SAAMILEYDA SIYAASADDA W/Q: Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

SAAMILEYDA SIYAASADDA

Eraybixinta oo lagu tilmaamo in ay tahay magac-bixin ayaa ah  eray ama erayo micno weyn xinbaarsan oo haddii aan si dhab ah loo garan keeni kara  fahandarro ama in xaqiiqo dhab ah la baal-maro. Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo if -baxa erayo cusub oo aan horey u jirin oo ay keentay duruuf, dan ama aqoon cusub oo soo korortay. Eray cilmiyeedka (terminology) ayaa ah mid yeelan kara micno kala duwan oo hadba waxa uu macno ku leeyahay jumlada uu ku jiro ama laanta cilmi ee loo adeegsaday. Tusaale aan u soo qaadanno erayga ”depression” oo dadka ka shaqeeya caafimaadka ay u adeegsadaan xanuun dhimirka la xiriira, halka ay dhaqaalayahannadu u adeegsadaan dhaqaala xumida ama busaaradda. Waxaa iyana jira erayo hal micne oo kaliya leh oo aan iyagu macna ka la duwan faa’iideyn.

Weerta saamileyda siyaasadda ayaa  dad badan oo Soomaaliyeed ku dhalisay wel-wel, maxaa yeelay erayga ”saami” oo ah eray Soomaali asal ah waxa uu ka soo jeeda dhaqankeenna miyiga. Eraygan saami  waa mid sheegaya in dhawr qoys oo isu tegay ay si wadar ah u iibsadaan  neef ishkin ah iyada oo ujeeddada loo iibsanayo tahay in la qalo oo hilibkiisa la shaaraqo dabadeedna loo qaybiyo dadka ku shirkoobay.  Iyada oo qoys waliba qaadanayo qaybta uu iibsaday oo ku jaango’an inta neef oo ari ah oo uu bixiyay. Qoys kastana qaadanayo qaybta uu ku mutay xoolihii uu bixiyay oo loo yaqaanno ”saami”.  Tusaale, haddii ay dhawr qoys qashaan hal lix iyo tobanley ah, loona qeybiyo lix iyo toban saami, qoys waliba waxa uu xaq u yeelanayaa in uu qaato kolba saamiga uu ku lahaa hasha. Sidaa darteed, qoyska Faarax Geeddi waxa ay hilibka ka qaateen laba saami, maxaa yeelay ariga ay bixiyeen ayaa u dhigma labada saami. Haddaba, erayga saami waa mid halkaas asal ahaan ka soo jeeda dabadeedna noqday eraybixin  ganacsiga loo adeegsado oo waxa aad maqlaysaa in Guuleed Warsame uu saami ka iibsaday shirkad ama uu isagu leeyahay shirkadda 51% saami ahaan.

Maxaase weerta iyo wiiqda kulmiyay?.

Dabayaaqada gugii tegay (2019) waxaa baraha bulshada qabsaday buug uu qoray siyaasi soomaaliyeed oo waddanka xilal kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay, waa Cabdi Weli Cali Gaas e, buuggaas oo loogu waqlalay  (A Challenging Transition in Somalia)  ayuu qoraagu ku sheegay in ay jiraan dad ka ganacsada siyaasadda dalkeenna, kuwaas oo dadka qaar u yaqaannaan ”Aaran-jaan”. Dad badan ayaa mooday in ay yihiin koox yar oo joogta Puntland balse eelku intaas ka weyn waxaaba dad badani rumaysan yihiin  in kuwa koonfurtu ka halis badan yihiin kuwa qoraagu xusay.

Waxa aad arkaysaa in weertan qoraagu xusay ay dadka xusuusisay arrimo badan oo awalba la tuhunsanaa. Waraabe la teg bartay dhig ma yeelo! Saw lama moodo kuwa isku magacaabay  saamileyda siyaasadda in ay yihiin kuwii uu qoraagu sheegay. Tolow goormee bay ina iibsadeen!. Ma waxay qaybsanayaan dhiigga, dhaqaalaha iyo xuquuqda shacabka?. Dadka iyo dalka  ma iyagaa iska leh?.

Waa halka uu  gabyaagii Ismaaciil Mire ka yiri: anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye.

Nin Ilaahey leh looma dar-daar weriyo, kabtii naloogu tashadayna Eebbe waa joogay!

W/Q: Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

gababdigani@gmail.com

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN