SAADAASHAYDA, SOOMAALIYA WAA KHAYR.

   Nor1              

 SAADAASHAYDA, SOOMAALIYA WAA KHAYR.

20 Sano ka hor dhalin yarada aan ka midka ahaa marka la waydiiyo waxa uu yahay, jawaabta uu bixin jiray ayaa ahayd in uu isaga uun is yahay magiciisana uu raacin jiray, waxaa laga yaabaa in uu kuu sii raacsiiyo waxa uu jecelyahay In uu noqdo balse uusan hayn, dariiiqii uu ku noqon lahaana uusan markaa arkayn.

Dhalin yarada dalkeena nasiib ahaan waqtiyada ay lasoo kala tiigsadeen noloshooda waa mid ay ku kala nasiib badnaayeen ayaa la oran karaa, dhallin walbana waqtiga ay joogtay wuxuu u ahaa mid ay sifadiisa dhanka wanaagsan iyo dhanka xunba ka cabiri jireen.

Aniga xilliga aan lasoo tiiigsaday ma ahayn xilli ay Rajo wanaagsan muuqatay, wuxuu ahaa xilli xaalku uu aad u xumaa oo qalalaase iyo halgan dulmi uu dalka oo dhan ragaadiyey.

Howsha markaa la hadal hayey ayaa waxay ahayd in ay laba beelood isku herdiyen mid ka mid ah Xaafadaha Muqdisho, madaafiicna ay isku garaaceen, Dad badan oo Masaakiin ah oo u badnaa dad iska xamaashana madaafiicdaas ay ridayeen ay galaafatay noloshooda ama si gaar ah ay saamayn ugu yeelatay.

Xaqiiqdii xanuun daran ayey u ahayd Taariikhda dhallinta aan ka midka ahaa waxa kaliya ee markaa aan ku faani jirnay ayaa ahayd in galabtii marka la gaaro aanu kubadda ku ciyaari jirnay Garoonka wayn ee Istaadiyum Muqdisho, habeenkina aan u daawasho tagi jirnay mid ka mid ah shaneemooyinka xaafadaheena, waa mid ka mid ah xusuusaha wanagsan ee aan ka qeexi karnay waqtiga aan markaa joognay.

Dhanka xusuusta xun ayaa waxay ahayd in qaarkeen subixii marka waagu baryo aysan wax shaqo ah ama rajo shaqeed aysan lahaan jirin, waxa kaliya ee markaa laga fakari jirayna ay ahayd in la maqlo in maanta laba maleeshiyo beeleed ay ku dirirayaan Xaafad  Hebel taas oo nafis inoo ahayd, sababta ay nafis inoogu ahaydn ay ahayd in aan u daawasho tagi jirnay dagaalka markaa socdo inaga oo Fooqa Xabadaha ka aruursan jirnay jiidaha hore ee Dagaalka.

Khatar wayn ayey ahayd runtii, balse, ma dareemi jirin khatartaas iyada oo qaarkeen ay ku naf waayeen xabadaha wiiftada ah ee halkaa ka dhacayey, duruufta ayeysa ahayd baa la oran kary waxa ku kallifay dhallintaas in ay usoo shaqa tagaan uruurinta fooqa xabadaha.

Fooqa xabadaha wuxuu ahaa Maar markaa loo iib gayn jiray Dalka dibaddiisa, waana sababtaas sababta ku riixaysay baa la oran karay dhallintaa in ay u bareeraan khatarta dhibaataadaas.

Waxaa ina soo maray xilli aan goob joog u ahayn in Bililiqada Maalka dadka inta howshu dhaaftay Dumar nool nool lasoo bililiqaystay oo guryaha xaafadaheena qaar ka mid ah lagu hayey.

Kitaabada Diinta marka la aqrinayo ayaan maqli jirnay Dumar Addoonsi lagusoo qabsaday oo markaa loogu galmoonayo sida Xaas aad qabtid oo kale, haddaad rabtidna aad iibinayso, balse waa ii dhinnayd in dumar soomaaliyeed oo waliba Muslim ah lasoo qabsado, si qasab ahna loogu haysto meel ka mid ah dalkooda hooyo.

