RUWAAYADDII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY! Q-4AAD W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

RUWAAYADDII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY! Q-AAD

Xaaji Daadihiye:
Asagoo xanaaqsan, talona ay ku caddaatay ayuu gurigii hore uga booday, waabaa ku baryay, waxa horyaal maanta furitaanka gabadhii uu jeclaa, muddada sanooyinka ahna uu qabay.

Faras:
War Feyfle ahaa ninka iga hor muuqda, war saaxiib si baad shanqadha u yareysay, sheeddana kaama qaadine ii waran. Waxaan filayaa in sheekada baladka taal, halka ay mareyso aad la socotid?

Feyfle:
Saaxiib shanqadha in aan yareeyo waxaa keentay dee adduunkii oo shabakad hal ill leh baan arkay, sheekase ma mooggani oo shishe iyo sokaba goobaha shaahaa lala shuxshux leeyahay.

Faras:
Rabbi baadan been u sheegin, maxaa shaleyto lagu nool yahay, dee waxaa timid ummad sir iyo saaq midna lahayn oo shilin iyo shaahbaa waxwalba kaa xiga, Alla hoognayeey waar sheekadaan xaggee ku danbayn, maxaase dadkiinnii shushubi jiray shafka dhulka ugu haysaan?

  • Fayfle:
  • Inta shufeerka gaarigu
  • uu u sharaxan yahay Madaxweyne
  • Ama duqay aanan sheexayn
  • Shilinna yahay goolkoodu
  • Ay shirarka horboodaan
  • Ama nin shaatiga u qaatay
  • Shaf qabiil u garaaci
  • Ama kan siyaasiga sheegtay
  • Oo aan shaqalka iyo shibbanaha
  • Aan kala sheegi karayn
  • Ama barbaar shaqo diiday
  • Shaxaadna yahay doorkoodu
  • Ama Shiikh kutubtiisa
  • Ka aroorsha shirqoolka
  • Amase gabdhaha sharaabka
  • Iyo shiishadaha ka balweeya
  • Amase ganacsade shaf buur ah
  • Oo shiilanaaya dhiigga
  • Shacabkiisa idlaaday
  • Intaas oo shaqfad laawe
  • Shib in aan ka iraahdo
  • Sharkoodaa soconaaya
  • Markay shaaracyadii.
  • Iyo lugta gasheen shaxdii
  • Ninkii shishe u fakaraayay
  • Shantuu ka laabtay baddii
  • Sheeduuna ka ilaalshay
  • Duulkaan aan shifaysnayn
  • Halkuu sharaxoodu ku idlaannin.

Faras:
Wagar! Hadmaa sharaxoodu idlaan, maalin hor lehba shag horlaa u furmayee!

Feyfle:
Sabankaa sheegi doona. Waxaa ku soo baxay; Feyfle iyo Faras oo sheekadu aysan ka qasnayn ninkii Daacad ahaa.

Faras:
War muuqa ii muuqdaa Daacad ma yahay?

Daacad:
War Faras iyo Feyfle raggani ma yihiin? Muddo 10 sano ku dhow isma aanan arage ii warama, warka i siiya.

  • Faras:
  • Anigaa ku siin
  • Sabanadaad maqnaydiyo
  • Saakadan aan joogno
  • Silsiladdu siday
  • Subax noolba ahayd
  • Ee marka hore saaxiiboow
  • Sannadkee naga socdaashay?

W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid
muciid@gmail.com

  • NAGALA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN