Saaxiibkaan Eersaday Q10AAD W/Q: Cismaan Qanyare

                             

Saaxiibkaan Eersaday Q10AAD

Ladan waxay u gudbisay qareenkii arrinkii Isbitaalka, aad ayuuna usoo dhaweeyey isaga oo weliba ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay hawshaas ugu kuurgashay, wuxuu yiri ‘’ Maseyr (Hinaase) ayaan arrinta ka dhigeynaa, waana qaabka ugu fudud ee xukunkiisa lagu fududeyn karo,waayo waxaa loo haystaa Liibaan, qaadasho hub sharci darro ah, isku day dil, iyo argagixin bulsho, maadaama meel meherad ah uu wax ku weeraray, arrintaas oo xukunkiisa adkayn karta,hadda waddo wanaagsan ayaa noo baxday, Maxkamadda ayaan u gudbinayaa arrinkan isla hadda, haddii gabadhaasi maraga fureyso’’.

Waxaa la gaaray maalintii lagu balansanaa inay maxkamadda dhacdo.Goobtu waa maxkamada caddaaladda iyo garsoorka heer gobol ee dalka midowga boqortooyada ingiriiska, gaar ahaan magaalada da’da weyn ee London. Waxaa tuban horteeda iyo dhexdeeda dadyoow badan oo kala ujeedooyin ah. Qaar waa dad dacwooyinkoodu socdaan ama bilaaban rabaan goor dhow, halka qaar kalana yihiin ehelada iyo saaxiibada dadka loo madlan yahay in dacwooyinkooda la galo. Waxaan sidoo kale ayaguna meesha ka maqneyn qaar usoo daawasho tagey,garyaqaanada, garsoorayaasha iyo shaqaalaha maxkamada oo ku libisan dhar midabkoodu madoow yahay oo u eg qamiisyada carabta balse labada dhinac ka furan iyo nooc koofiyado ah oo oo aa moodid in kor loo dhuubay. Shaqaale waraaqyo iyo feylal sita aadna u mashquulsan ayaa hadba dhinac isu dhaadhaafaya.

Ladan oo soo kalahday kana soo hor martay ugu yaraan saacad iyo bar xilligii ay dacwada Liibaan bilaaban laheyd si aysan waxba u dhaafin ayaa maxkamadda joogta. Markiiba indhahaagu waa ku dhacayaan Ladan maadaama aanaey soomaali kale ku sugneyn goobta ,dadka joogana si sahal ah looga soo dhex qaban karo. Ladan waxaay u labisan tahay si iska caadi ah, cabaayad madoow iyo garbasaar ayay wadataa, Jaakad nooca aan cuslayn oo dheer iyo boors madoow oo dharka u eg, hubaal, uma aysan soo hubqaadan siday caanka ku ahayd, waayo waxaa ka muuqda niyad xumo iyo deganaansho la’aan, maaha mid ku qalbi furan meeshay joogto, inay welwelsan tahayna waa laga dareemayaa sidoo kale kama muuqato ina soo marsatay waxyaalaha quruxda dumar bila (Make up) ayadoo muujineysa marxaladda ay niyad ahaan ku sugan tahay iyo dareenkeeda maalintaas, inkastoo aysan uba baahneyn oo ay ka dhan tahay qurux aan dabiici aheyn. Ladan culeys inuu saaran yahay ayaa ka muuqday.

Saacadii dacwadu bilaaban laheyd ayaa lagaaray taasoo ku beegneyd 9:00 subaxniimo. Waxaa la keenay oo irid ka duwan tan dadka caadiga (public) ah kasoo galaan laga soo galiyay Liibaan oo garbaduub u xiran, labada geesna ay ka socdaan askar booliis ah oo ku labisan dharka ciidamada nabadgelyada. Liibaan mar allaale iyo markii uu maxkamada soo galay ayuu isha wada mariyay dadkii ku sugnaa qolka dacwadiisu ka dhaceysay ee maxkamadda.Gees ilaa gees ayuu isha la raacay isagoo u muuqday ama aad moodid inuu daydayayo ama raadinayo wax ka lunsanaa.waxeyse indhihiisu nasteen markii uu uu indhaha qac ku siiyay Ladan oo fadhisa meel sare oo ku beegneyd dhanka garabkiisa bidix. Ladan oo dhaqdhaqaaqa indhihiisa si habsami leh ula socatay ayaa dhoolacadeyn qurux badan oo ay naxariisi ku dheehan tahay u muujisay, taasoo malaha ka dhigneyd ‘’WAAN KULA JOOGAA KAAMANA DHEERI, jawaab soo dhaweyn leh uga dhigtay indhihii Liibaan ee deymooshada ku mashquulsanaa. Liibaan oo aaney weli indhihiisu joojin raadintii , in kasta oo uu Ladan arkay ayaa hadana mar kale si wanaagsan eegis kula soo wareegay afarta dhinac ee qolkii weynaa ee ay ku jireen dhexdiisa. Luul weey ogeyd in maalintaas dacwada dhaceyso , waxaana u sheegay Looyaan ,laakiin masoo xaadirin. Waxaa isna sidoo kale la soo galiyay Looyaan oo ay shaqaale isbitaalka ka socda gaariga yare ee bukaanada ku riixayaan, waxaana barbar socday qareenkii dowlada oo isaga u doodayay kuna mudac ah Liibaan.

