Saamaynta hidde sidaha iyo deegaanku ku leeyihiin hab dhaqanka Aadanaha W/Q: Mukhtaar Axmed Nuur

Saamaynta hidde sidaha iyo deegaanku ku leeyihiin hab dhaqanka Aadanaha

Marar badan ayaynnu maqlnay hebel waa hebel oo aan biyo is marin ! heblaayo waa hooyadeed oo halkan taagan ! waxa kale oo dhacda in marar badan falalkeenna ha tabnaadaan amma ha tognaadeen aynnu la xidhiidhinno cidda ehelkeenna ah amma beesheenna ah oo loo garan ogyahay wadaraynta falka. Haddii qof uu geysto fal aad u foolxun, waxa hubaal ah in markiiba qofka uun maahane xataa beshiisu ay eeddaas yeelayo. Sidaa waxa la mid ah in taariikhaha fog ee muddada badan soo jiitamayay ay dad badan sumad u yeeleen, kuwaas ah oo ah in qofi uu astaan u leeyahay samaan oo idil mid kale uu astaas u leeyahay xumaan oo idil, iyo in beel lagu yaqaan fal taban mid kale lagu yaqaan fal togan.

Soomaali ahaan, waxa aad innooga dhaadhacsan in waxa saamaynta ku leh dabcigeenna amma hab dhaqankeenna uu yahay hidde sidaha oo ah in hab dhaqankii uu awoowgaa amma ayaydaa lahayd aad yeelanayso adna. Waana sababta keentay in beel gaar ah amma qof shakhsi ah dhaqankooda lala xidhiidhiyo cidda ay kasoo jeedeen. Arrinkaasna waxa sabab u ah taariikhaha fog ee laga soo dhaxlay sidii waagaasi uu ahaa. Marka si loo fiiriyana waa arrin gar oo waxa dhacday in wakhtiyadii jaahilyada ay beeluhu ku xifaaltami jireen anaa kaa geel badan iyo anaa kaa dhal badan, taas oo keentay in beel yar oo masaakiin ah loo awood iyo xoolo sheegto.

Akhriste dooddu waxa ay faaqidaysaa maxaa saamayn ku leh hab dhaqankeenna amma dabcigeenna ? ma hidde sidaha oo ah dhiigga ayaa saamayn ku leh mise deegaanka oo ah aagga iyo cidda aynnu la nool nahay ayaa saamaayn ku leh. Dooddan ayaa lagu sheegayaa mid ay adag tahay in si fudud looga salgaadho. Culimada ku takhasustay cilmiga barashada noolayaasha ee Biology ga ayaa waxa ay ku doodayaan in dhiigga uu yahay isha hidde sidaha noolayaasha oo ay suuro gal tahay inuu hab dhaqankii qofkaasna u gudbiyo qof kale. Qolyaha kale ee aqoonta u leh cilmiga barashada hab dhaqannada noolayaasha ayaa iyaguna ku doodaya in deegaanku uu yahay waxa saamaynta tooska ah ku leh hab dhaqanka qofka.

Adiga akhriste hab dhaqankan aad hadda leedahay ma mid aad waalidkaa ka dhaxashaybaa mise wa mid deegaanka aaad ku noolshahay iyo cidda la fadhiga tahay kuu abuureen ? ma u malaynaysaa in qofka aad isku kursiga tihiin, cidda aad wada shaqaysaan iyo cidda aad la nooshayba ay saamayn taban amma mid toganba ku yeelanayaan sida aad u dhaqanto iyo sida aad u fikirtaba ? waa waydiimo ay adag tahay in aynnu si fudud uga warcelinno.

Haddaba doodda aynnu rabno in aynnu fiirino ayaa waxa hab dhab ahaan u abuura hab dhaqankeenna iyo sida uu ku abuurno iyadoo aynnu ka eegi doono dhinacyo kala geddisan oo ay ka mid yihiin dhinaca diinta, dhaqanka bulsho gaar ah, cilmiga nafta iyo cilmiga noolayaasha kuwaas oo la xusay inay yihiin ilaha laga fiiriyo hab dhaqanka aadanaha. Waxa jira aragtiyo badan oo ku aaddan dabeecadaha iyo hab dhaqannada aadanaha oo qarniyaal ka hor la aamisanaa. Faylasuuf Ingiriis ah oo lagu magaacaabi jiray (John Luck 1632-1704) ayaa waxa aaminsanaa aragtida loo yaqaan (Empiricism) oo ah in dabciga iyo aqoontu ay ku yimaaddaan keliya khibradda amma in qofku waxa uu aqoon iyo hab dhaqan yeelanayo oo ku dhaxlo waayo aragnimo iyo ku dhex jir. Sidoo kale nin kale oo lagu magacaabo Jean-Jacques Rousseau (1712-1778) ayaa isna waxa uu aaminsanaa aragtida loo yaqaan (Nativism) oo ah inay in xirfado amma awoodo gar ah lagu dasho oo ay tahay wax la xidhiidha abuurka oo iyagu ay u yaqaanna dabeecadda innaguna u naqaan abuurta Eebbe.

