RUWAAYADDII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY Q-6AAD W/A: Muxyaddiin Xuseen Ciid

RUWAAYADDII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY Q-6AAD

Darbiyo Lacag:

  • Xaaji Daadihiyoow
  • Beryahaan isweynay,
  • Baasase meel kuma sheegin.

Xaaji Daadihiye:
Baasihii ruux waayaa
Ruux kaley la baridoo
Ba’ayeey kaga keentay.

Darbiyo Lacag:
Bisinkaan ka iri
In xaajiga baladkeenna
Ay baloba haleeshee
Ee maxaa kaa baqosiiyay?

Xaaji Daadihiye:
Boogahaan i dilooday
Haddii aan kuu bidhaansho
Ma baadi goobi kartaayoo
Bugtadooda ma aad sheegin.

Darbiyo Lacag:
Mar baan Bustaaliyo
Waliga buuba ee la sheego
Burjigeygu uu dhaafaa
Marna baajolorka saynis
Iyo bayoolijga wax daweeya
Baal walbaan ka eegaa
Ee bu’da hadalka i taabsii
Boorsadeydiina yaan waayin
Anaa baab walboo xirnaa’iyo
Jabinaaya biriijkee!

Xaaji Daadihiye:

  • Baabuurkii soconaayey
  • Ee bariidiyay baladkeenna
  • Baasiinkiise ka idlaaday
  • Anagiina birtii iyo
  • Kala bakhaylnay batroolkii
  • Kolkii ay baroorteen
  • Dadkii boodhiga saarnaa
  • Iyagoo ku bulaami
  • Biximayno miyaa
  • Uu shufeerkii barbareeyay
  • Uguna baaqay dadkii
  • Cadceedaa balbalaysa
  • Uma bareeri karnee
  • Barri danbe bal aan dhowrno
  • Subaxday ballameenna
  • Filim kale ku billaabay
  • Ee togaa biyo keenay
  • Buurbaa taalla jidkii
  • Bahalaa lagu sheegey
  • Beentaa iyo khayaaligu
  • Baryo ay u shaqeysay
  • Laguse baraarugey runtii
  • Isku soo bax uu dhacay
  • Batantihii la doondoon
  • Bulshadii war sheegsheeg
  • Iyo buunbuunis ay timid
  • Billaahida dhaartiyo
  • Baroor iyo is jiidjiid
  • Buntukh baasna ka onkoday
  • Xaalkaas bislaaday
  • Biyo dhaciisu halkuu yahay
  • Maskaxdaa ka baar baar
  • Haygana barxin hadalkee
  • Socotadaas ma baqooli
  • Mise banjar bay ku abaadi?

Darbiyo Lacag:
Xaajiyoow ha boholyoobin
Basiid weeye warkaaniye
Anna baashigeygiyo
Buugteydu waxay sheegi
Socotadaan way baqooli
Safarkoodana waa ay beegsan
Shufeerkaa barbareeyayna
Waa kalaa u baryi doona

Xaaji Daadihiye: Waligaa kheyr sheeg baad ahayd ee Baab kalena waxa uu yahay:

  • Bilcaantii walaashaa
  • Baladeey hurineyso
  • U bareeri waayoo
  • Baytkeygii uga waashay
  • Ee bal buugtaada eegoo
  • Jid u bixina middaasna?

Darbiyo Lacag:
Tanina ma sii buurna
Beesaana indhaheed ah
Iyo balanqaadka
Inta buuqa kicinaysa.

Xaaji Daadihiye:
Bilaa calayk, gabartaan ma calfadeen haddii aysan adiga Darbiyo lacag ah, walaashaa ahaan lahayn ee boorsadaadii wataas, waxna kala tuur, Xaaji ceebihiisa baladka la wadwadaa laga fiicane, adoo xalliyaanna kaaga fadhiyaa.

Darbiyo Lacag:
Xaaji, dadka ceebahaaga wada, ayaga oo qosol ku baddalay iyo ammaantaada anaa kusoo hor istaajin doona. Tan Deeqana anaa jiric inta aan ku hurgufo, ayaan ku tusi doonaa ayada oo suluqsuluq layn inay dhinaca kaa soo gasho, ragga kalena aniga igu duub.

Xaaji Daadihiye:

Darbiyolacagoow, Deeqa, dahab aan Afrikaba laga helin ayaa safarka soo socda u keeni doonaa, khayr ugu bishaaree walaashaa, waana baxayaaye habeen iyo maalinba indhahaagu ha furnaadaan oo yaan dhankaaga la iga soo galin.

Darbiyo Lacag:
Abadan, Abadan, Darbiyolacag oo boosadiisii ku fadhiyaa, Abadan, waxaad ka cabsataa yaysan jirin, doc walba waan ka wada hadalnay, hawsha hartay anay ii taal ee adiga xaggaaga haddaad dibadda tageysid isa soo giiji, adoo waji kale lehna aan ku aragno, gabadhahuna wajiga cusub waa jacel yihiine.

Xaaji Daadihiye:
Ballan iyo macasalaama Darbiyo lacagoow.

Darbiyo Lacag:
Macasalaama Xaajigeygiyoow, nin baa meeshaan kaa jiro, kaa jiree ogsoonow!.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/A: Muxyaddiin Xuseen Ciid

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN