REER AW-QATAATO QADDIYADDOODU WAA MID W/Q: Sagal Jaamac Maxamed ”Qarandoon Dhiirran”.

13228034_499062260304617_1150944888_n

REER AW-QATAATO QADDIYADDOODU WAA MID.

Runta ninna kama nixiso, waxaa la gaaray xilliga aan middeyn lahaa qoyskeyga, magaceyga iyo muunaddeydana aan dib usoo nooleyn lahaa”! Aw-qataato oo is ciilkaambinayo ayaa si lama filaan ah kor ugu dhawaaqay erayadaas tiiraanyada leh. Inta hadalka uu sii watay buu yiri, ”Maanta haddii aan iska indhasaabo kala daadsanaantooda, daryeel xumadooda iyo isku damqasho la´aantooda waxaa lumeyso jiritaankooda, waxayna qarrka u saaranyihiin inay dabargo`aan, magacooduna ka masaxmo sooyaalka bulshadda ay la noolyihiin ”.
Dhawaaqaas waxaa ku soo baraarugay xaasaskiisa iyo carruurtiisa, dhalanteed ayey la noqotay in weedhaas uu yiri , waxa ay si kajin ah hoos iskugu yiraahdeen, ”Toloow cantatabnimo waxaan wey dhaaftaye cajuuska ma tiisaa timid?”.
In muddo ah loo gama baran in adoygu taliyo, waayo wuxuu noqday hawlgab ay dantu badday in meel cidlo ah uu iska aallo.
Dheef kuma qabaan mar hadduusan soo kordhineyn qorshe la taaban karo oo miro dhal leh, sare na u qaadeysa xadaarinimadooda iyo hantida ay heleen markuu duqoobay kadib.
Wuxuu hiigsanayaa meel dheer , waxaana u muuqdo aafo aysan iyaggu arkeynin, waxaa ku weyn qaddiyadda reerkiisa taa soo uu rumeysanyahay in ay tahay lagama-gor-gortamaan. Kama se daalin in cod dheer iyo mid gaabanba uu ku gudbiyo aragtidiisa fog, ugu dambeynna wuxuu ku qanciyay inay iskuugu yimaadaan geedka ay derintu u hoos taalay, halkaas oo uu ku heysto Bakooradduu cuskanayey, rikoor yar, iyo buraashadii weysadu ugu jirtay.
Dhoolatus ayeey ka aheyd imaaditaankooda waayo waxaa uu ugu yeeraayo waxaa kala weyn waxa ay isku heystaan oo is hardinta iyo loollanka dheer ugu jireen waayahaanba.
Xaasaskiisa waxay si gaar ah midba horay u summadatay hantida reerka bar ka mid ah haba kala badsadaane, waxa ay iskuugu faanaan dahabka iyo waxyaalaha kale ee qaysku qurxiyo oo dhammaantood ay foolka ilaa farta fiideeda ku xardhadeen balse aan wax qiimo ah ugu fadhin adeegsigiisa. Marka aad u dhabbo geshid, loollankoodu waxa uu ku qotamaa kaliya hantigoosad iyo inaysan wadaagin talada, maareynta, maamulidda iyo wada korsashada ubadkooda.
Xamxam iyo hoos u gunuunac badan ayaa ka dhex guuxayay dumarka, weyse ku qasbanaayeen in ay dhageystaan seygooda laga yaabo in aysan fursad damboo ay ku kulmaan aduunka korkiisa isku helin.
Odaygii baa hadalka ku bilaabay duco sida caadada u ahaan jirtay, kadibna waxa uu galay in uu dib u yara milicsado samannadii samaa, raggu waaguu rag ahaa, laba xiniinyood aanan hadalka lagu soo celin oo loogu yeeri jiray deeq, dirac, aar iyo erayo kale oo badan kana tarjumayo hawlkarnimadiisa, waxa uu galay iyo waxa uu gooyayba.
Inta bakooraddiisii dhulka ku xarxariiqay asagga oo is xariifinayo buu ku yiri , ”Yaa ii sheegi karo ujeedka aan ka leeyahay kulankeenaan?”.
Iyagga oo is qoorqooraansanaayo ayey si xishood iyo argagax ku jirto ula soo boodeen, ”Waad dardaarmi rabtaa shoow!” , carruurtuna uma war hayaan riwaayadda ka socoto meesha bilowgeeda balse way xiiseynayaan inay ogaadaan weliba u daawadaan si miir leh, qeybta qabyada ahna u dhammaystiraan.
Qosol-gariir inta ku dhuftay buu yiri ” Kix! Kix! Kix! Alloow nimaan wax ogeynoow haku cadaabin, anigu soo dhaqay una tabcay inta aan awoodday waxase i gubayo waa aayahooda iyo duufaanada ku soo wajahan ee aysan dareensaneyn. Dhib waxaa iigu filan dhalaankaan ay dhabaha ka dhuminayaan waana faca aan ku xisaabtamayo.
Wuxuu ku yiri i amaahiya dhagahiina, dhuuxa oo dhugna u yeesha dhambaalka aan idin kaga wado ruux idinku hayo rubadda had iyo goorna ku hawlan toosinta hanaankiina nololeed, waxa aad tihiin hal reer, wax soosaarkiina, hab fikirkiina iyo dhaqankiina dhammaan waa inay ka duulayaan hal garoon iskuguna biyo shubanayaan hal tog. Ogoow sharafteyda adinka un baa ilaalin karo, haddii aad kala irdhawdaan ogaada waa ii hoog, haddii aad bulaashaan barwaaqana ku nagaataan waa ii bishaaro. Sidaa awgeed waxa aad kala tabaneysaan ka soo qaada xalay-dhalay oo kale, waayo waxa aad ku kala gedisantihiin waxaa ka badan waxa aad ka mideysantihiin.
Carruurteyda hooyooyinkoodoow isbarbardhig ku sameeya saameyn intee la eg bay leedahay in aad ka doorbidaan danahiina gaarka ah tan good ee cidda, idinkuna carruurteydiyeey aayahiina wuxuu ku jiraa farahiina, haddaad kala baho-bahowdaan ogaada habardugaagaad wehel ka jirin doontaan, ee markasta u dhaqaaqa dhanka san.
Gorgortan innaba hagalinina waxa aad tihiin, wixii intaa dhaafsiisanna si wadda jir ah uga xaajooda.
Aw-qataata oo kale ma laga helayaa Soomaalida maanta jirta?
Jiritaankaaga ood ogtahay waxa ay gogolxaar utahay dhawrista qaddiyaddaada , taas oo kugu hogaamineyso gees u soocista wax yaalaha lama taabtaanka kuu ah. Qadiyadda Soomaaliddu waa mid kali ah; aqoonsigoodu waa Soomaalinimo.

W/Q: Sagal Jaamac Maxamed ”Qarandoon Dhiirran”.

SHEEKOOYIN