Ruwaayaddii Deeqo dookh ma leedahay? Q-2AAD W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

Ruwaayaddii Deeqo dookh ma leedahay?

Faras:
War Xaaji Daadihiye yaa arkay? Kolley godkiisaa biyo ugu galeen, wax la daahaba, xanta Xaajigu maanta darbi walba ayey taallaa!

  • Guddoon iyo waxgaradiyo
  • Guurtiyo xigaalooy
  • Gacalkaan is dilayee
  • Gamaskiyo garnaylkiyo
  • Gudinta isku haystoo
  • Goohoodu baxayaa
  • Gabadha iyo odeygaan
  • Yow garniqi doona
  • War Gabadha iyo odeygaan
  • Yow garniqi doona?.

Xaaji Daadihiye ayaa ku soo baxay; asaga oo meerisyadaas kore ku celcelinay.

Xaaji Daadihiye:
Farasoow duulduulka iyo waallidaan kugu nacay. Intaas war iyo waxsheeg baad waddaa, maantana ma anoo Xaajigaagii ah, ayaad waxa aan maqlayay afkaaga ii soo marsiisay, habaar kugu dhacyee bulshada ha maqashiin hadallada noocaas ah.

Faras:
Xaaji Daadihiyoow! Waa run oo adaa Xaajigaygii ah. Anna ninkii waalnaa ee baladkaan baan ahay, balse, war dareen leh baan kuu wadaa maanta!.

Xaaji Daadihiye:
Dayran, dayran, dayran, war bal soo daa.Faras:

Faras:

  • Duleedka aqalkaaga
  • Anoo darbigiisa maraaya
  • Waxaa igu soo duulay
  • Dooddii Deeqa
  • Iyo duqdii hooyadeed

Xaaji Daadihiye:

  • Gurigeygaba duqdaasbaa
  • Degganaansho u diidday!
  • Haddii ay docdaydiyo
  • Daraftayda ay joogto
  • Ama darbadaydu ay gaadho
  • Sidii kubad la dilaanshaan
  • Ku daadafeyn lahaa laad!

Xalaal calayk, waase iga fog tahay, Farasoow ii dhamaystir hadalka.

FARAS:
Oo Xaaji Daadihiyoow kubadda ma dheeli jirtay?

Xaaji Daadihiye:
Farasoow 70 baan jiraa oo magaalaan ku dhashay, ma ahi sida ragga da’dayda ah oo iyaga oo waaweyn magaalo la keenay, jarahana la dhex fadhiistay barxadihii baladka, anigu ciyaalbacaad baan ahaa, difaac baanan ka dheeli jiray.

FARAS:
Jarahu waa halkaad ka dhacan tahay Xaaji oo saddexleyda irmaan iyo afarleyda deydaman waa waxa lagugu dagay.

Xaaji Daadihiye:
Ma waxaagii xilka lahaa baad billoowday?


FARAS:
Mayee Xaaji daadihiye
Duqda aadba eedeyn
Iyadaaba kuu dooddoo
Lahayd Xaajiga deyso
Deeqose waa ka diidday
Furriin bayna dalbanaysay
Magacyo rag doonayna
Duqdu deyrayba ka keentay.

Xaajidaadihiye:
Isku soo wada duuboo
Dulucda eedda i taabsii.

FARAS:
Darxumay tirsanaysay
Durriyad bay u dudeysay
Baahi bay ka dideysay
Adigey docdaada
Dabka ay ka bakhtiisay.

Yacni tiirogab weeyaan, waad ila fahamtay baan u qaatay! Hahahaha.

Xaaji Daadihiye:
Farasoow! Dib baan kaaga warrami doonaaye, bal inta aan wax kala dabarayo, dibnahaagu ha xirnaadaan.

FARAS:
Waa innoo sidaas Xaaji isma aanan arag!.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo!

W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

SHEEKOOYIN