RUUXI RAAYA MA RAAGO! W/Q: Axmad Calasow

RUUXI RAAYA MA RAAGO!

Waa hal-ku-dheg laga soo guuriyay xikmadaha ay Soomaalidu caanka ku tahay. Oraahda waxay asalkeedu ahayd: NINKI ROONI MA RAAGO, taas oo erayga NIN loola jeedo lab iyo dhedig, sida ku xusan xataa Qur’aanka kariimka ah.

Haddaba, Sh. Cabdiraxmaan Sh. Muxyadiin Celi wuxuu ahaa; ruux aad u qiima badan oo buuxiyay shuruudaha qofka wanaagsan. Haddaba, oraahda  nin rooni ma raago micnaheedu ma ahan cimrigiisi aa soo gaabtay, balse,  waxaa laga yaabaa inuu ka tegay dunida iyadoo weli bulshadu u baahan tahay oo tebeysa hoggaankiisa. Runtuna waa sidaas, maxaa yeelay, wuxuu ahaa: barbaariye, diineed, maaddi iyo horjooge kheyrka iyo sammaanta laga dhaxlo la jooggiisa. Soomaalida kaliya kama uu dhiman ee wuxuu ka dhintay aadanaha oo idil, maxaa yeelay, wuxuu ahaa; caalim u taagan badbaadinta islaamka iyo kuwa aan islaamka aheyn. Dadka islaamka wuxuu had gooraale ku waani jiryay waddada suubban inay ku taagnaadaan. Kuwa aan islmaaka aheyna wuxuu ugu yeeri jiryay jidka Alle ee toosan. Taas oo Sheekha ka dhigeysa inuu ahaa: mid ay wada tebi doonaan aadanuhu, gaar ahaan bulshada Iswiidhan (Sweden)

Sh. Cabdiraxxmaan wuxuu ahaa ruux aqoon badan oo adeegsan jiray xikmado xambaarsan degganaan iyo dulqaad isagoo si gaar ah u adeegsan jiray: maaddada cilmi nafsiga uu aad ugu dadaali jiray wax badanna uu ka bartay. Wuxuu ahaa faahim garan kara qofka hadlaaya xikmadda u qarsan. Kana falceli jiray iyadoon dadku badi aysan garan.

Intaas waxaa u dheeraa inuu Ilaahey ugu deeqay wax la yiaahdo: “leadership quality” oo ah; hoggaanka bulshada oo ay cid waliba raalli ka tahay…waana arrin aad u adag si loo helo qof  si dhab ah u buuxin karta booskii uu banneeyay.

Waxaan Ilaahey uga baryeynaa inuu ka najeeyo cadabul-qabri, ilkiisana u waasiciyo, jannatul firdowsa ka waraabiyo…inti uu ka tegayna Sabar iyo iimaan Ilaahey ka siiyo..Allaahuma AAMIIN.

W/Q: Axmad Calasow

SHEEKOOYIN