Charles Darwin (1809-1882) aad loo garan ogyahay inuu lahaa aragtidii ahayd in aadanuhu uu daayeer ka yimi amma guud ahaa aragtida tadawurka ( Evolution) oo ah in guud ahaan noolayaashu ay soo mareen marlxado kala geddisan. Darwin waxa uu aaminsan yahay aragtida loo yaqaan (Ethology) oo ah in wax kasta ay yihiin dookha dabeecadda amma in guud ahaan noolayashu ay ku dashaan hab dhaqankooda gaarka ah. se hab dhaqankooda waxa go’aaminayaa uu yahay deegaanka ay ku nool yihiin, tusaale ahaan Daarwin waxa uu ku doodayaa in noole ku nool Soomaaliya haddii uu tago shiinaha inuu yeelanayo midab, muuqaal iyo hab dhaqan gaar ah. Tan macnaheeda ayaa ah in deegaanku uu yahan ka abuurayaa hab dhaqanka noolaha.

G. Stanley Hall (1844-1924) ninkan oo loo aqoonsan yahay aabbaha kasmo nafeedda carruurta waxa uu innala leeyahay hab dhaqanka nooluhu siiba aadanuhu waa mid ay keento dabeecaddu, waana ardaydaygii ninka hore ee Daarwin. Ninkan waxa uu samayn jiray inuu koox carruur ah meel isugu keeno ka dibna uu waydiin jiray su’aalo isku mid ah si uu wax uga ogaado sida ay uga falceliyaan.

Sigmund Freud (1856-1939): Odagyan ayaa isna loo aqoonsan yahay Aabbaha kasmo nafeedda casriga ah, waxa uu daah qaaaday aragtiyaha marxalada ay carruurtu maraan marka ay korayaan, waxa uu inna leeyahay ilmuhu marxalad kasta oo uu marayo waxa jira wax saamayn ku leh oo ah waxyaabo u badan dhinaca baayoolajiga. Se waxa jira aragtiyo kale oo uu mar dambe ku sheegi doono in isha ugu saamaynta badan hab dhaqanka aadanuhu ay deegaanka tahay. (John Watson 1878-1958) ninkan ayaa waxa isna daaha ka fayday aragtiyo badan oo ay ka mid yihiin aragtidan uu ku dooday ee deegaanku uu yahay aabbaha hab dhaqanka noolayaasha siiba aadanaha, waxa uuna leeyahay carruurta waxa loo qaabayn karaa sida qof amma bulsho gaar ahi doonayso. Taas oo macnaheedu yahay in aadanaha laga dhigi karo sidii la doonayo oo burinaysa in hidde siduhu aanu saamayn sidaa u ballaadhan ku lahayn hab dhaqanka aadanaha.

Bal aynnu milicsanno sababta Soomaalidu u aaminsantahay in hab dhaqanka laga dhaxlo awoowgaa oo 100 sano ka hor geeriyooday. Waxa marar badan dhacda in aynnu isuguu wacno amma isku af lagaaddayno erayga “ Siidh xun” oo ah qofka dad gaar ah ka abuurmeen uu ahaa qof aan wanaagsanayn taas baddalkeeda xumaantii uu qofkaas lahaa laga dhaxlay qofkii dhalay. Waxa kale oo dhacda in xilliyada guurka oo kale ragga lagu dar daaro weedh ah “ Inan(Gabar) lama guursadee, hooyadeed ayaa la guursadaa” oo macnaheedu yahay weedhii kale ee ahayd “ Inani waa hooyadeed” oo iyadana laga wado inantu ay tahay nooca ay tahay hooyadeed oo macne ahaan looga jeedo habdhaqanka ay
hooyadeed leedahay ayay inantuna yeelanaysaa.