Mr John Wilson oo ah qareenkii Liibaan oo la ciiraya feyl waraaqo ka buuxaan isaguna waa ku xaadir qolka. Waxaa cod sare ay ku tiri gabar dareeska shaqaalaha maxkamadda xiran ‘’isaataga dhamMaantiin‘’ iyadoo ku wargalinaysa dadka fadhiya qolka oo dhan inay soo galayaan garsooraha iyo labadiisa ku xigeen oo ka koobnaa 2 nin iyo naag. Dadkii oo dhan ayaa mar qura wada istaagay iyagoo ku sharfaya sida caadadu tahay garsoorayaashii soo galayay qolka. Waxaa fariistay garsoorayaashii, kaddibna dadkii klae oo dhan waxaana si toos ah u bilaabatay dacwadii.

Waxay dacwadu socotaba Mr Wilson wuxuu maxkamadda u sheegay in arinku ahaa arrin dhibbanaha (Looyaan) iyo xaaskii eedeysanaha (Luul) ay si wada jir ah u maleegeen qayaamo ka dhan aheyd eedeeysanaha kaddib markii ay xiriir hoose uu dhibanuhu la sameystay xaaskii eedeeysanaha oo ay saaxiibo ahaayeen, isagoo markii danbana ku guuleystay inuu burburiyo gurigoodii, kaddibna uu sidaas ku waayay eedeysanuhu xaaskiisii iyo carruurtiisi. Wuxuu Mr Wilson ku nuuxnuuxsaday isla markaana ku qanciyay gudigii garsoorayaasha in Liibaan uu ka xun yahay wixii dhacay, horeyna uusan waligii fal fambiyeedyo u geysan cidna ,kana oolin wax danbiyo ah oo u diiwaan gashan, balse dhaawacyo xagga niyadda ah oo kasoo gaaray burburkii reerkiisa iyo qayaamadii ay u geysteen labadii qofood ee uu adduunka ugu jeclaa ay saameyn ku yeelatay. Wuxuu kaloo Mr Wilson uu si fiican uga dhaadhiciyay garsoorayaashii inay markii xaaskiisu booliiska ugu yeertay ay aheyd kaddib markii uu eedeysanuhu ogaadey in la qayaamayay.

Mr Wilson oo ay intay dacwada socotay helay fursad uu Looyaan ku weydiiyo su’aalo kul kulul kuwaas oo uu uga gol lahaa inuu garsoorka maxkamada dareensiiyo in meesha xiriir hoose ka jiray oo ku dhisnaa qayaamo ,taasna ay raad ku laheyd dagaalka ayaa weydiiyay su’aalahan:

Mr Wilson: Wax aqoon ma idinka dhaxeeysay adiga iyo eedeysanaha?

Looyaan: Haa

Mr Wilson: Muxuu ahaa xiriirka idinka dhaxeeyay?

Looyaan: saaxiibo ayaanu aheyn in mudda ah

Mr Wilson: Maxaa keenay dagaalka idin dhex maray adiga iyo eedeysanaha Looyaan: Xaaskiisa ayuu gacan u qaadey sidaa awgeed nin dumarka gacan u qaada inaan saaxiib lasii ahaado waxaan u arkay inay meel ka dhac ku aheyd sharafteyda sidaas ayaana xiriirka uga goostay.

Mr Wilson: Adiga iyo xaaska eedeeysanaha xiriir side ah ayaa idinka dhaxeeya? Looyaan: Xiriir gooni ah nagama dhaxeeyo , laakiin aqoon baa naga dhaxeysa.

Mr Wilson: Adigu ma tahay nin been badan?

Looyaan: Maya ,beenta waaban necbahay.

Mr Wilson: Ma dhici kartaa inaad saaxiibkaa oo ku aaminay aad qayaantay oo aad xaaskiisa xiriir hoose la laheyd?

Looyaan: Nin noocaas ah maahi

Mr Wilson: Haddii aanad beenloow iyo qaa’in aadan aheyn ,maxaa keenay inaad saaxiibkaa xaaskiisa aad kala wareegtid ?

Looyaan: Waxaad doontid waad iska dhihi kartaa laakiin waxaas su’aal qof la weydiiyo maaha

Mr Wilson : Cisbitaalka ma isaga diiwaan galisay dhaawaca markuu ku soo gaaray in xaaska eedeysanuhu yahay xaaskaaga?

Looyaan:Ayaa weydiintani ku noqotey dhul gariir (oo isku dhex yaacay) Haa, maya, sidaas ulama jeedin.

Mr Wilson : Waxaad maxkamada sharafta leh horteeda ka sheegtay inaadan beenloow iyo qayaamaloow aanad aheyn, miyeeysan been aheyn inaad qof aan xaaskaada aheyn ku diiwaan galisid inay xaaskaada tahay? Maxeyse tahay baahida kgu kalifi kartay?, Saxiibkaa iyo xaaskiisa dhibaatada dhex taalay inaad door weyn ku laheyd ayay arintaasi iftiimineysaa, taasoo macluumaad muhiim ah ka bixin karta sababihii dagaalka adiga iyo eedeysanaha keenay.

Looyaan: Oo aad moodid dooro biyo ku dhacday aamusnaan ayuu ku jawaabay.

Mr Wilson: Ma tagtay guriga Liibaan xaaskiisa intii khilaafku dhexmaray ama liibaan xirnaa?”

Looyaan: (Oo shaki weydiintii hore ku abuurtey kasoo kabsan) ayaa ugu warceliyey, waan tegay haa, laakiin waxaan u tegay inaan caawiyo.

Intaas Kaddib waxaa u dhaqaaqay dhanka miiska weyn ee Garsoorayaasha Mr Wilson oo u dhiibay Koobiga warqada uu isku diiwaangeliyey, taasoo saxeexiisiina saaran yahay. Garsooraha ayaa weydiiyey Looyaan weydiimaha lagu weydiiyey ee aad ka jawaabtay waxaad ka beddelayso miyaa jira ?

Looyaan oo naxdin iyo baqdin wadnuhu si xooggan u garaacmayo ayaa is yiri, haddaad been kale sheegto halis baad ku jirtaa waayo ma oga waraaqaha la dhiibey sawir iyo caddeyn waxay yihiin, balse wuxuu ogyahay inuusan xiriir la lahayn, haddana laga yeeli maayo taas, wuxuu ku jawaabay ‘’maya, mudane Garsoore’’. Garsoorihii ayaa ku soo celiyey hadalkii garyaqaan Wilson.

Wilson oo waddo uu hawshiisa u maro helayna wuxuu u dhaqaaqay, inuu qodobbo dhawr ah oo dhinaca hinaasaha iyo masayrka ka hadlaya, dhaawaca uu u keeni karo dareenka maskaxda ku nuuxnuuxsaday, kaddibna wuxuu yiri: “ Anagoo eegayna sharciga haddaba eedaysanuhu ma jirto ilaa hadda wuxuu gacantiisa ku geeystay, markaan wareystayna wuxuu ii sheegay inuu cabsi gelin keliya ka waday, wuuna ka xun yahay falka uu geeystay, sidaa awgeed maxkamadda sharafta leh waxaan ka codsanayaa in kiiskiisa dib loo eego duruufaha ku xeeran, idinkoo u kuur galaya caddeymaha iyo sababaha keenay arrinkan.” Waxaa la aaday biririf yar oo 15 daqiiqo ah, si ay garsoorayaashuna u shawraan, loona kala nasto, markaan waxaa fursad isu helay Liibaan, Ladan iyo garyaqaankii.

Liibaan oo aan kalmad dhihin xaalkiisuna af-kala-qaad yahay lana yaaqabay arrinta uusan ogeyn ee maxkamadda laga dhex sheegay ayaa yiri: Mudane garyaqaan ma jirtaa in xaaskayga iyo ninkaani lahaayeen xiriir mise?”

Wilson ayaa intuu qoslay yiri: Waa lagama maarmaan mararka qaarkood been run u eg in la sheego, arrintan waa mid aannu kiiskaaga ku fududeeyneyno, caddeymaha inuu gurigaaga tegay, xaaskaaga isbitaalka ku booqatay iyo inuu isku diiwaangeliyey waa jiraan, balse wax dhaafsiisan kama warrami karo ee Ladan weydii.

Ladan ayaa tiri: Kiiskaagu waa cuslaa ilaa muddo sannado ah ayuu qaadan lahaa, marka inaan hinaase ka dhigno waxay noqotey lama huraan, wax intaas uu sheegay qareenku dhaafsiisana ma ogin, balse muhiimada ayaa ah in xukunka lagaa yareeyo. Liibaan oo madaxu jiiraynaayo, filimaan waaweyna u shidantay, ayaa waqtigii dhammaaday waxaana lagu soo noqday gudaha.

