Runtii ii darneyd!! W/Q Nafisa Xaashi Cali

15403034_1292462420805046_1745780554_n

Runtii ii darneyd!!

Maalin annaga oo ah koox waayeel, dhallinyaro, rag iyo dumarba leh, ajaanib kala gadisanna isugu jirno, qof kastaana dan gooni ah uu u fadhiyo meel lagu nasto oo Tv wyn ka daaran yahay kanaalka {Channel} uu joogana uu ahaa AlJazeera qeybteeda afka Carabigaa, daqiiqado kadib ayaa lagaaray waqti wareedkii Tvga. Musigii astaanta u ahaa in wari soo galayo markii aan maqlay ayaan hoos ka iri anigoo ALLE baryaayo, rabbiyoow intaan halkaan fadhiyo dalkeyga iyo dadkeyga oo dhibaateysan yuusan soo baahin, intaan dhammeyn ducadii ayaa hal mar waxay dhagteyda maqashay: “Magaalada muqdisho duleedkeeda barakacayaal Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan nabar aad fileysay naxdin maleh Tvgii ayaan ujeestay waa Soomaaliya waa maamooyin dhibaateysan oo cabanaaya, carruur qaarkood qaawan yihiin, guryo cooshado ah, maryo la xirxiray iyo bacooyin ay shaabadaha hay’adaha qaar ka muuqdaan ayey indhaheyga qabteen, si hoosaan iskula hadlay toloow midkaa wax duubaya miyuu waayey halkaas meel dhaanta oo uu soo bandhigo anigoo si aan toos aheyn u eegay shaashada oo aan iga fogeyn.

Muuqeeyga dadka kale wuu ka gadisan yahay cidna daah kama saarna in aan ahay Soomaali, ma ooyi karo oo isgiijis ayaan ku jiraa qosol iyo sheeko la wadaagisna meesha iima yaalaan waataa illeen maatadeydii dhibaateysan tahaye, baraf bey noqdeen gacmaheygii ILLAAH baan ku dhaartee waan murugsanahay hasayaashee wax aan qaban karo ma jiraan dadkii oo idil waa la wada daawanayaa qaarkood way duceynayaan RABBIYOOW Soomaaliya dhibaatada ka dul qaad, halka kuwa qaar ay qiraayaan in Soomaalidu tahay qoom u dhasha dhimashada oo aan is bar qaban qabiilkuna halakeeyaay, qaar aysan waxba ugu toorneyn dhagaheygu way maqlayaan indhaheygana way maqan yihiin haddii aad calaacashaada isoo hor dhigto oo aad tiro farahaaga qaar ka mid ah laabto ee inta soo hartayna iweydiiso ma sheegi karo, araga indhaheyga maysan tagin ee qalbigeyga ayaan xasilooneyn niyadaan ka ooynaayaa haddii aad ila hadashana waa laga yaabaa in aan kaala dul dhaco carro si aan kuugu ciil baaba’o. “ Ileyn ciil iyo caro looma dhinto!”

Waayuhu way soconayaan marxaladuhuna way is badalayaan niyad dhis ayaan ka qaadaa markaan arko dhallinyaro soo bandhigeysa quruxda dalkeena qaar isku soo sawiraya dhul xeebeedka dalkeena farxad baan dareema markaan arko dhallinyaro leh hammi fog oo ku saleysan Qaran jaceyl, Dal jacayl iyo dad jacayl.

Nolosheydii caadiga aheyd ayaan iska watay markaan Soomalida ku dhex jiro ma dareemo xanuunka aan dareemo waqtiga aan ajaanibta ku dhex jiro ama Tvyada daawanaayo inkastoo waayadaanba aan daayey daawashada TVyada dhageysiga idaacadaha iyo aqrinta websedyada Soomaaliyeed maadama dhaawac iyo dhimasho ay intooda badan baahinayaan dushaanse kala socdaa oo Social media ayaa noqday qeyb ka mid ah war baahiyayaaasha caalamka.

Intii aan ku jiray Socdaalkeygii waxbarasho ayaan u kicitimay meel ay Soomaalidu aad ugu yar tahay, markii aan Airportkii ka daganay oo aan dhiibtay aqoonsigeygii ayuu igu yiri mid ka mid aha shaqaalahii garoonka {airportka} Soomaali ayaad tahay sow maahan :- haa ayaan ku iri, kusoo dhowoow dalkeena safarkaagana nabad ku qaaddo waa mahadsan tahay ayaan ugu war celiyay. Wiil ka xoogsada garoonka kana mid ah kuwo boorsooyinka u qaado dadka safarka ah ayaa igula hadlay luuqadooda waxan ku iri walaal aniga waddankan uma dhalan ee English igula hadal waayahay ayuu iigu war celiyey asagoo isoo dhaweynaayo ayuu igu yiri:- kusoo dhowoow dalkeena quruxda badan ee ka mid ah 3da dal ee ugu qanisan qaarada africa waad ku raaxeysan doontaa inta aad joogto Insha’allaah, mahadsanid ayaan ugu soo koobay.

Waxaa dib ugu soo dhacay xasuustey dhallinyaradii iyo ardaydii u dhalatay dalkaan aan kula soo kulmay Sudan oo iyagana aad u ammaanaayey dalkooda waan dareemay in ay yihiin waddiniyiin lagu soo barbaariyey jaceylka dalkooda kolley anigo sawirka ii muuqda wuu ka badalan yahay midka ay isiinayaan. La yaabkeediiyee indhaheygu waxay qabanayaan dad suntan oo wajiga ku wata aqoonsiga iyo baadisoocda qabiilkooda kala diimo ah dhaqamo kala duwan iyo luuqado kala duwanna ku hadlaya, balse uu ka dhaxeeyo jaceyla dalkooda qarankoodana ilaashaday oo aan waddankooda burburin isna ugaarsan waan la yaabay dalkeygii ayaan milicsaday waan ka waayey qabiil Soomaaliyeed oo qofka mid ah wajigiisa suntan yahay si loogu aqoonsado qabiilada kale, ogaalkeygu Soomaalida xoolaha ayey Suntaan oo reer waliba astaan iyo sumad gaar oo baadiscoo u ah xoolahooda beey leeyihiin, bini’aadamse maan maqal aragtina iskadaa aan arko qof Soomaaliyeed ama qabiil Soomaaliyeed oo calaamad qabiilada kale looga dhex garto leh malaheyga ayaan is iri toloow haddii Soomaalida suntan laheyd sida waddamo badan oo Afrikaan ah bareero cadbey is goowrici lahaayeen ma haddeey isku naxariistaan mooji sidaa ayaan iskula hadlaa har iyo habeen, waxaa igu soo dhacday in aynu nahay dad isku diin ah isku luuqad ah oo aan loo kala turjumeen ama af qalaad adeegsaneyn si ay isku fahmaan isku dhaqan ah isna guursada hal dalna uu ka dhexeeyo tolloow maxaan isku heysanaa mindhaa waa nasiibkeen in ay nolosheenu sidaan ahaato ALLAAH baase garanaya xaqiiqda ku qarsan dhibaatadan rubac qarni sano jirsatay ee dhiigu ku daadanayo maxasta iyo maatidana lagu xasuuqayo xaqoodana lagu duudsiyayo laguna dhacayo.

Subaxii markuu waagii baryey ayaan u dhaqaaqnay dhankii Suuqa dukaankii ugu horreeyey ee aan istaagnay Gadihiisii ayaa gartay in aan u dhalan dalkiisa wuxuu iweydiiyey dhalashadeyda, Anna si yar baan ugu jawaabay Soomaali ayaan ahay, isla markiiba wuxuu igu yiri waan ka xumahay dhibaatada ka socoto dalkiina meesha oo suuq aheyd oo lawada buuxay dadkii hadalkaas maqlay ayaa isoo wada eegay isku hadal darsi iyo duco aan dalban ayey bilaabeen maan ku farxin xaalada aan dhexgalay haddane caay iyo colaadin layguma haayo ee xaqiiqdey ka hadalayaan, waa mahadsan tihiin ayaan ugu warceliyey.

Madax wareer ay ii dheer tahay is ciil kaanbin kaddib ayaan la kulmay Maamo Drs ah sheeko dheer ayaa ina dhex martay waa xog ogaal taqaano taariiqdeena qibradna leh gabagabadii sheekadeenii ayey igu tiri Nafiso illaa waagaan yaraa ayaan maqlayey Soomaaliya dagaallada ka socdo waan ka xumahay musiibada idin heysata ALLE ha idinka dulqaado halkeedii ayey kusoo biyo shubatay anna mahadsanid maamo ayaan iri (mahadsanid) maahane erey kale afkeygu ma karo illeen garbey noqotay in la igu yiraahdo dhagaheyga oraahda ay maqlayaan wali waan is adkeynayaan muusood aan niyada jirina ayaan la wadaagayaa dadka aan ku dhex jiro.

labo toddobaad ayaan marayaa inta aan joogo halkan waxaa bilaabatay in la iweydiiyo muuqaalka waddankan maadama aan joogo xoogaa maalmo ah waxaan iri wali kama dhiiban karo aragti buuxda.