Sida uu dhaqanka ahaa wakhtiyo hore, wiilku mar kasta waxa uu ka agdhawaa isla wakhtiganna ka agdhaw yahay adeerradii iyo awooyaashii, marka xoolaha lasoo liso badanaa waxa lagu cawayn jiray ardaaga oo lagaga sheekaysan jiray waayihii lasoo dhaafay. Ardaagu waxa uu ahaa xarunta amma xafiiska laga go’aamiyo arrimaha qoyska isla markaana lagu bar-baariyo wiilasha. Awoowga, aabbaha amma adeerka hadba kii la jooga wiilka ayaa uga warramaya waayihii hore iyo kuwa hadda taaganba, taas oo wiilku ka heli jiray khibrad badan iyo dhaqan taban amma mid togan.

Haddii awoowgu yahay mid kulul oo sharaarad amma fawdo badan waxa ay u badnayd amma u badan tahay in ilmahaas ka agdhawna uu hab dhaqankaas yeelanayo, sidoo kale haddii awoowga, aabbaha amma adeerku uu leeyahay hab dhaqan wanaagsan waxa ay u badan tahay inuu ilmahaas isna hab dhaqankaas yeelanayo. Waana sababta aynnu badanaa hab dhaqankeenna ugu dhejinoo waalidkeen oo aynnu u nidhaahno “ Hebel wa aawoogii amma aabbihii oo aan biyo is marin” Ilmuhu marka uu yar yahay waxa uu u nugul yahay inuu la fal galo hab dhaqanka aagga uu ku nool yahay oo sidaas u ku waynaado. Dhanka haweenka, inantu waxa ay iyana ka agdhawayd ayaydeed, hooyadeed iyo habaryarteed.

Inanta waxa aad loogu bar-baarin jiray sidii u noqon lahayd gabadh adag oo ninkeeda kula dhaqanta sida uu ula dhaqmo. Casharrada iyo talooyinka ugu adagna waxa ay ka heli jirtay ayayda. Waxa la odhan karaaba saamaynta ay ayaydu amma hooyadu ku leedahay inanta ayaa ka badan saamaynta aabbuhu amma awowgu ku leeyayay wiilka, sababtuna waa in inantu ay mar kasta ka ag dhawdahay ayaydeed amma hooyaaded maadaama ay badanaa guriga wada joogaan, miyigana ay hawlo badan wada qabtaan. Wada jooga badan iyo wada sheekaysigi badan waxa uu keenaya is dhexgel badan oo dhinaca hab dhaqanka ah. inanta waxa aad loogu dar-daraa is adkayn iyo inay aad ugu babac dhigto haweenka kale. Si kasta oo ay ayeeyadu u wanaagsan tahay haddana waxa dhici jirtay in aanay meesha ka madhnayd qaddiyadda haweenka ee dhinacyada badan taabanaysa. Saas awgeed waa sababaha aynnu hab dhaqankeenna uga soo dhanbalno waalidkeed innaga oo ka eegnay dhanka hab dhaqanka ee ka dhashay wada noolaanshaha. Se waxa iyana jirtay in sida awooga usoo bar-baariyay aabaaha, uu aabuhuna u bar-baariyo ubadkiisa taas oo iyana hab dhaqanka lala xidhiidhiyo qof dhintay muddo badan ka hor.

Akhriste bal mar kale aynnu dib u milicsanno aragtiyaha shakhsiyadda ee uu daah qaaday
aabbaha cilmi nafsiga casriga ah ee Sigmund Freud (1856—1939) ninkani waxa uu ku doodayaa in qofku marka uu yar yahay oo maro sadddex marxalood oo la xidhiidha dhanka
shakhsiyadda oo kasoo bilaabmaysa marka uu dasho siiba ahaan marka uu jiro 3 bilood. Hadaba aragtiyaha ugu muhiimsan ee shakhsiyada ugu caansan waxaa ka mid ah, aragtiyaha uu saynis yahankani kugu magaacabay(ID,EGO iyo Super ego) aqoon yahankani waxa uu xusay in dhammaan aragtiyahan uu kasoo dhambalay bilowga marka ilmuhu dhasho ee uu gaadho 2 sano, haddaba ID waxa ka turjumaysa qanuunka farxadda amma wixii uu ku xasilo ilmuhu( Pleasure principle) qof kasta oo bani aadam ah wuu kusoo dashaa marxaladdan oo waxa aynnu markhaati ka nahay in ilmaha yari uu ku ooyo wax kasta uu arko, mana aamusayo ilaa waxaas uu jeclaaday laga siinayo, sidoo kale ilmaha yar haddii wax kasta oo uu doonayo laga yeelo waxa laga yaabaa inuu marxaladdasas uu ku waynaado ka dibna isagoo 10 jir uu ku ooyo waxa uu doonayo. Marxaladda kale ee qofka bani aadamka uu maro waa marxaladda loo yaqiin ( Ego) waana marxaladda ugu muhiimsan ee la yidhaa aadbay u wanagsan tahay in qofka lagu bar baariyo inta aanu qaan gaadhin badanaa qaybtani waa qaybta ina barta xaqiiqda oo afka qalaad lagu yidhaa (Reality Principle) marxaladdan maaha mid jireysa ilaa qaybtii hore ee ID ta loo yaqiin aanu soo marin qofku, qaybtan waa ta innoo sheegta in aynu wax is waydiinno, wax is bar bar dhigno, tusaale ahaan ilmaha yar haddii loo sheego sababta wax loogu diidayo wuu ka joogsanayaa, badanaana Soomaali ahaan qaybtan in badan waynu ka ilownaa caruurta oo in badan waxaad arki waalid ilmihiisa ku leh aabbo amma hooyo waxaas waa ceeb, laakiin cidna uma sharraxdo waxa ceebtu tahay ama in sharraxaad laga siiyo sababta ay waxaas ceeb u tahay.