Yeelaa wuu hilmaamaa baan maqli jiray balse la yeelaa ma hilmaamo, bal cabir dadka habaloohada sidaa loola dhaqmay hantidoodana sidaa lagu xalaalaystay, ma ahan oo kaliya hal dhinac waxa aan ka hadlayo oo waa labada dhinacba, maadaama wuxu Dagaal uu ahaa.

Waxaan usoo joogay xilli lagu dhaaran jiray wajiga mid ka mid ah  hogaamadii waddanka markaa hogaamiya kooxeedka ka ahaa, iyada oo marka hore inta wajigiisa la sheego kadib la raacin jiray wajiga Alle, ma dambi ka wayn ayaa jiray in Alle sidaa loogu shariik yeelo? goob joog ayaan u ahaa arrintaa.

Waxaasa xusid mudan in dambi walbe ciqaabtiisa uu mudan yahay, Allena xilliga uu rabo uu addomadiisa ka abaal marinayo waxa ay galabsadeen, dhabtase waxaan goob joog u ahaa oo aan indhahayga ku arkay wax badan oo runtii marka aan xusuusta aan Is dhaho waa miraha aan ka guranay Dambiga aan galnay ee aan ilaa maanta la harsan la’anahay Soomaali wayn haddaanu nahay.

Dhawaantan ayey ahayd markii aan dalka dib ugu laabtay, balse taas macnaheeda ma ahan in aan dalka wax badan ka maqanaa, waasa booqasho ka mid ah booqashadayda sanadlaha ah ee dalka dib ugu laabto.

Ujeeddada ugu wayn booqashadayda marka laga reebo danahayga shaqsiyadeed waxaa saladhig u ah in aan qiimayn ku sameeyo sara u kaca heerka nolosha iyo fahamkeeda ee umadda aan ka dhashay.

Xaqiiqdii wax badan ayaa is baddalay, xanuunka aan dhalin yaro ahaan tabanayey waxaan ku ilaawaa marka aan arko dhallinyaradii xilllgii 2006da ilaa 2009 markii gaaladii Itoobiyaanka ahayd ay soo gashay Magaalada Muqdisho, xanuun ka badan midkii aan dareemi jiray ee dadka soomaaliyeed ay isku geesan jireena loo gaystay dad kale oo soomaaliyeed, siyaasaddaba sabab ha noqota wixii dhacay.

Safarkayga dhamaadkii 2015 runtii yididiilo wanaagsan ayuu lahaa marka aan wax ka cabiro dhanka wanaagsan ee wax san sheegidda, maxaa yeelay wax walba waxaa laga eegaa labada dhinac ee mar walba is diidan waa dhanka wanaaga iyo xumaantaba.

Waxaan isku dayey in aan waqti badan galsho la kulanka iyo xog uruurinta dhalinta soomaaliyeed in aan wax badan ka ogaado dhan walba, sidoo kale waxaan xooga saaray in aan si qoto dheer u galo qaabka warinta xaaladda waddanka ee Warbaahinta markan jirto aniga oo la bar bar dhigayey warbihiintii jirtay xilligii hore.

Xaqiiqdii aad ayaan ugu farxay markii aan la kulmay dhowr qof oo ka mid ah dadka ka shaqeeya Saxaafadda, maxaa yeelay waxaa ii muuqday Bisayl umadeed oo xitaa bahda warbaahinta ay xooga saarayeen in ay badiyaan Barnaamijyada Umadda wacyi galinaya sidoo kalena ka gaabinaya waxyaabaha sawirka wanaagsan aan umadda u ifin Karin.

Waxaan la kulmay dhalin yaro kooxo kooxo ah, mar walba oo aan mid mid u waraystayna waxuu mid walba ii muujinayey in uu leeyahay Hammi sare oo uu ku dhisayo noloshiisa shaqsiyadeed, ma ahan dhanka dhaqaalaha ama shaqada ee waa dhanka wax barashada.

Dhawaan mar aan la kulmay dhalin yarada Bahda Ifiye ayaan la yaabay markii qof walba uu is key barayey, qaabka uu isku key baray ay ahayd in uu qofku marka hore magiciisa sheego kadibna waxa uu shaqo ahaan ku taqasusay sii raacsho ama sifo ahaan waxa uu yahay, tusaala ahaan aniga waxaan ahay hebel oo leh aqoonta nuucaas ah.

Xaqiiqdii waxay ahayd yididiilo wanaagsan maxaa yeelay dhallinta aan aniga ka midka ahaa ma ahayn mid sidaa u samaysan, wax ka badan magacayga ma sheegi jirin haddii la I waydiiyo waxa aan ahay, shaqo ahaana maxaa taqaana haddii la I yiraa ma jrin wax aan sheegan karay, marka waad dareemi kartaa farqiga u dhaxeeyo dhallinteena maanta iyo dhallintii 20 sano ka hor jirtay.

Dhanka wax barashada ma arkaysid runtii dhallin diidaysa waxbarasho, oo dhallintu waa mid u qaybsan kuwa wax baranaya iyo kuwa uusan nasiibku u saamixin, xitaa waalidiinta is baddalkaa wuu ku dhacay ayaa la dhihi karaa oo hooyadii jirtay 20 sano ka hor meeshii ay ku abaabin jirtay wiilkeeda in uu shaqo ka raadsado hogaanka beeshiisa micnaha istaaf iyo wixii la mid ahba maanta ma jirto hooyo sidaa ku hamminaysa, hooyo walba waxay u diyaarsantahay in ubadkeeda uu wax barato heerka uu doonaba haka gaaro waxabarashadee.

Marka aad dhalinta yar yar ee iskoolada aad si gaar ah u waraysato waxaa kuu soo baxaysa in mid walba ay ka go’antahay in uu gaaro hadafka uu tiigsanayo ee heerka jaamacadeed ah.

Tayada aqoonta Waddanka ha iska hoosayso oo Jaamacadaha ha noqdaan sida iskuulada gaarka loo leeyahay oo kale, hadana waxaa la dhihi karaa way ka tilmaan wanaagsan yihiin wixii jiray 20 sano ka hor.

Waxaan soo arkay Umad aan isku mashquulin oo kala mashquulsan mid walbana tabartiisa uu dhinac ula tacaalayo, Faqri badan iyo Fasahaadba magaalada wuu ka jiraa, hadana inta wanaagsan sheegistooda ayaan ka door biday inta xun inta aan taaban lahaa, sababtana waa wanaaga isoo jiitay oo aad uga badan xumaanta aan arkay.

Magaalada muqdisho marka aad dhex socoto waxaa wajigaaga qarinaya boor sababtiisa aan dhihi lahaa waddooyinka oo bur bursan, balse dabeeshii duushaba waa mid raja wanaagsan la duulaysa, saadaasha ay tilmaamayso dabaysha muqdisho ma ahan mid bur bur ah ee waa mid wanaagsan oo rajo wanaagsan tilmaamaysa.

Bal cabir 20 sano kadib dhalinta jiri doonta waxa ay noqonayso, halka dhallinta aan aniga ka midka ahaa ay u bateen Qurbaha, qaarna ay ku naf waayeen Tahriibka, qaarna ay ku naafoobeen dhibaatadii dhacday, qaarna ay wali la nool yihiin Dhaxalka dhibkii ay kusoo koreen.

Saadaasha Soomaaliya waa khayr ayaan dhihi karaa, dhanka siyaasadda wax badan oo xun waa ka jiraan waana laga sheegi karaa, hadana marka lala bar bar dhigo siyaasadii shalay ee ku salaysnayd Qoriga caaraddiisa, maanta ma taagna oo waa mid maskaxaysan, lugahaba hala soo gaalaan shisheeye badan oo aan u adeegeyn Danta umaddeena.

Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.