Riyadii Rumawday! Q3AAD W/Q; Maryan Ibraahin Cali

pizap.com14702537995151

Riyadii Rumawday! (qeybtii 3aad)
——————————————

Waxaan imid xaafaddeyda xilli duhurradii ah. Sidii caadada ii ahayd, waan seexday, si jawiga aan u dejisto, maskaxduna u nasato. Waqti kooban ka dib, waan toosay, aniga oo mooda in hurdadii la iga toosiyay. Waxaan ku soo toosay saaxiibtay Faaduma oo i dul taaggan, oo ileh; “naa Moobeelkaaga gacanta sida loo soo wacaayey waa lagu gu soo daalay, ee ka jawaab wicitaanka. Lanbar aadan horay u arag ayaa ku gu soo waashay”.

“Mahadsanid saxiib” a.yaan ugu war celiyay. Si degdeg ah ayaan moobelkeygii u soo qabsaday, aniga oo eegeya moobelka, si hoosana isu la warramayo, ayaan iri; “Faarax dhoWr jeer ayuu ku soo wacay, ma wacdaa ma iska deysaa?!  Markaas ayaan is iri “wac”. Kolkii aan lanbarkiisa garaacay, intuusan dhicin ayaan damiyay, cabsi baas ayaa igu jirtay, anigoo sidii isula hadlaya, ayuu Faarax i soo wacay. Waxaan iska raadiyay geesinimo, mobelkii ayaan qabtay, aniga oo tamar is ka raadinaya.

“Hello, Sahra galab wanaagsan abbaayo. Maanta aad ayaad u daallaneyd, waxaan filayaa in aad hadda nasatay”.

” Haa walAal Faarax, galab cuddoon, aadbaan u ladanahay. Haatan waan daal dhigay, oo waan yara seexday” ayaan ku iri. Salaan iyo kaftan yar ka dib, wuxuu billaabay in uu iskey baro, oo uu ii ga sheekeeyo nolashiisa, taariiqihiisi hore, yaraantiisii, iyo waxbarashadiisa. Wali fursad aanku hadlo ima siinnin, isaga uun baan dhageysanayey. Saaxiibtay Faaduma oo waqti badan ka dib qolka soo gashay ayaa aragtay in aan wali Taleefankii ku hadlayo. Intay qeylisay, ayey tiri; “war badanaa! Ninkii saakay kan ayaaba ka daran, isaga oo marti ah, ha i soo marin!!” ayey tiri. Anna ka maba waalin waan qoslay uun, illeen Faleenbo ka macaan hadalkeeda ayaa igu socotee.

Faarax ayaa Faaduma codkeeda inta maqlay igu dhahay; “hal mar abbaayo waxay rabto u sameey Sahraay, waaan ku sugayaaye. Alla wiilku caqli badanaa! AnigA oo la hadlin ayuuba ifahmaayaa. faaduma dantay iga laheyd ayaan u fuliyay. Taleefankii ayaan horay ka soo qabsaday, wali khadka ayuu ku jiraa. Sheekadii ayuu halkeedii ii ga sii waday. Waqtigaas tirada badan ee aan la qaatay Faarax wuxuu ahaa waqtigii ugu badnaa ii guna  farxadda badnaa ee aan ebid nin la qaato.

Waxaa la gaaray Salaadda Maqrib, markaas ayuu igu yiri; “walaal Sahraaay waan soo dukanaayaa, waanku soo wici doonaa, waan ku faraxsanahay waqtiga aan kula qaatay, in badanna sheekadaada waan u xiisi doonaa, kulanti danbo oo xiisa leh”.

“Si la mid ah walaal Faarax” ayaan  ugu jawaabay, saas ayaana isku maca salaameynay. Markuu uu khadka taleefoonka sidaas uga sii baxaayey ayaan durbadiiba cidlo iyo kalinimo dareemey. Cajiib!! Hadda unbaan bartee goormuu sidaan dhan muhiim ii gu noqday tollow?! Sidaas aan aniga u daneynayo miyuu ii daneynayaa?!” Dabcan haa, wuu i daneynayaa, haduusan dan iga laheyn miyuu inta i soo waco, waqtigaas oo idil ila hadli lahaay, oo nolashiisana iiga sheekeyn lahaa, waliba isagoo ku faraxsan?!

Maalmo ayaan sidii u sheekeysanaynay. Aad ayaan isku fahannay, heer waxaan gaarnay markii danbe uusan midkeen kan kale moogaan karin waqti badan.  Waxaan isku noqonnay ul iyo diirkeeda. Qalbigayga wax badan ayaa ka dhex guuxaya. Su’aalo badan ayaan is weydiinaayaa. Waxaan mar walbo ku hanweynahay xiriirkaan aniga iyo isaga naga dhaxeeyo in uu isu beddello xiriir jacayl. Waxaan sawirtay walaaltanimadeenna oo isu rogtay jacayl baaxad ballaaran. Anigu waan hubay Faarax in uu i jecelyahay, si la mid ah sida aan aniga u jeclahay, balse, cabsi ayaa nagu kala dhex jirta.

Waxa ugu badan ee aan sugayey ayaa ah Faarax afkiisa in aan ka maqlo ereyo ka baxsan kuwa walaaltanimada xambaarsan. Faarax qudhiisa walwal ayaa ku jira oo waaan dareemaayaa. Waqti walba in uu wax ii sheego ayuu rabaa, haddana ha sheegin, waxbo ii ma sheegaayo. Allow na saacid!

Waxaan sidaas u sheekeysannaba, maalmo ka dib wuxuu iga codsaday in aan is aragno, hadday suurtagal tahay. Waxaan u sheegey in aysan wax dhib ah ku jirin in aan la kulmo, waana ka aqbalay. Maalintii xigtay waqti Duhur ah aniga oo sariirteyda jiifa oo hurdo isu diyaarinaya ayuu i soo garaacay Faarax, moobeylkii ayaan ka jawaabay. Salaan iyo is wareysi ka dib, wuxuu igu yiri; “galabta makuu imaan karaaa?” “Yaaah! Maxaa dhahday faarax?!” ayaan ku iri, niga oo faraxsan misna maqlay waxa uu i dhahayay. Waan rumeysan waayey. Waxaan is iri; malaha Sahraay waad riyooneysaa!

“abbaayo galabta makuu imaan karaa?” ayaan ku dhahay Sahra, ee ma i maqashaa? “haa, waad ii imaan kartaa abboowe” “Mahadsanid abbaayo waa inoo galabta ee macsalaamo” ayuu igu  yiri;..

W/Q; Maryan Ibraahin Cali
La soco qeybta 4-aad-

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.