Marxallda ugu dambeysa ee odeygan u bixiyay Super Ego. Marxaladdan waxa aynu barannaa waxa saxsan iyo waxa khaldan, waxaa aanay badanaa ku salaysan tahay madaadii’da loo yaqaan (Morality Principles). Sidoo kale waxa aynu barannaa waxa wananagsan iyo wixii xun. Waxa kale oo ilmuhu bartaa waxyaabaha la xeeriyo sida dhaqanka iyo diinta. Ilmuhu waxa uu barta wax kasta oo ku xeeran oo deegaankiisa ah. Waxa ay innoo diida samaynta falal aan laga aqbali Karin bulshada dhexdeeda.

Aqoonyahanadu waxay sheegayaan in qofka bani aadamka ay saamayn wayn ku leeyihiin guriga uu ku koro, deegaanka uu ku nool yahay iyo goobta uu wax ka barto, intani haddii ay hagaagaan waxa hagaagaya oo is baddal muujinaya ilmaha yar, is baddalkaas wuxuu noqon karaa mid taban iyo mid toganba, dhanka kale in badan waxaynu maqalka hebel waa hebel oon biyo is marin, tani kama dhigna in qof hebel uu raacay hebel kale oo arimaha hiddaha waxa ka samaayn badan arimaha uu deegaanku keeno. Shakhsiyadda iyo habdhaqanku wax badan kuma kala geddisna, shakhsiyaddu waa inaad leedahay hab dhaqan go’an sida inaad hadal badan tahay amma aamusan tahay amma inaad xanaaqdo markaba ay adagtahay inaad deg-deg u xanaaqdo, halka hab dhaqanku yahay inaad si taban amma si togan uga falceliso wax agtaada ka dhacay.

Akhriste Diintu qayb wayn bay ka tahay hab dhaqanka qofka. Marka laga yimaaddo cibaadaadka, diimaha oo dhan waxa ugu muhiimsan waa qaybta akhlaaqda iyo guud ahaan anshaxa suubban. Qofku inuu ku hadlo erayo aan wanaagsanayn kana gudbo xeerarka anshaxa suubban waxa ay tahay inuu qofkaas yahay qof edab iyo akhlaaq daran. Hab dhaqanku waa inaad inaad si taban amma si togan uga falceliso waxa agtaada ka socda oo ah waxa la odhanayo amma la qabanayo, saas awgeed diintu waxa ay jidaysaa samaynta waxa togan iyo ka fogaanta waxa taban. Saas awgeed waxyaabaha ugu waawayn ee hab dhaqanka qofka qaabeeya waxa ka mid ah diimaha.

Diinta Islaamka ee xaqa ah wax ay jidaysay oo ay aad u boorrinaysaa hab dhaqanka iyo anshaxa suubban ee dadka looga baahan yahay, taas oo aad uga dhex muuqata dadkeenna. Suubbanuhu naxariis korkiisa ha ahaatee waxaa kii xadiis ku sheegay in keliya loo soo diray inuu dhammaystiro akhlaaqda suubban. Diintu waa dhaqan sharci ah oo aan sida dhaqannada bulshada wax laga baddali karin, saas awgeed hab dhaqanka aadanaha wax mi dha dhaqannada sharciga oo ah diimaha. Dad badan ayaa ku dooda in dhiigga amma hidde siduhuna uu saamayn ku leeyahay dabciga aadanaha, marka si caqli ah loo fiirsho hab dhaqanku waa barashada waxa ka socda aaggaaga ee ah fal amma hadal, se hidde side marka loo eego cilmiga noolayaasha ee (Biology) loo yaqaan waa astaamo uu noole leeyahay u gudbiyo noole kale sida muuqaalka oo kale.

