RIYADII QALBIGA RUXDAY! W/Q: Cabdulle Cabdikariim (Abka Jallaato)

Waxaan watay gaari weyn oo kuwa xamuulka qaado ah, waxa saaran agab caafimaad oo aan u wado Dalka Spain labo dumar ah oo midna Spanish tahay midna English tahay ayaa ila socda, haddii aan samo tagno waxay ku dhufanayaan faa’iido £500.000. Qiyaastii 14 maalin ayaan jid dheere sii heyn doonaa oo waddan ba mar dhaafi doonaa ma aha markii iigu horreysay oo dhowr mar oo hore ayaan tegay oo soo noqodka  diyaarad baan soo raaci jiray, shixmadda markii lagu rogo inta gaariga beec looga helayo bacaad iyo qorraxda ayaan ku gal-galan jiray anoo ka shinsanaayo inaan xeebta Liido joogo hadda wax ay ku kala duwan yihiin ma jirto aanan ka aheyn nidaamka.


Habeenkii koowaad ayaan ku hoyannay meel aan ka fogeyn London oo Dover port ku dhow waa Hotel weyn oo meel howd ah ku dhax yaal oo loogu talo galay dadka safarrada dhaadheer iyo dadka buuqa magaooyinka ka soo yaacay. Qof walba qolkiisa ayuu ku xarooday isla markiiba waxaan kala furtay laptops keygii si aan wacaalka cusub iyo waayaha adduunka aan wax uga ogaado waxaa indhaheygu qabteen maqaal aad ii soo jiitay oo yaab iyo amakaag igu noqday Soomaaliya oo mashiinno noocooda aan horay loo arag ugu deeqday dalalka reer galbeedka. Cir bixiyeenno soomaali ah oo war bixin kasoo saaray dhagax laga cabsi qabay inuu dunida burburiyo. Khubarro Soomaaliyeed oo Bijiing China siminaar ugu soo xiray Jabban iyo South korian, magaalo madaxda muqdisho oo loo aqoonsaday magaalo madaxdii adduunka, hey’adaha qaxootiga ee Soomaaliya ayaa qaabbilay 1.000.000 oo ruux sannadkii tegay, sannadkan qiyaastii ku dhawaad 2 million ayaa la diiwaan galiyay una badan dalalka Carabta iyo reer Galbeedka.


Is maamulka Oromiya oo loo aqoonsaday in ay soomaaliya ka mid yihiin.Tirada Soomaalida o lagu qiyaasayo 250 million. Keenya oo codsatay dal weynaha Soomaaliya in ay ka mid noqoto. Ciidanka difaaca Qaranka xoogga dalka soomaaliya oo fadhigiisu waqooyi Galbeed yahay ayaa tijaabiyay madaxyada Nugleerka xambaara oo aan noocooda horay loo arkin. Ciidanka badda ee fadhigoodu yahay Sokatra Gaardafuul  oo dhoola tus military magaalada Musawac ee dalka Eritrea kusoo bandhigay. Anigoo weli aan dhinaca dhulka dhigin ee maqaalladii kan fur kan aqri ku dhex rafanaayo ee adduunka dhan waxa uu ka hadlayaa Soomaaliya ayaa saacadda igu dhawaaqday  wiiq wiiq ma anigaaba seexday. Waa soo xirxirtay si aan safarkeyga u sii wato labadii hablood wajigoodii waa ka baddalan yahay kii hore farxad iyo is muujis aan horay uga baran  saddexdii maalin ee lasoo dhaafay, ayaan ka dareemay illeyn shaqo iyo kala orod ayaa lagu jiray inyar oo aan kala war qaadnay baan u sheegay shalay inaan soomaali ahay iyaguna isku key sheegeen  intaa ka badan sheekadu waxa ay aheyd Coronavirus  qasaaraha iyo faa’iidooyinkiisa la kala dhaxli doono iyo sida dowlado badan uu ula hari doono iyo dowlado horay aan xisaabka ugu jirin oo deeqaha United Nations ka ku noolaan jiray, oo dar dar la soo bixi doona, dhaqaalaha Mareykanka oo dhulka gali doono isagoo markaa 50 ka state ay mid walba gooni u goosad ku dhawaaqi doonto iyo waxyaabo badan oo la mid ah.


