Saadaasha Siiyaalka Geeska Afrika W/Q.Ahmed Hayow

 

Siiyaalka Geeska Afrika

Xaayoow

Waxaan hore u soo aragnay Sooyaalka Geeska Afrika, gaar ahaan labada wadan ee Soomaliya iyo Etoobiya; oo ah laba wadan oo laga shaqeeynayay isku dheeli tirkooda.

Siyaasadda qarniga 20aad; ayaa aheyd in laysku dheelitiro wadamada ay ka dhexeeyso xurguf dhuleed ama mid siyaasadeed, sida Soomaliya iyo Etoobiya, kuwaasoo sida aan hore u soo sheegay laga shaqeeynayay isbedeladooda siyaasadeed.

Qarnigan 21aad, waxaa soo baxday siyaasad cusub oo loo bixiyay (Global eye power) taasoo lagu beddelay gumeysigi tooska ahaa iyo dagaalki qaboobaa, waxaana adduunka loo qeybiyay soohdimo, taasoo soohdin kasta uu wakiil ka noqonaayo hal wadan, qaarad kastana lagala xaajoonaayo wadamada wakiilada ka ah.

Qaarada Afrika waxaa loo qeybiyay afar qeybood; oo kala ah afarta jaho, Bari, Galbeed, Waqooyi iyo Koofur, wadamada Bariga Afrika oo ay ku jiraan kuwa Geeska Afrika, waxaa laga rabaa hal wadan oo lagala xaajoodo, waxaana shardi ah inuu wadankaas ahaado mid haysta ama heli kara dhaqaale iyo awood ciidan, wadanka ugu dhow inuu kaalintaas buuxiyana waa Dalka Soomaaliya.

Su’aasha isweydiinta leh ayaa ah, sidee Soomaaliya ku noqon kartaa, wadan kaalintaas buuxin kara? ayadoo uu wadanku burbursanaa in ka badan 25 sanadood?

Markaan dib ugu laabano sooyaalka Soomaaliya iyo dhismaha awooda iyo dhaqaalaha qaranka, waxaa tusaale noogu filan 1969 ilaa 1975 xowligi ay Soomaaliya ku socotay iyo sida ay uga mid noqotay wadamada Afrika ugu awooda badan.

Muddadaas lixda sano ah, waxaa Soomaaliya u suura gashay inay ka dhisanto dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca awooda ciidamada.

Hiigsigi 1980 ama Isku filnaanti 80ka oo aheyd qorshihi dowladi waagaas, wuxuu ka billaabanaayay 1975 ilaa 1980, muddadaas oo loogu tala galay; in adduunka kale inay Soomaliya waxba uga baahan, oo ay ayada isku filnaato, arrintaasna waxay aheyd sir weyn oo ka fakatay dowladi milateriga aheyd, waayoo waxay isku soo jeediyeen indhaha caalamka, kuwaas oo fiiriyay wax qabadka 1970 ilaa 1975, ka dibna odorosay haddii aan la hor istaagin inay Soomaaliya gaareyso isku filnaanta ay tiigsaneyso, sababtaas oo keentay in la geliyo dagaalki 1977, si ay awoodooda ciidan u noofoowdo, dhaqaalahoodana u burburo, arrintaana waxaa suura geliyay, wadamadi saaxiibada la ahaa Soomaaliya, kuwaas oo ku dhiiri geliyay inay gasho dagaal aanay ogeyn halka uu ku dhammaan doono iyo aragtida ay dunida kale ka qabaan.

Marabo inaan ku sii fogaano, balse waxaan tusaale ugu soo qaadanay, inaan dadka quustay u sheegno inay Soomaaliya mudda yar gudohood ku soo laaban karto saaxadda caalamka, waase marki aan dib u helno midnimadi ummadda iyo wadaniyada naga luntay.

Tv channel laga leeyahay Mareykanka oo loo yaqaan Care 11, ayaa wuxuu soo daayaa barnaamij loo yaqaano (Jeopardy) barnaamijkaas oo ah mid su’aalo laysku waydiiyo, maalin walbana waxaa ku tartama seddex qofood, su’aalaha boorka ku qoran makay dhammaadaan, ayaa waxaa lagu soo xiraa hal su’aal oo uu qof walba jawaabteeda soo qoro, maalin ayaa la waydiiyay (wadanka ugu dhaqaalaha badan wadamada laysku yiraahdo Jaamicada Carabta) seddexdi qofood waxay kala qoreen Saudi Arabia, Qadar iyo UAE imaaraadka carabta, seddexdaba waxaa loo sheegay inay ku dheceen, jawaabta saxda ahna waxaa lagu yiri waa Soomaaliya, mana aha wax lala yaabo inay Soomaaliya qani tahay iyo inay dadka Soomaaliyeed noqon karaan dadka dunida ugu qanisan, waayoo Soomaaliya waxay leedahay bad, beero iyo macdan kala duwan, qof Soomaali ah oo aan arrintaa ogeyna majiro, maalinta ay cagaheeda ku istaagto oo ay kheyraadkeeda la soo baxdana, waxaan shaki ku jirin inaan Soomaaliya dhul ay leedahay lahaysan karin, oo ay shanta Soomaaliyeed isu imaan doonaan haddii Rabbi idmo.

 

SHEEKOOYIN