Garsoorihii ayaa furey hadalka: Markaan dhegaysanay qareenka dhibanaha, markaan dhegaysanay qareenka eedaysanaha iyo caddeymihiisa, waxaan go’aansannay in aan qafiifinno xukunka eedaysanaha annagoo ku xisabtannay taariikhda eedeysanaha oo aheyd nin aan wax danbi ah ooh hore ka oolin, iyo marxaladaha ku xeeran kiiskan, sidaas awgeed waxaan ku xukumaynaa eedaysane Liibaan Sheekh sadax billood oo xabsi ah 168 saacadood oo shaqo iskaa wax u qabso adeega bulshada ah, gaar ahaan dowladda hoose.

Arrinkan wuxuu aad uga farxiyey Ladan oo ku guuleysatay inay ka badbaadiso Liibaan xabsi iyo xarig dheer, sidoo kale waxaa halkaas guul ku raacday qareenkii Wilson oo ka badbaadiyey macmiilkiisa dambigii lagu soo oogey. Markay maxkamaddii dhammaatay ayaa waxaa dib loo garba duubay Liibaan balse, Liibaan ayaa arkay Ladan iyo laba wiil oo meesha kala shaqayn jirey oo yimid maxkamadda intii ay dacwadu socotay oo wada socda iyo qareenkii, qareenkii ayaana ka codsaday in muddo 10 daqiiqo ah intaan xabsiga lagu celin la siiyo ay ku wada hadlaan.

Ladan waxay tiri: Liibaanoow hambalyo in xukunkii lagaa fududeeyay, mar labaadna hambalyo waxaan ahay xaamilo waxaanan kuu leeyahay saddex bilood uur ah weliba mataanno ah, balse lama oga wiilal iyo gabdho waxay yihiin.

Liibaan ayaa farxad ilmo labadiisa daan qoysay intuu is ilaaway ayuu isku duubay Ladan oo Madaxa iyo meel kasta ka dhunkaday taasoo ka dhignayd iga raali noqo, uuna ku muujinaayay inuu ka xun yahay gefkiisa. Muddo markuu ku dheganaa, ayuu fahmay ujeedka wiilasha aan maxkamadda gabagabadeedii lagu soo aadiyay imaanshahooda, wuxuuna ku yiri isagoo weli ilmeynaya : Saaxiibayaal iiga noqda marqaati inaan xaaskaygii iyo marwadeydii Ladan soo ceshadey “ RAJACTU” ayaguna way ku farxeen guul iyo hambalyo ayaa la wada yiri.

Ladan ayaa cod dheer oo qeylo xigeen ah, oo ximbaarsan fariimo kalgacal kusii hubsatay dhagaha Liibaan oo ay askartii sii sii qadaan-qadinayaan, waxayna ku qeylisay kalmadahan : ‘’Liibaanoow godka maahane meel kale kaaga hari maayo, anigaa ku jecel, anigaa kuu nool, ogsoonoow inaadan wax danbi ah oo laguu xiro aanad laheyn , waa..ku..jeclahay.. waxaad i siisay hadiyad aan adduunka ugu jeclaa, anigana waxaan balan kaa qaaddaa inaan farxad ku siiyo inta noloshaada ka hartay’’. Ladan oo weli farriimaha dareenka leh cod dheer ku gudbineysa ayuu ka libdhay ama ka qasoomay Liibaan.

Ladan waxaa hore isbitaallo badan ugu sheegeen inaysan wax uur ah qaadi kareynin, waana sababta wiilkii abtigeed dhalay ee bilcamay ay u kala tageen, isagoo hadal cad ku yiri Farxaan oo ahaa ninka bilcamay Ladan: “Anigu ubad baan rabaa haddaad Saddax sanno ku dhali weyday dhakhaatiirtiina kuu sheegeen inaadan dhalayn, qadarta iyo waxaad sheegayso ha igula meeraysanine abaayo warqadaada ayaan ku siinayaa” Arrintaas niyad jabkii ay ka qaadey waa mida keentay in Ladan nin xaas iyo ilmo leh inay guursato, inay ka ogolaato inuu qariyo inay ka ogolaato ineysan wax shuruuda ku xirin.

Maalintay Ladan xabsiga ugu tegaysay ayaa ahayd maalintii loo sheegay inay uur leedahay waa maalintay cafisay ee ilowday Liibaan xumaan kasta oo uu u geystay, waxayna go’aan ku gaartay inay soo ceshato lana dhaqanto oo aysan ubadkeedu aabbe la’aan korin, dhib kastana ugu dulqaadato.

Liibaan waxaa loo dhaqaajiyey dhinaca xabsiga waxaanna lagu riday baabuurkii maxaabiista ilaa intii uu baabuurku u sii socday xabsiga waxaa maskaxdiisa dhex miranaayay siday isu barteen isaga iyo Ladan.

 

La soco qaybaha kale

W/Q: Cismaan Qanyare

SHEEKOOYIN