Riyadii Rumowday! ( Qeybta 2aad)
——————————————–
Aniga oo jecleyn in uu iga tago ayaan is macasalaameynay, isaga xitaa wuu bixi waayey, oo labadeenaba wax baad moodaa meesha aan taaganahay inay nagu celinaayaan oo waan dhaqaajin kari wayney
Waan u soo dhaqaajiyay dhankii jaamacadda. Markaan cabbaar socday ayaan gadaal soo jaleecey, mise waa Faarax, oo sidiisii u taaggan oo aan dhaqaaajin, misna i soo eegaya. Intaan si hoose iskula hadlay, ayaan iri;
” ileyn kali kugu ma ahan dareenku oo wuu kula qabaa. Xariif dheh! Eegmo kululaa! Socodkii ayuuba iga lumiyayee!”
Maalin taas wey ii ga duwaneyd maalmihii kale. Mar waan faraxsanaa, waxaana ku faraxsanaa barashada Faarax, marna si baan u naxsanaa, oo wadna garaac badan ayaan dareemaayey. Ma garan karo sababta keentay wadna garaacaas tirada badan!
Waxaan u fariistay imtixaankii jaamacadda. Imtixaankaas oo ahaa kii ii gu danbeeyey oo aan jaamacadda kaga bixi lahaa. Jawiga imtixaanku wuxuu ii ahaa jawi farxadeed. Waqtigii imtixaanka ayaa la gaaray. Warqaddii ayaa la i soo hordhigay, mise waxaaba warqaddii ii ga dhex muuqda wajigii cadceedda la moodaayey ee Faarax. Waxaa dhegehayga kasii yeeraaya codkii hallaasiga ahaa ee Faarax, oo igu noqday abid cod aan maqlo kii ugu macaanaa, uguna saameynta badnaa.
Warqaddii ayaan soo qabsaday waxaana billaabay in aan ka shaqeeyo imtixaankii, misana waxaan arkay aniga oo dhowr saddar ku xardhay magacii Faarax. “Alla waan yaabaye! wiilkaan muxuu igu aqriyay? oo uu sidaan fudud maskaxeyda ugu qabsaday tolow?! Ma jin buu ahaa!? Ma sixiroole ayuu ahaa!? sidaas ayaan iskula hadlay. Aniga oo yara dhoolla caddeynaya ayaan isugu warceliyay “Sahraay, miyaad waalatay?!
maya jin ma uusan ahayn, sixiroolana haba sheegin. Waa adiga qofkaaga, waa qofka aad mar waliba ku riyoon jirtay”. Markaan intaas marinayo ayaan haddana iri; “alla Sahraay fudeydkaan waa maxay?! Wuxuu noqon doono miyaad ogtahay?! Bal niyaddaada deji oo caadi iska ka dhig oo waqtina sii ” War jiraaba cakaaruu imane”.
Waxaa ii soo dhammaaday imtixaankii. Ma xasuusan karo wixii aan qoray. maadaama uu isaarnaa walwal waxaas ii ga weyn. Waxaan ka soo baxay fasalka, aniga oo faraxsan oo dhoolla caddeyn riyaaq iyo raynranina wehel ii tahay. Si degdeg ah ayaan u eegey mobelkeygii gacanta, waxaa saaran dhowr wicitaan iyo hal farriin qoraaleed. Waxaan iri aniga oo afka ka dhawraya, misna illaaway in dad kale i ag joogaan “alla lanbarkaan waa Faarax! Cakuye nasiib darniyaa! Maxaan u arki waaayey intaan oo wicitaan ah” Qosol iyo qeylo ayaa halmar is qabsatay, mise waaba ardaydii oo maqlaayey wax walboo aan sheegaayey. “Naa saaxiib Sahraay, miyaa lagu galay? Faarax yuu noo ahaa, bal wax noo ga sheeg!”
Inta hadalkoodii oo idil iska indha tiray ayaan ka soo dhex baxay ardadii, si aan farriin qoraaleedkeyga ugu aqristo jawi deggan. Farriinta ayaan aqris ku billaabay, aniga oo aad u farxad iyo khushuuc yar is ku dhafay. Dhambaalka uu ii soo diray hanadkan cusub ee fariidka ah, wuxuu u qornaa sida tan;
“Abbaayo Sahra run ahaantii waxaa tahay qof qaaliya, dabci wanaagsan, aadna waad u qurux badantahay. Waan ku faraxsanahay barashada aan ku bartay. Waxaan rejeynayaa waqti badan in aan wada qaadan doonno. Soo dhawaaw mar kale. Barasho wanaagsan. Aan kuu sii hormariyo hambalyada, maadaama jaamacaddii ay kuu idlaatay farxadda waan kula qeybsanaayaa”
Farriintaas ii ga timid dhanka Faarax aadbay ii farxad galisay, waxayna ii ahayd dhiirragalin weyn “Ileen Dunidu waa cajiib! Mararka qaar qof aad waqti aad u kooban taqaanno ayaa kuu noqda wehel kaaga dhaw dadka oo idil. oo kuu noqda qof mar walba kaa farxiya misna kaa fakara” Kaligey ayaa sheekeysanaya. Faarax dhambaalkiisa jawaab waan u waaayey. Marwalba farriintiisa ayaan ku laabtaa, mar kaas ayaan iraahdaa; “cajiib! Oo intaan oo idil xagguu ku qarsanaa?! Maxaan waa hore u baran waayey, balse, dhib ma lahan waa nimco Eebbe haddaanba hadda bartay”
Maalintaas wey ii ga duwananeed maalmihii hore, maadaama ay ii soo idlaatay jaamacaddii, halgan muddo dheer aan soo wadayna aan ku guuleestay. Waxaa ii sii qurxiyay maalin taas barashadii Faarax iyo xodxodashadii na dhex martay aniga iyo isaga, iyo farxadda iyo dhiirragalinta joogtada ah ee uu i siinayey.
Waxaan imid xaafadeeyda xilli Duhurku soo galay. Sidii caadada ii aheyd waaan seexday. si jawiga aan u dejiyo, maskaxdana u nasiyo. Waqti kooban ka dib, waan toosay aniga oo u mooda in hurdadii la iga toosiyay.
La soco qaybaha kale
W/Q:Maryan Ibraahin Cali