Miskiinaa misko la cuskado leh ayey Soomaali tiraahdaayee jawaab celinti ayaa noqotay in aan ahay xaasid aan arag quruxda dalkooda iyadoo la ii raaciyey madaama dalkeyga burbursan yahay in aan u quuri weysanahay horumarka ay gaareen intaan dhoola caddeeyay diracnimadii Soomalidana la soo baxay ayaan iri:- I maqal Afrika waa afrika quruxda xad dhaafka ah ee aad sheegeyso uma jeedo ee bal indhahaaga iigu badal kuweeyga aan arko quruxda siyaadada ah ee kuu muuqato qofka aan wada doodeenay oo dumar aheyd ayaa iga aamustay safarkeenii ayaan sii wadanay

dad wada socdaa dood iyo muran guud madaayaanee dhowr su’aalood oo la isdhaafsaday iyo doodo kulkulul oo aan inta badan aniga ku gacansareeyey ayaa hal mar waxaa la igu yiri Nafisa waddankiina ku laabta oo dhistaa waa idinkaa dunida meel kasto ku dayacan oo qaxooti ku ahee, intaan is giijiyey ayaan iri maalin uun Soomaaliya lugaheeda way isku taagi doonta waxaan bilaabay in aan ka gado waddankeyga oo aan tuso quruxdiisa qiimahii uu lahaa iyo quruxda Ragga iyo dumarka Soomaaliyeed ee uu ALLE nagu maneystay.

Habeenkaa sidaa ayuu gabalkii ku dhacay waaberigii isnabadeen kaddib ayaa la iikeenay telephone weyn oo Ipad ah waxaa la igu yiri eeg wadankaaga baahida ka jirto dadkii iyo xoolihii baahi ayey u dhimanayaan si maskaxeysan intaan uga qaaday oo an ciwaanka qoraalka eegay ayaan iri waa dacaayad iyo qolo lacaga rabo oo NGOstayaal ah waddankeygu waa barwaaqo anigaa idinka ogaal wanaagsan waana maqli lahaa waxa aad sheekeysaan ee igala tagga sheekooyinkaan raqiiska ah.

Anigoo og in xilligaan gobollada qaar ay ka jirto xaalad adag iyo abaaro baahsan balse waan is tiirinayaa niyadaan been ku dhisanayaa dal runtiisa dibadda taalo madaxdiisana ay ku tuugsadaan dhibaato ayaa dadkeena heysato iyagoo indhaha ka daawada lacagaha ay soo qaataana ku galo olole Siyaasadeed ama daaro dhaadheer ku taagto ayaan isleeyahay qari intaas niyadaan ka ooyayaa tani waa xanuun uu la kulmo qof kasta oo Soomaali ah damiir Soomaalinimana ay ku jirto oo dalkiisa uga maqan bannaanka sababtey doontaba ha ahaatee ugu dambeyntii waxaan leeyahay ILLAAHAYOOW imtixaan intaan inoogo filan ee naga dulqaad colaahada, abaaraha, isquursiga, qabiil jaceylka iyo wax kastoo dalkeena hoos u dhigo, si gaar ah ayey ii dhibtaa dhibaatada jirta markastana ALLE weyne waxaan uga mahad celiyaa in uu Soomaali iga dhigay waan ku faanaa Soomaalinimada, waan ku dhaataa dhulkayga waana ku qanacsanahay in aan Soomaali ahay sidoo kale waxaan aaminsanahay Soomaalida dad iyo dal ahaanba kuwa dunida ugu wanaagsan in ay yihiin maalin uunna laga bixi doono dhibaatadaan, Murugo kastoo jirtaa masii jiri doonto Insha’allaah. Walaal aan uwada duceyno dalkeena in dhibaatada ILLAAH naga dul qaado dadkeenana u gargaar isagaa qaadir ahee.

W/Q Nafisa Xaashi Cali

naftaxaashi143@gmail.com

SHEEKOOYIN