Si kastaba arrinku ha ahaadee markii aan soo dhaqaaqnay, dhulku weli waa mugddi oo waagu si fiican uma beryin ayaan ku imid gaari Boolis ah oo shil galay nin iyo naag ayaa saaran dhaawac halis ahna uu gaaray,  gurmad deg deg ah ayaan u fidinnay aniga iyo labadii hablood. Dadku isma yaqaan seddexdeenna waxaan nahay dad taqaatiirnimo ku soo shaqeeyay si taxaddir leh baan dibadda ugu soo bixinnay qolyihii gargaarka waan u yeernay. Gabadha ayaa aad u darneyd oo dhiiggu falaqleynayay  labadii hablood baa ka howl galay anigana ninkii baan ka howl galay. Markiiba waxaa inoo yimid gaadiidka gurmadka ah oo dab damis  weyn yahay, labadoodii markiiba la dafay. Ninkii booliska madaxda u ahaa ayaa noo mahad celiyay waxa uu aad ula yaabay dad shacab ah oo haddana qalab caafimaad nooc kasta watay waayo labadooda haddii aan ogsajiin aan wadan laheyn ma badbaadeen. Magacyadeenna ayuu na weyddiiyay gabadhii English aheyd waxa ay tiri: magaceygu  waa Ditooreesa Angela hobkinson hal mar ayaan wada eegnay, tii kale ayaa tiri: Ditooreesa Delfino Antonio maxaa yaab is daba yaal  aniga ayaa soo haray Dr Cabdulle Abka. Ninkii Police ka ahaa aad ayuu u gartay dad kaaftama in aysan meesha joogin waxa uu amray afar gaari oo na galbisa horay iyo gadaal waxa uu Telephone kula sii hadlay qolyaha wariyasha uu u sheegay wixii dhacay in ay labadii askari badqabaan. Markii aan Dover tagnay waxaa safan wariyayaal adduunka kala socda qaar ay  hawada soo mareen dadweyne fara badan madaxdii booliska waan soo degnay seddexdeennii waxaa nala guddonsiiyay bilad sharaf geesinimo.

Aniga waxa aan sugi la’ahay inaan kansho u helo in aan dadkeygii la hadlo niyadda baan iska hiifayaa oo aan leeyahay tolow ma Qowmul kaaf ayaad noqotay waxaan oo hurumar ah markii uu dalku gaaraayay halkeed ku maqneyd, anigoo weli maqane jooge ah waxaa iigu darneyd markii askarigii koow aan la kulanay i weyddiiyay Shixnadda aan sidno nooceeda? markii aan u sheegay uu igu yiri: cudurkaas dunida waa laga suuliyay 10 sanno ka hor waa ila noqon weyday anigoon is ogeyn baan ku iri: Oo tobanka sanno xaggeey iiga luntay sidaa baan u soo taagnaaye. War bal amuurtaan eega  waaga si fiican ayuu soo iftiimiyaa cirka waa buluug nalaku waa sii nuxuusayaan waxaa qarinaya iftiinka cadceedda qoraxda oo fallaaraheedii soo muuqdaan  godka ayey si quman afka ugala soo baxeysay si toos ah ayey indhaha iiga dhaceysay anigoo farxad ka muusoobaya ayaan indhaha kala qaaday saa waa anigoo rabtaan xalay ku dhacay jiifa shaki baa i galay run iyo riyo midkaan dhex jibaaxayo ilaa iyo hadda runta ayaan is diidsiinayaa waxaan ku guda jiraa weli halistii Karoonaha iyo kala gurashadii Allow Qaaddir Allow adigey waxba kugu aheybe riyadeyda ii rumeey waa bil ramadaan idinkuna ducada badiya in aan gunnimadaan iyo gacmo hoorsiga shisheeyaha ka baxno oo irsaaqadda Alle na siiyay aan wadajir uga faa’iideysano iyadaa naga badane.
Soomaaliya ha noolaato


W/Q: Cabdulle Cabdi kariim (Abka Jallaato)

laashin77@gmail.com


SHEEKOOYIN