Waxa aynnu aragnaa ubad u eeg hooyadood amma aabbahood, tan ayaa la odhan karaa waa hidde sidaha saxda ah, sida la xaqiijiyay hidde sidaha hooyada ayaa ka awood badan sidde sidaha aabbaha oo badanaa ubadku hooyadood bay u eekaadan, waxa kale oo dhacda in ubadku midab ahaan hooyadood u eekaadaan halka qaab dhismeedka sida dhererka amma xajmiga oo kale ay aabbahood uga eekaadaan, se meelna laguma xusin hidde siduhu uu saamayn ku leeyahay hab dhaqanka qofka.

Daraasado badan oo la sameeyay ayaa lagu xusay in keliya 10% wax ka yar uu hidde sidehu uu saamayn ku leeyahay hab dhaqanka qofka. Sida aan kor ku xusnayna waxa habboon in mar kasta lagu baraarugsanaado in la kala saaro sakhsiyadda iyo hab dhaqanka. Waxa uu hiddesiduhu samaayn ku yeelan karo ayaa ah shakhsiyadda oo aynnu macnaheeda kor kusoo qeexnay, se shakhiyaddana waxa ka awood badan deegaanka, tusaale ahaan qof aad sannad dhawayd ku ogayd inuu ahaa qof deggan oo aamusan baad sannad ka dib arki kartaa qofkaas oo hadal oo dadka ku dhex jira, walow ay jiri karaan in badanna waligood ku sugnaadaan shakhiyaddooda oo ah af gaabnaan.

Ugu dambayn akhriste hab dhaqankaaga wax 80% go’aamiyaa waa xaaladaha iyo duruufaha iyo deegaanka aad ku nooshahay, halka inta soo hadhayna ay saamayn ku leeyihin shakhsiyaddaada iyo hiddesaha oo ah dhinaca baayoolajiga. Muddo ka badan qarniyaan ayaa ay bahda cilmiga naftadu ku wadeen daraaso iyo cilmi baadhista isla wakhtigganna la wado, maaddaama dunida uu ka dhacay is baddal 360 digrii ahi. Daraasad kasta oo laga sameeyo hab dhaqanka aadanaha waxa lagu soo idleeya in hab dhaqanka qofka ay go’aamiyaan deegaanka oo u kala baxa.

 Goobaha waxbrashada
 Guriga iyo dadka ku nool
 Magaalo amma baadiye
 Aaladhaa iyo tihnoolajiyadda

Saas awgeed halkaa waxa aynnu ka fahmaynaa in hab dhaqanku qofku yahay wax laqaabayn karo oo sidii la doonayo laga dhigi karo. Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan “ Geed intuu curdinka yahay baa la toosin karaa” waxa aynnu leeyahay ilmuhu inta uu yar yahay baa laga dhigi karaa sidii la doonayo. Qof aan cidiba ku tabcin baa la doonayaa inuu wanaagsanaado, geedka intuu curdinka aad toosin wayday suuro gal maaha markuu gaamuro inaad toosiso, sidi lagu yaqiin wuu jaba amma mid adag buu oo gudin baad usoo
qaadan.

Waalidka waxa lagu dar-daarayaa in hab dhaqanka guriga la wanaajiyo, macalliimiinta waxa lagu boorrinayaa inay is waajiyaan falkooda iyo hadalkooda iyo inay ubadka ku bar-bariyaan hab dhaqanka togan in ka badan waxa sabuuradda lagu qoro. Bulshada waxa habboon inay ilaaliyaan anshaxa suubban ee ee ubadkeenna saamayn ku leh, ugu dambayn dawladda waxa habboon inay siyaasad qaran kasoo saaraan in bulshada lagu hanuuniyo anshaxa suubban oo lala jaanqaadayo bulshooyinka caalamka ee ka xishooda inay candhuufta waddada ku tufaan.

Akhriste kasmada nafta maaha mid qoraal lagaga gayoon karo, waxa habboon qofku inuu ahaado mid wax baadha oo wax akhriya, maalin kasta waxa soo baxa daraasado iyo cilmi baadhisyo la xidhiidha wax kasta oo nolosheenna aadanahay siiba qaybaha cilmiga ee ay ugu horreeyaa caafimaadka iyo nafsaddu, saas awgeed baadh oo ku xidhno majjaallada, jaamacadaha iyo machadyada soo saara cilmi baadhisyada.

W/Q: Mukhtaar Axmed Nuur

Biixi223@gmail.com

SHEEKOOYIN