RIYADEYDA WALI MA RUMOOBIN! Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

Nor1

RIYADEYDA WALI MA RUMOOBIN!

 

Qofku marka uu riyo leeyahay waxey la mid tahay in uu leeyahay Rajo oo uu wax uun tuhmayo waxna sugayo, rajana uu ka qabo waxaas uu ku riyoonayo in ay mar uun soo dhawaan doonaan ama soo muuqan doonaan.

Riyada sideedaba waa mid qayba badan oo dhinicii la rabo la cuskin karo, waxaa jira riyooyin badan oo kuu ifitiimaya mustaqbalka iyo damaca naftaada, waxaa kaloo jira riyooyin soo boodda ah oo markaas iskaga kaa soo dhaco meeshana ku eg oo macna sidaas ah aan kuu sii lahayn.

Riyada aan ka hadlayase ayaa waxey tahay midda saameynta kugu yeelata marka aad ka kacdidi hurdadeeda ka fakarkeedana uu dib kuugu bilowda iyada oo laga yaabo in maalintaas oo dhan aysan maankaaga ama qalbigaaga ka go’in, kugna sii abuurta rajo iyo dulqaad aad u yeelato wax aad sugayso.

Qof walba oo Aadana ah wuu riyoodaa, sida aan u kala duwanahay ayaana loogu kala duwan yahay riyooyinka aan riyoono qof walbana wuxuu riyoodaa inta uu hankiisu la eg yahay, taas oo macna ahaan haddaan sii qeexo aan u dhigi lahaa in sida loo kala fakar dheer yahay, loona kala damac badan yahay, loo sii kala riya badan yahay, loona sii kala riya dheer yahay.

Waa laga yaabaa in qaybtan kore ee qoraalka marka aad aqriso aad dhowr su’aalood is waydiiso oo ku saabsan riyada uu ka hadalyo Qoraaga maxey tahay? wax kale ma ahan riyada aan ka hadlayo wax sal iyo raad toona kuma lahan dhanka shahwada, oo idinma dhihi doono maanta gabar qurux badan ayaan arkay, sida ay arageeda iyo muuqeeda uu iiga dhax baxay ayey hadana hurdada xalay iigu timid, intaas waa iga kaftan aan doonayey in aan dareenkiina aqriska ku amaahdo.

Riyada aan leeyahay waa mid baaxaddeedu weyntahay, waa laga yaabaa in ay jireen dad sideyda oo kale u riyoon jiray una jeclaa in riyadooda oo rumowda ay arkaan hadana uu waqtigu u diiday oo iyaga oo sidii wali u sugaya riyadooda ay ka hayaameen dunidan.

Dadku isku riyo maahan waa laga yaabaa in dad badan riyadooda ay u rumowday ayaga oo nool, dad badana ay wali sugayaan oo uusan ka dhamaan hammiga sugashada iyo rajada ay ka qabaan in ay rumowdo riyadooda quruxda badan ee marka ay habeenkii dunida ka qabsadaan indhaha dhex mushaaxa dunida kale ee ay riyadooda ugu deeqdo.

Anigu waxaan ka mid ahay dadka uu nasiibkoodu noqday in ay wax badan sugaan rumoobidda riyadooda, hadana laga yaabo in aysan calfan oo aysan dhaayaha ka qaadin riyada ay leeyihiin in ay dhab u arkaan, nasiib wanaagse waxaan isku qanciyaa in calafkayga uu sidan noqday, lagana yaabo dib u dhaca dhaaya ka qaadidda riyadayda in ay khayr tahay.

Mararka qaarna marka aan sidaa u jalceedo oo aan xoogaa yara milicsado kooxo badan oo aan aqoon u leeyahay oo riyadooda ay rumowday ayaan hadana waxaan iskula hadlaaa oo isku qanciyaa in ay ii kheyr roonayd in riyadayda aysan soo dag dagin marba haddii ay u muuqan doonto sida kuwa aan arkey.

Kuwaas aan ka deyrinayo kuwa kala maahan waa kuwa maanta hogaanka inoo ah ee waligood ku hammin jiray in ay mar uun arkaan ayaga oo ku magacaaban xilalka aan xalaasha ahayn ee ay maanta la xaragoonayaan.

Waa nasiib darro runtii adiga oo muddo riyoonayey hadana riyadaada ay noqoto mid han gaaban naftaada xitaa aan macna u lahayn, iskaba daa kuwa nolol ahaan kugu hareereysan ee nolosha kula qaybsado ha ahaadaan kuwa kuu dhaxo ama aad u dhaxdid iyo kuwa dheecaankaaga ah iyo kuwa xididka kula ahba.

Saacad walba waa riyoodaa laga soo bilaabo maalintii aan ogaaday in markan wixii ka dambeeya aan Wiilnimo ka baxay oo Nin magiciisa aan qaatay, is baddal badan oo naftayda ahna uu igu dhacay.

Runtii waxaan dareemay maalintaa in markan uu I saaran yahay Xil aad u weyn oo dhinac walba ah, riyada aan riyoonayana aysan noqon riyo ku kooban naftayda ee marka aan riyoonayo aan u riyoodo inta igu issirka ah ee ay nafta, diinta iyo ciiddaba na mideysay, waa ehelkayga Soomaaliyeed waxa aan ka hadlayo.

Riyadayda waxey ku bilaabatay dadkayga oo nabad buuxda helay, Xoolaha aan iska dhicin, Deegaan aan isku ciriirin, Baraagaha biyaha la qoto oo si dadnimo ku jirta u wadaaga, ugana wada aroorsada Xoolaha.

Riyadeyda waa sii gudubtoo waxey I tustay dadkayga oo ka baxay wax la dhaho qabiilaysiga, qof walbana uu gartay in waxa koowaad ee qiimaha leh ay tahay walaalnimada kala duwnaanta dhaqanka iyo fikirkaba halkooda ha ahaadaan.

Riyadyda waxey I tustay in dadkayga oo dhanka aqoonta ka dhisan oo garan kara waxa macnaha iyo qiimaha u leh iyo waxa aan qiimaha u lahayn ee macna la’aanta ah sida dhiiga qofka soomaaliga ah qiimaha uu leeyahay, waxyaabaha kale ee kasoo haro sida deegaan lagu diriro magacyo beeleed oo lala baxo aysan ahayn waxa maslaxadda noloshoodu ku jirta.

Riyadeyda waxaa la igu tusay in qaraabada wanaagsan ama beesha wanaagsan ay tahay midda isku kaalmeysata quudinta masaakiintooda iskagana digta daadinta dhiigooda iyo dhiiga dadka kalaba, waxaa kaloo intaas ii sii dheerayd in beesha wanaagsan ay tahay midda uu qiimaha la leeyahay wiilkooda ama gabadhooda inta uu dagaal ama meel aan macna lahayn uga dhiman lahaana ay ka door bidaan ayaga oo ka hayaama dhulka ay duruufahaas ku qasbsadeen.

Riyadeyda waxey I tustay in hogaanka soomaalida oo si caddaalad ku jirta iskula xisaabtama muhiimadda koowaadna siiya qofka soomaaliga ah maslaxaddiisa, dastuurka waddankana lagu qoray in qofka soomaaliga ah qof ku qiima ah uusan jirin marka ay timaado siinta mudnaanta koowaad, xaga xaq sooridda dadkana ay noqoto mid caddaaladeysan, iyada oo qof walba la siinayo waxa uu mudan yahay xaq ahaan oo aan loo eegin diintiisa iyo dhalashadiisa toona.

Riyadeydu waxey I tustay dadkayga oo ka xor ah Mabaadii’da iyo Afkaaraha dadka kale, qaabka ay noloshooda u hagi lahaayeena ay iyagu go’aansadaan, iskana saamaxaan wixii horey uga dhacay oo dhibaato ahaa.

Riyadeydu waxey I tustay in si wada jir ah loogu midoobay cirib tirka cudurkan na daashadey ee qabyaaladda ah, qof walbana uu garowsaday dhibaatada ay ina dhaxalsiisay qabyaaladda iyo qalalaasaheeda.

Riyadeyda waxey I tustay inaga oo ka mid ah Waddamada Caalamka ugu qanisan, dadkeenana ay noqdeen dadka ugu wanaagsan dunida, dhulkeenana uu noqday dhulka loo soo doonto ilbaxnimada, cilimiga, iyo Casirga noloshaba.

Riyadeydu waa mid fara badan oo qalinkan aan kusoo koobi Karin, ha yeeshee waxaan lahaa hammi sare oo waligey aan ku hammin jiray kaas oo ah, in mar uun ay riyadeyda rumowdo, walise waan sugayaa run noqoshada riyada aan leeyahay.

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN