ku tidhi: way hiin raagaysay markay hadalkaa heblaayo ii sheegtay. Aniga  oo jiifa ayaan naxdin la jareeyay, waan isla baraad la’aaye mar qudha ayuu wadnuhu i gariiray, habeen badhkii ayaan soo guureeyay, inaan gaadhi raaco waxaan ka door biday inaan cagta ku goombiyo, sidaas, ayeyna garashadu dan moodday. Intaan sii guclaynayay walaaca naftu igama uu go’ayn, talaabadaan gundhiyaba waxaan gorfeeyaa xaajada aan kala kulmi doono guriga aan ku socdo.

Ma aqaan goor aan xaafaddii gaadhaye, waxaan is ogaaday anoo dul taagan ruux aan jeclaa farxaddeeda iyo qosolkeeda, balse, aan sideedi hore ahayn. “Maxaa helay, walaashay” ayaan si qiiro leh iiga soo baxday. Layma jawaabin cid kastaana way iga sii jeedsatay, waxaan gartay jawiga aamusnaantu inuu jawaab iigu filan yahay, iina cabbiri karay in dhiillo culusi jirto.

Weli, waan xasuustaa iftiinkii wejigeeda ka muuqday,  “miyey huruddaa” ayaan niyadda iska idhi:  haa! xaqiiq way hurudday weliba mid aanay hore u seexan. Anoo sanqadha ka dhawraya ayaan u soo dhawaaday, waxaan ugu dhawaaqay magac kasta oo ay jeclayd in loogu yeedho, balse, ilamay hadlin! haa!  Hal marna xataa ilama ay hadlin, ka warran markaad maqli waydo codkii aad dunida ugu jeclayd, waxba ma qaban kartid! Qalbigana waad ka gubanaysaa, weliba iyadoon lagu dareemayn ayaad gubanaysaa.

Gacmahaygu, waxay ku dhiirradeen in ay taabtaan jidhkeedii aamusnaa, dhawr jeer ayaan dhan walba u rogay sidii qof dhibkayga dareemaysa ayaan cabbaar dul kuududsaday, inay i maqli waydo ama ila hadli waydo, kama aan xumayn. Balse, in ay ilmada iga tiri wayso ayaan ka tiiraanyooday, haddaan ooyo way ila ooyi jirtay iyadaana ahayd qofka keliya ee i aamusiin jirtay, balse, maanta kaligay ayaan ooyayaa, kolba codkeedi iyo hadalkeedii ugu danbeeyay ee ay i tidhaahdo ayaan soo gocdaa, cid aan ku ooyo iyo cid aan u ooyo ayey dadkii noqdeen.

Halkii dhakhtar iigu dhawayd ayaan ula cararay, meel walba waan la maray, weli rajaa igu jirta, meel kasta waxaan kala kulmaa weji gabax hungadu ima deeqo ee haddana hiyigu meel heblana gee buu igu qal qaaliyaa, mar dambe ayaa lay yidhi: iska dhig AAMINA Kayf WAY DHIMATAYE! Hal mar ayEy jidhiidhicadu tin iyo cidhib i roortay AXEEY AX, Wayeey way. Alla geeridu qaraara kolkaan oo kale. Maah maah khaldan ayaa odhan jirtay: (Geeridu qof aanad garanayn iyo geel jiray ku roontahay), balse, maanta iyadoo dhab ah ayaan arkaa, Ilaahay haw naxariisto walaashey AAMINA KAYF XASAN CILMI. May ahayn walaashay oo qudha, mana ay ahayn saaxiib keliya iyo qof aanu is fahamno, balse, waxa ay ii ahayd wax kasta oo qof loo yahay, waxaana ay ahayd farxad mar nala tusay.

Dhimataye miyay soo noqon? maya! maya! maya! soo noqon mayso.

  • Gacantaydi midigeey
  • Muran li’i niciimiyo
  • Dhex mushaax fardawsoo
  • Jannadii macaanayd
  • Rabbi kugu macsuunyoo
  • Guro midhaha raaxada
  • Kayfeey macbuudkuna
  • Magantiisa kaa yeel.

AAMIN AAMIN AAMIN YAA RABBI!

W/Q: Farax Sh. Cabdirisaaq

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN