Kadinbax. Q1AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

KADINBAX. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waa sheekho si toos ah uga waayo iyo wacaal warrameysa qurba joogta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool waddadama aan Islaamka aheyn. Sidoo kale waa sheeko Soomaalida ku nool gudaha waddanka u bidhaamineysa inay aaminaan dhulkooda hooyo, kuna kalsoonaadaan Diinta, dhaqanka, hiddaha iyo ahaanshiyohooda. Si aaney ugu dhicin bohol aysan kasoo bixi karin abid.

Haddaba bulshada Soomaaliyeed ee qurba joogta ah, gaar ahaan kuwa aan soo xusay ee waddamada Gaalada ku nool. Waa kuwa har iyo habeen u jooga, Diin iyo dhaqan guur. Waxay ka welwelayaan saameynta ay ku reebayso Bay’ada ay ku noolyihiin ee dhibka badan. Waxa kale oo u wehlinaya dhaqamo aysan aqoon ab iyo isirna u laheyn oo ay si tartiib tartiib ah ula qabsanayaan. Luuq ay ku adagtahay barashadeedu, waajibna ku ah inay bartaan maadaama noloshii dhameyd uga xiran tahay.

Qofku marka uu yimaado, wadamadaan asigoo garaad ahaan iyo garasho ahaanba xasilay, way dhacdaa inuu dhinac ka istaago waayihiisa cusub ee dhibka badan. Ama waxa laga yaabaa inuu la keeni waayo arrimaha is waydaaranaya aadna u kala fog. Balse, cidda aan u danleeyahay, ama qoraalkaanu ku aroorayo waa Ubadka ku dhashay wadamadaas aan soo sheegay iyo kuwa la keenay inta uusan garaadkoodu xasilin.

Haddaba bay’adu waa macallin joogto ah, saacad walbana dhinacaaga taagan, una baahan in laga fayjignaado, waxa laga baranayo. “Xariir toos ah ayaa ka dhexeeya bay’ada iyo Dareenka qofka. Dhan walba oo laga eego, hab dhismeedka dareenka qofka waxa raad iyo saameyn ku yeelanaya Bay’ada uu ku nool yahay, Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Bay’adu waxay ka mid tahay, macallimiinta ugu saameynta badan nolosha qofka. Mar walba waxay ruuxa garaadkiisa, fikirkiisa, hab-dhaqankiisa iyo Diintiisaba ku reebtaa saameyn xoog leh oo aan sahal looga ma sixi karin. Qofka bini aadamka ah noloshiisu waxay leedahay macallimiin badan. Aniguse waxan kusoo gaabinayaa macallimiinta ugu mudan afar macallin. Afartaas macallin oo kala ah:

Macallinka Islkuulka, “Maaddi”.
• Macallin, dugsi, masaajid ama Kaniisad. “DIIN”
• Macallinka guriga “Waalid”.
• Macallinka Bay’ada. “DADKA IYO DEEGAANKA”

Haddaba afartaas macallin, waxa ugu qiima badan waalidka, waxana labaad ah macallinka Bay’ada qofku ku noolyahay.

Bay’adu ma ahan macallin kula falgala ama si muuqata wax kuu bara. Balse, waa macallin caadyaal ah oo aan muuqan, haddana barenimadiisa aan la dafiri karin. La ye: “Afar jir Geel ishuu ka rarqaataa” macallinka Bay’aduna waa tabtaas oo qofku si aan ku talogal ahayn ayuu u baranayaa afka, Hiddaha, dhaqanka, Diinta iyo habka jiritaanka dadka ku hareeraysan. Mar walbana qofku wuxuu ku muuq iyo meeqaam ahaanayaa bulshada ku nool goobta uu ku dhashay, kuna garaadsaday.

Bay’adu waa deegaanka qofku ku tisqaaday iyo dadka ku hareeraysan ee uu lasoo jaanqaaday ama uu la noolyahay. Bay’adaas oo qayb ka qaadata korriinshaha jireed iyo midda Diineed ee ma dhaafaanka ah. Haddaba qoraalkaan oo taxane noo ahaan doona, waxan uga hadlayaa, saameynta Bay’ada gasha aaminsanaanta Diineed iyo sida waayuhu ugu qasbayaan qofka inuu rumaysto, Diinta laga aaminsan yahay, kobta uu ku suganyahay ee carra edeg.

Sheekadu waxay ka kooban tahay, laba qeybood oo is waydaaranaya. Kuwaa soo kala ah: “Gaal Muslimaya iyo Muslim gaaloobaya” waa laba qiso oo si dhab ah u dhacday. Aniguna qalinka iyo inqaastaan ku dhuujin doono, intii Mawle iga waafajiyo.

Qaybta koobaad: waxay ku socotaa nin sheekh ah oo magaciisa la yiraa: Axmed, markii hore na loo aqoon jiray Giovanni (John). Magaciisa saxda ah ee Talyaanigu waa: Giovanni balse, magacaas Giovanni asalkiisu waa “JOHN” sidaa aawgeed magaca Joon ayaan adegsan doonaa maadaama uu ka fududyahay kan Giovanni.

Qaybta labaad: waxay ku socotaa, gabar la yiraa: Maria Jackson, marki horena loo aqoon jiray; Maryan Ruun Cilmi.

Sheekadu waxay si toos ah u faalleyn doontaa noloshii ay ku noolaayeen labadaas qof. Dhalashadoodi iyo is beddelka ku dhacay ee Bay’adu u sabab noqotay, inkastoo qoraalka Rabbina halkiisa yahay.

Noloshii Giovanni (John). La soco. 🔛

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN