Rajadii rumowday W/Q: Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

sawirka

Rajadii rumowday

 

Hooyo maryan waxa ay hooyo iyo aabe u tahay sadax caruura oo ay dhashay kuwaa oo aabahood ku dhintay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Saddaxdan wiil aabahood kagama uusan tagin wax dhaqaale ah oo reerka meel u yaala marka laga reebo guriga ay daganyihiin waayo waxa uu ahaa ganacsade xiligii ugu danbeeyay ku qasaaray ganacsigii.

Waagi uu noolaa reerka waxaa lagu tirin jiray dad nolol dhaxaada oo farxadi u dheertahay waxay ahaayeen reer isku faraxsan oo noloshooda marna buuq soo dhex galin oo xitaa markii uu odayga khasaaro galay maryan waxay gaday 2dhul oo dhaxal ahaan kaga soo hagaagay aabaheed iyo dahab uu u gatay saygeeda waaguu ladnaa taa ayaana keentay in axmed uu noqdo qof aanan wax dayna lagu lahayn reerkuna farxadooda iyo wada qaybsiga nololeed ay sii socoto ilaa lasoo gaaray maalintii axmed dunida ka tagi lahaa.

Dhimashada axmed waxay maryan kala dhigneed sidi qof laga damiyay faynuus uu ku ifsanayay Aqal mugdiya oo uu ku jiray xili gudcura waxa ay fahantay oo alle waafajiyay in qolkaa mugdiga ee ay ku jirto ay tahay inay ka dhex raadiso mustaqbalka sadaxda caruur ee kan ugu hooseeya Fasalka labaad dhigto,

Axmed kagama tagin marya iyo caruurteeda marka laga reebo guriga ay ka dagaanaayeen Caasimada dalka hooyo kaa oo ku diiwaangashnaa magaca xaaskiisa uu dunida ugu jeclaa.

Feker dheer kadib maryam waxaa usoo baxday inay waajib kutahay inay askunto nolol cusub oo aan wehel iyo arxan toona lahayn waxayna ku fekertay si noloshan cusub gogol dhigeeda ugu guuleysato inay ka guurto caasimada hooyo oo ay u guurto dagmo kamida kuwa dalka si nolosheeda ay u noqoto mid iskaafisa.

waxa ay maryan ku dhaaratay inaysan nin danbe guursan odaygeedi kadib madama ay aad u jecleyd waxaana laga hayaa inay tiri “Booski uu ka baxay axmed ma umaleynayo inay raga dunida oo idil haday isu yimaadaan buuxin karaan”

Waxay isugu wacday ciyaalkeedii oo kan u weyn uu yahay 11jir halka kan uyarna uu ahaa 7jir waxayna tiri “Ilmaheygoow aabihiin waa naga tagay wuxuuna nooga tagay alle, kasokowna gurigan aynu ku jirno kaliya, hadii aabihiin uu gacanta ku haysan lahaa waqtiga uu dhimanayo wuxuu dib u dhigan lahaa geeridiisa si uu idiin gaarsiiyo guusha ugu weyn ee qofkasta oo waalida fisho taa oo ah inuu arko ciyaalkiisa oo jaamacad ka baxay waxna qabsanaya oo bulshada wax kusoo siyaadinaya balse eebe ayaa doortay oo inaga waday markastana waxaa khayr badan waxa uu alle u dooray aabihiin anigase waxaan ku dhabar adeygi doonaa rajadii aabihiin idinka lahaa inay rumowdo, waxaan wiilasheydoow isugu kiin wacay caawaa inaan idin ogeysiiyo inaan gadi doono gurigan oo aan ka leenahay hanti madama hantida gurigan ay tahay mid kaliya ee aan maanta wax ku bilaabi karno waa inaan nolosheena ku samata bixinaa qarashka gurigan aan ka helno, waxaan u guuri doonaa dagmada qoryooley oo aan ku aasaasi doono nolol farxadeed oo u dhaxaysa hooyo iyo wiilasheed taa oo ka maran xasuus aan soo marnay maxaa yeelay dadka ku xayirma xeyndaabka xasuuseed waa kuwo aanan marnaba isku dayin inay hore u dhaqaaqaan.

Curadkii hooyo maryan oo maqlayay erayada ay hooyadii kula hadleysay islamarkaana si dhab ah u dareemayay ujeedka hooyadii ayaa istaagay oo ka dhuunkaday sujuuda habna siiyay isagoo ilintu ka tifqeyso halka labadii kale ee la dhalatayna ay kadaba kaceen oo ay dhinacyada isaga duubeen.

Maryan iyadoo muujinaysa adeyga ay leedahay hooyada soomaaliyeed ayey indhaha isku qabatay islamarkaana gacmahana ku qabsatay labadi yaraa ee garbaheeda ku tiirsanaa halka kan weyna sidii uu hab usiiyay ku maqanyahay iyadoo ilmeynaysa ayeyna tiri allahayoow igaarsii Maalin aan la’ilmeeyo Rumowga riyada aan manta ku fekerayo.

Hooyo maryan waxa ay gaday gurigii una gurtay qoryooley iyadoo askuntay noloshii ay ku haminaysay mid ka qurux badan. Waxa ay barbaarisay sadax wiil oo aanan dareemin cidlada uu aabahood kaga tagay sidoo kalena aanan ubaahan booska adeerku u buuxiyo caruurta marka aabahood dhinto wallow aysan adeero lahayn.

Farxaan waa guri danbeyskii hooyo Maryan wuxuu ka qalin jabiyay darajada labaad ee jaamacada, wuxuu bartay cilmiga injineerinka oo uu ka qaatay jaamacad ku taala dalka suudaan, waxa uu isaga kaligii xajka u kexeeyay hooyadii afar jeer halka sanadkana uu yahay markii shanaad ee ay isu raaci doonaan xajka. Cabdullaahi wuxuu furay isna iskuul lagu xanaaneeyo caruurta agoonta oo sadaqo kaga dhigay aabihii waxaana qayb ka bixiya hay’ad uu leeyahay curadka reerkooda.

 

W/Q: Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

Mohamedsheikh001@gmail.com

SHEEKOOYIN